Wednesday, September 3, 2025

Dowladdu waa inaysan weerarka Garoonka Aaden Cadde u arkin Hoobiye la soo tuuray uun (W/Q: Daahir M. Geelle)

-

Al-Shabaab dhowr jeer ayay hoobiyaal ku weerareen garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaallada Muqdisho. Qaar ka mid ah hoobiyayaashaas ayaa ku dhacay saldhigga Xalane oo garoonka ku dheggan.

Weerarro kale oo gaadiid la qarxiyay loo adeegsaday, waxyeellana geystay ayaa sidoo kale lagu qaaday saldhigga Xalane iyo garoonka diyaaradaha.

Weerarrada lagu qaado garoonka diyaaradaha iyo nawaaxigiisa waa ay ka saammayn badanyihiin kuwa ay sida joogtada ah Al-Shabaab uga fuliyaan magaalada dhexdeeda.

Inkastoo qasaaraha muuqda sida dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed ay ka sinnaan karaan, haddana marka ay garoonka diyaaradaha joogto weerarrada noocaan ah waxa ay bulshada iyo magaallada ku yeelan karaan saammayn taban oo intaas ka badan.

Marka koowaad, Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle waxa uu adeeg siiyaa Soomaalida ku nool magallada iyo gobollada, Waxa uu il dhaqaale u yahay dowladda. Sidoo kale, waxaa adeegsada hay’adaha gargaarka siiya dadkeenna, diblomaasiyiinta Soomaaliya fadhigoodu yahay iyo howl-galka AMISOM oo kaalin lixaad leh ku leh dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Sidoo kale, garoonku waxa uu waayadaan dambe soo jiidanayay indhaha caalamka, ayadoo diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadka ka billaabay ay kordheen.

Haddaba haddii aan wax laga qaban weerarrada ay Al-Shabaab ku qaadayaan garoonka iyo nawaaxigiisa waxa ay saammayn doontaa dhammaan howlaha garoonka ka socda.

Waxaa istaagi doona duulimaadyada caalamiga ah marka hore, kuwa gudaha iyo gobolkana waa saammayn doontaa. Hay’adaha iyo safaaradaha fadhigoodu yahay Xalane ayaa guuri doona, ayadoo la ogyahay waqtiga ay qaadatay in lagu qanciyo in ay dalka soo dagaan.

Howlaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo aasaas u ah howlaha dowlad-dhisidda ee dalka ka socdana waa ay saammayn doontaa, dalkeennana uma wanaagsana dhinac ammaan, dhinac bani’aadamnimo iyo dhinac ganacsi ba.

Sidaas darteed, Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa walaacan, aniga oo ku boorrinaya dowladda in aysan weerarka garoonka lagu qaadayo u arkin “Hoobiye la soo tuuray uun” ee ay dareento saammaynta taban ee dalkeenna ku yeelan karaan weerarrada lagu qaado goobaha muhiim ka ah. Dowladdu waa inay arrin qaran u aragtaa difaacidda garoonka diyaaradaha iyo xerada ay marti sharafta dalku deggan yihiin ee Xalane.

Ugu dambeyn, Al-Shabaab waa dabeecad lagu yaqaan in ay isku dayaan in ay bulshada gaarsiiyaan nabarba midka uu ka xanuun badan yahay, lagama filayo wax aan dil, qaxin iyo burburin ahayn. Yaan laga yeelin in ay u suurto gasho arrintaasi ee xoogga iyo dhaqaalaha la haysto ha la isugu geeyo ka hortagga iyo la dagaallidda kooxdaan duulaanka ku ah wax kasta oo diinteenna iyo dhaqankeennu xarrimeen in lagu xadgudbo.

Qofkasta oo ka warqaba dhibka laga soo maray dib u furitaanka garoonka Aaden Cadde burburkii kadib wuu ka welwelayaa in garoonka wax soo gaaraan dhaawici kara sumcadiisa iyo haykalkiisa shaqo.

W/Q: Daahir Maxamuud Geelle
Wasiir & Danjire hore

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you