Bishii June sanadkii 2015 ayaa waxaan tagay magaalada Jig jiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI), anigoo ka socday Dowlada Soomaaliya oo aan wakiil uga ahaa inaan kala soo xaajoodo Dowlada Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) daminta colaad dhiig badani ku daatay oo kajirtay deegaanka ku dhaxeeya Gobolka Galgaduud ee Soomaaliya iyo Gobolka Qoraxay ee Dowlad Deegaanka Somaalida Itoobiya (DDSI).
Mudo asbuuc ah ayaan joogay Magaalada Jig Jiga oo wada hadallaas inoo socdeen, kadibna waxaan kala saxiixanay heshiis 8 qodob ka koobnaa oo lagu soo afjarayay colaadaas. Dadka Soomaalida ah ee degan deegaanada DDSI loogu ogolaanayay xuquuqdooda Maamul iyo Adeegyada Bulshada ee daruuriga u ah noloshooda, waana ku mahadsanyihiin Madaxda DDSI inay heshiis kaas u taabo geliyeen sidii uu ahaa.
Hadii aan usoo laabto ujeedada hadalkeyga maalintaas aan Jig Jiga joogay ayaa waxaa fariin qoraaleed iisoo diray qof aanan rabin inaan magaciisa halkaan ku xuso lkn aan aqaano. Wuxuuna ku yiri qoraalkiisa:
WAXAAD TAHAY KHAA’INUL WADAN GATAY DHIIGII DADKII UU MATALAY!.
Waxaan ugu jawaabay marka: WAAD MAHADSANTAHAY WALAALE. Sababtoo ah waxa uu ka hadlayo iyo waxa aan meesha u imid ayaaba kala gedisanaa!.
Intaas kadib hadana waxaan mar labaad ku tagay magaalada Jig Jiga booqasho bishii August sanad 2016. Aniga oo kamid ahaa wafdigii la socday Madaxweynaha Soomaaliya ee booqday DDSI.
Kadibna isla qofkii ayaa mar kale fariin midii hore lamid ah iisoo diray. Anigoo ka cudurdaaranaya inaan qoraal ahaan kusoo gudbiyo sidii fariintaasi u qorneed!
Aniguna waxaan ugu jawaabay WAAD MAHADSANTAHAY WALAALE. Sababtoo ah Diinteena xaniifka ah ayaaba na fareysa qofka kuu gaffa inaad wanaajiso.
{وَلا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلا السَّيِّئَةُ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ *وَمَا يُلَقَّاهَا إِلاَّ الَّذِينَ صَبَرُوا وَمَا يُلَقَّاهَا إلا ذُو حَظٍّ عَظِيمٍ}
Hadana maalin dhaweyd markii aan wax kasoo qoray booqashadii Madaxweynaha Kenya uu ku tagay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose ee aan iri waxay xad gudub ku tahay qaranimada Soomaaliya in Madaxweyne Dal kale yimaado Dalka gudahiisa isagoo aan kusoo wargelin Dowlada Soomaaliya.
Ayuu hadana fariin iisoo qoray. Lkn waxay ahayd fariin ka gedisan kuwii hore. Qayb kamid ah marka sidaan ayay u qorneed:
QABIILIISTE TUUG AH AYAAD TAHAY, 8 SANO AYAAN IDIIN SOO SAMREYNAY, IDINKAMANA YEELEYNO MAANTA KADIB INAAD….!!! iyo hadalo badan oo anshaxa Islaam nimo iyo midka Mas’uuliyadeed ay ii diidayaan inaan halkaan kusoo qoro.
Lkn uma jawaabin sababtoo ah UJEEDKIISA AYAAN FAHMAY MARKAAN LKN MARKII HORE SHAATI KALE AYUU II GASHANAA!
Marka walaalo yaalow Ilaahey aan ka baqno, waliba kuwa sida walaalkeen oo kale u fakarayo waxaan leeyahay qabyaaladi waa mida meesha aan joogno na dhigtay. Waana sida BASASHA OO KALE oo meel ay ku egtahay malahan! Illaa ay ku gaarsiiso inaad u kala eexato caruurta aad adigu dhashay iyo kuwa aad adeerka u tahay ee walaalkaa dhalay!
Waxaanan idinku dhaafayaa:
SOOMAALIYEEY: “Dantiinu waa wada jirkee daryeela. Midnimaad ku doogsataane deysta. isku dirkiina diida”.
W/Q: Mahad Maxamed Salaad
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada