Friday, July 11, 2025

Duqa Farmaajo  wuxuu u muuqday Nin ummad iyo caalam kale la hadlaya (Qormadii Fiqi)

-

Khudabada oday Farmaajo uu ka jeediyey munaasabadda xuska 12 April, oo ahayd middii ugu dheereyd ee uu jeediyo; waxaan ka fahmay dhowr arrimood:

Tan koowaad: odaygu kalimadda ugu badan ee uu sheegey waxay ahayd “QABIIL” uu umadda uga digayay. Farmaajo wuxuu iska indhatiray waaqaca Soomaaliya ee qabiilka wax walba ay ku salaysan yihiin sida in Xildhibaanada lagu soo doorto qabiil, xilalka kalena lagu magacaabo qabiil.

Tan labaad: wuxuu inkiray dawladihii asaga ka horeeyey iyo waxqabadkoodii, asagoo ka soo qaaday xilli qabiil shaqaynayay oo kaliya.

Tan saddexaad: oo la yaabka lahayd waxay ahayd inuusan khudbadiisa hal marna ku xusin “kooxda Shabaab” oo uu bedelkeeda adeegsanayay “Alqaacida” asagoo ku dhiiran waayay sida uu hadalada kale ugu dhiirtay!

Tan Afraad: wuxuu ka hadlay dhismaha, qalabaynta iyo xuquuqda ciidanka laakin ma xusin hal tuulo oo ay xoreeyeen, waxaana cabsi laga qabo Shabaab loo xiray maantay magaalada Muqdisho oo dhan!

Tan Shanaad: wuxuu ka hadlay wadaniyadda iyo xasilooni-darro siyaasadeed asagoo ku celceliyey, waxaana la og yahay mudadii uu joogay xukunka in qabyaaladii ay dib u soo noolaatay, kala aamin bax weyn ay dhacday, xasiloonidarrada siyasadeed ee uu abuurayna in madaxtooyadii Aag la isugu jiro oo asaga iyo xukuumadiisii aysan wax wada shaqayn ah lahayn

Tan Lixaad: maba soo qaadin wax doorasho la yiraahdo, Dhaarinta xildhibaanada iyo gobolka Gedo oo siyaasadda gurracan ee Farmaajo ay sababtay in illaa iyo hadda muranka kuraasta taalla ay socdo.

Ugu dambayn duqu wuxuu u muuqday nin ummad iyo caalam kale la hadlaya oo ka boodsan waaqaca runta ah ee Soomaaliya iyo nin, waxaana rajaynayaa khudabadani in ay noqoto mid sagootis sida kalimooyinkiisa qaar ka muuqatay!

W/Q: Axmed Macallin Fiqi
Xildhibaan hore iyo Wasiirkii Amniga Galmudug

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you