Thursday, June 26, 2025

Faahfaahin: Ciidamada NISA oo Muqdisho ku xiray Ganacsato caan ah oo heysto la-xiriirka Al-Shabaab

Ciidamada Amniga dowlada federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Ganacsato iyo Gaadiidley lagu tuhmaayo inay xiriir la yeesheen ururka Al-Shabaab.

Ganacsatada oo hadda xiran muddo lix maalmood ah ayaa waxaa ka mida: Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Cismaan Shuuriye iyo ilaa 7 xubnood oo kale oo ka tirsan Guddiga ganacsada iyo Gaadiidleyda Gobolka Banaadir.

Ciidamada gaarka ah ee NISA ayaa Ganacsatadan guryahooda kasoo qabtay, mana jirto ilaa iminka wax maxkamad ah oo weli lasoo taagay, iyadoo wararku sheegayaan in loo heysto xiriir ay la sameeyeen Alshabaab oo ay u tageen arrin ka dhex taagan Guddiyada Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Muqdisho.

La-taliyaha Madaxweynaha Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Sh/ Cali Wajiis) ayaa VOA-da u sheegay inaysan habooneyn in ganacsatada waaweyn loola dhaqmo sida denbiilayaal, ayna leeyihiin xasaanad dabiici ah, wuxuuna intaas ku daray in Ganacsatada uu cadaadis ka heysto Alshabaab.

WARARKII UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu danbeeyay