Wednesday, October 21, 2020
More

    Faahfaahin: Ciidamada NISA oo Muqdisho ku xiray Ganacsato caan ah oo heysto la-xiriirka Al-Shabaab

    Ciidamada Amniga dowlada federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Ganacsato iyo Gaadiidley lagu tuhmaayo inay xiriir la yeesheen ururka Al-Shabaab.

    Ganacsatada oo hadda xiran muddo lix maalmood ah ayaa waxaa ka mida: Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Cismaan Shuuriye iyo ilaa 7 xubnood oo kale oo ka tirsan Guddiga ganacsada iyo Gaadiidleyda Gobolka Banaadir.

    Ad

    Ciidamada gaarka ah ee NISA ayaa Ganacsatadan guryahooda kasoo qabtay, mana jirto ilaa iminka wax maxkamad ah oo weli lasoo taagay, iyadoo wararku sheegayaan in loo heysto xiriir ay la sameeyeen Alshabaab oo ay u tageen arrin ka dhex taagan Guddiyada Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Muqdisho.

    La-taliyaha Madaxweynaha Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Sh/ Cali Wajiis) ayaa VOA-da u sheegay inaysan habooneyn in ganacsatada waaweyn loola dhaqmo sida denbiilayaal, ayna leeyihiin xasaanad dabiici ah, wuxuuna intaas ku daray in Ganacsatada uu cadaadis ka heysto Alshabaab.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,050FollowersFollow
    5,645FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,050FollowersFollow
    5,645FollowersFollow

    TOP NEWS

    6 Milyan Doollar oo si Musuq ah loogu lunsaday Wasaaradda Caafimaadka Somaliya (Dhageyso Galka Baarista)

    Musuqmaasuq lacago Malaayiin Doolar ah lagu lunsaday ayaa ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, iyadoo dhaqaale loogu deeqay horumarinta caafimaadka la marsiiyey...

    XOG: Wasiirada xilalkooda waayey iyo sababta mid waliba uga baxay Golaha Wasiirada (Akhriso)

    Golaha Wasiirada xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa xilalkoodii ku waayey 12 wasiir oo u...

    AKHRISO: Magacyada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan Wasiirada cusub iyo Miisaanka shanta Beelood

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dahwaaqay Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 70 xubnood, haddaba waxaan isin...

    Imaam Max’ed Yusuf oo Digniin culus u diray Cali Mahdi. “Reer Imaam ha isku dirin, haddii kale adigoo sidaan..”

    Imaamka Beelaha Muddulood ee xilka sii haya Imaam Maxamed Yuusuf ayaa digniin culus u diray siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo Muqdisho ka...

    Maxaa Koonfur Galbeed looga reebay Qoraalka Ra’iisal wasaare Rooble u kala diray Maamul Goboleedyada..?

    Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa laga reebay qoraal uu Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya u kala diray maamul Goboleedyada Dalka.

    Imaam ay Beesha Abgaal isku khilaafsan tahay oo lagu duubay Hotel ku yaalla Muqdisho (Warbixin xasaasi ah)

    Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad lagu caleemo saarayo Imaam cusub oo Beesha Abgaal yeelato, kadib khilaaf in muddo ah ka taagnaa...

    Xasan Sheekh: “Diyaar ayaan u nahay Doorashada, Afartii sano wax kaleba kama shaqeyneynin…”

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka jawaabay su'aal ku saabsan diyaargarowga Doorashada ee mucaaradka oo muddooyinkan danbe la hadal...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!