Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Haweeney Qarax Is-miidaamin ah ku khaarijisay Sarkaal muhiim ah oo ka tirsanaa NISA

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsadya sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagarka Isgoyska Black Sea, gaar ahaan sarta Daallo, wuxuuna ahaa qarax si yaab leh loo qorsheeyay markii haweenay lagu xiray waxyaabaha qarxa ay si toos ah u beegsatay sarkaal ka tirsan ciidamada dharcadka ee NISA, iskuna duubtay, kadibna is-qarxisay, kaasoo goobtaasi ku sugnaa magaciisana lagu soo gaabiyey Caano-geel.

Waxaa isla goobta ku dhintay sarkaalka la beegsaday oo ciidamada dharcadka u qaabilsanaa Degmada Howlwadaag, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof oo al sheegay inay ilaalo u ahaayeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaalka ka tirsan NISA uu hore uga tirsanaa Alshabaab, kana mid ahaa ragga isu dhiibay ciidamada dowladda ee markii danbe ka mid noqday NISA, Alshabaabna ay si weyn u raadineysay.

Sarkaalkan ayaa qeyb ka ahaa howlgallo Alshabaab lagu ugaarsaday, laguna dilay, isagoo ka howlgelin jiray suuqa Bakaaraha iyo agagaarkiisa.

Alshabaab ayaa dhowaanahan xoojiyey weerarrada qaraxyada is-miidaaminta ah ee ay fuliyaan shaqsiyaadka iyo Miinooyinka, iyadoo ay si weyn u yaraadeen qarxyada loo adeegsado gaadiidka.

Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay ciidamada Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan qaraxa is-miidaaminta ee maanta ka dhacay Muqdisho.

WARARKII UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu danbeeyay