Faahfaahin xaaladda Haweeney Soomaali ah oo dabaq iska tuurtay Magaalada Oslo, Dalka Norway

0

Haweeney Soomaali ah ayaa la soo weriyya inay fal naxdin leh ku dhaqaaqday magaalada Oslo ee dalka Norway, gaar ahaan xaafada Grønland, kadib markii ay dabaq iska soo tuuray.

Haweeneyda ayaa xaaladeeda laga deyrinayaa, waxaana la dhigay isbitaalla weyn ee  ee Oslo, waxaana lagu sameeyay dhowr qaliin, iyadoo dhaawacyo culus ay soo gaareen iyo jajab

Magaceeda ayaa lagu sheegay Seynab Cilmi Guuleed, waxaana la sheegay inay dhimir ahaan caafimaad qabin, waxaana Booliska Magaalada Oslo hore u dhaawaceen bishii September ee sanadkii 2015 rasas ay ku rideen, markii ay diidday inay dhigto Mindi ay gacanta ku heysatay.

Xaaladda dadka Soomaalida ah ee dibadda ku nool ayaa falal noocan ah ka dhacaan, waxaana dhowaanahan iska soo daba dhacayay falal noocan oo kale ah oo qurbe joogta Soomaalida ku kacayaan.