Friday, September 5, 2025

Faa’iso Sheekh oo isbitaalka ay ku jirto ee Turkiga Qormo Qiiro leh uga soo dirtay Guddoomiye Taabit [AKhriso]

-

Inkastoo xilku wareegto yahay hadana ma jeclaysan in uu xilkaasi baneeyo Waayo Shaqada uu hayay waxay ahayd mid Bulshada ay ku diirsatay .Anigu weligay Isma oran Qof Madax ka ah Somalia ayaad la kulmaysaa oo weliba wax Kuu qabanaya balse Dhawaca Marku I gaaray waxan galay Mugdi Reerkaygu waxay habeen walba aan indhahooda ka daremayay walwal iyo walbahaar.

Xaalado Adag ka bacdi Muqdisho ayaan imid Hospital ayaan galay mar kale waxba waa laygaga qaban wayay. murugo kale ayaa inoo bilabatay Aniga iyo waalidkayga gaar ahaan Aniga oo ahaa gabar 16 sano jir ah rajana ka lahaa Nolosho iyo in aan wax u qabto waalidkayga .

Farxad ayaa inoo timid maalin ka mid ah maalmaha Waxa kiiskayga loo gudbiyay Duqa Muqdisho Mudane Thapit Labo maalin kadibna waxan helnay jawaab naga farxisa oo ahayd In Gudoomiyaha uu kafaalo qadayo Qarashka igu baxayo. Durba Passapor ayaa waxa loo dalbay Hooyo, Aabo iyo Aniga aad ayaan u farxay niyada ayaan iska iri ma Dhab baa!!

Waxana ii xigay In Visaha uu amray In Passaporadaaasi lasoo saaro isbuuc kadib waxa nala yiri safar isku diiriya Turkiga ayaad Caafimaad ahaan u aadaysaan . Hooyo iyo Aabo habenkii waxay u seexdeen si raaxo ah oo weliba farxad ku dheehantahay .hooyo inta ay seexan waxay la hadlaysay ehelka oo joogo baadiyaha Buhoodle Dhamaan waxa loo ducaynayay Muqdisho iyo Gudoomiyaha uu Alle nabadyeelo.

Noloshayda waxay yeelatay rajo mar kale Maalintii aan baxaynay Waxa uu nagu yiri “Waxan rabaa adigoo soconayo in aad soo laabato”” .Hooyo iyo Aabana waxa uu ku yiri “”haka walwalina Nolosheeda iyo waxa idinku baxaya inta aad Jogtaan Turkiga .

hada Waxan bilaabay Socod waxan niyaystay Anigo soconayo in aan Muqdisho ku laabto oo aan arko Shaqsigii Rajadaydii Noloshayda dib usoo nooleyay.

Waxa uu i baray In Madaxda Soomaalida ay ku jiraan kuwa damiir leh sida Thapit oo kale .

Muqdisho weligay ma tagin waan ka baqaynay balse markaan aragnay Shacabkeeda iyo Maamulkeeda waxan go,aansaday meel aan iyada ahayn in aan Noloshayda ku qadanayn inkastoo nasiib jiro.

Waxan rajaynayaa Walalka badalay iyo Madaxda kale in ay Faraxad geliyaan oo noloshooda iyo rajadooda dib usoo celiyaan Shacabka kunool xaaladaha adag .

Alle Waxan kaga baryayaa Xilka aad banaysay mid ka sareeyo in uu Rabi Kuu sahli doono Ducadeena ayaa kula jirta Aniga iyo Inta kale Ee aad Turkiga keentay.

Allah ayaa Mahadleh

Nabad ku waar

Faaiso Sh. Maxamed

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you