Tuesday, August 26, 2025

FAALLO: CAQABADAHA HORYAALA RA’IISAL WASAARE CUMAR C/RASHIID

-

Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke waxaa mar labaad loo magacaabay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya 17kii Bishan Disember 2014, waxaana ra’iisal wasaarihii saddexaad ee dowlada uu madaxweynaha ka yahay u magacaabay Xasan Sheekh Maxamuud oo hogaamiya dowlad rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato muddo 22 sano ah kadib.

Cumar wuxuu xilkan qabanayaa iyadoo labadii mas’uul ee uga horeysay jagada iyo madaxweynaha khilaaf iyo dagaal siyaasadeed oo qaraar dhex maray, isla markaana kala qeybsanaan weyn ka dhex jirto Baarlamaanka ansixiyay magacaabidiisa 24-ka Disember 2014. Wuxuu xilka la wareegayaa  iyadoo waqtiga u haray dowladda oo dhan ee laga doonaya inay dalka doorasho ka dhacdo ka yar yahay 2 sano. Iyo iyadoo dadka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ku dhow yihiin inay ka rajo dhigaan shaqsiyaadka isu bedela hogaanka xukuumaddaha la dhiso iyo madaxtooyada.

Dharin-cumar

Marka la fiiriyo xaaladaha ku xeeran Ra’iisal wasaaraha cusub, waxaa si fudfud loo odorosi karaa inuusan ka miro dhalin doonin hiigsiga cusub iyo waxa laga sugayo dowladda ee loo doortay baarlamaanka iyo madaxweynaha, laakiin mar waliba rajadu waa mid iska taagan oo quusta u dhow.

Arrimaha ugu waaweyn ee waxqabadka uga baahan Cumar C/rashiid waxaa kamida:

1. Dhismaha Golaha wasiirada cusub

Howha ugu adag bilowgaba waxay noqon doontaa sidii Ra’iisal wasaaruhu u dhisi doono Golihiisa wasiirada. Ka sokow in xildhibaan waliba doonayo jago wasaaradeed, waxaa haddana sameysmay isbaheysiyo kala duwan oo culeys ku haya Ra’iisal wasaaraha susub.

2La shaqeynta madaxweynaha iyo saaxiibadiis

Tani waxay ahayd dhibaatada ugu weyn ee ka hor timid labadii ra’iisal wasaare ee jagada waayay, waxayna maareyn uga baahan tahay Ra’iisal wasaaraha cusub oo laga yaabo inuu ku soo beegmay xilli ay qolada madaxweynaha ku xeeran ku tabaaloobeen dagaalkii ay la galeen C/weli Sheekh. Si uga badbaado madaxweyaha iyo kooxdiisa waxaa Cumar laga rabaa inay isaga iyo madaxweynaha kala qortaan sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen, haddii taas la waayo waxay noqon doontaa in beesha caalamka soo dhex gasho oo qorshe “Road Map” cusub.

3. Howl adag iyo Hiigsigsa cusub 2016

Haddiiba  xukuumada uu dhiso kalsooni ka hesho Baarlamaanka waxaa Cumar C/rashiid laga rabaa qabashada howl is dul saaran oo 2016 la doonayo in dalka la gaarsiiyo doorasho iyo dib u dhis hay’adaha dowladeed iyo Federaalka. Cumar C/rashiid oo hore xilkan oo kale isaga casilay markii ay isku dhaceen madaxweynihii Sheekh Shariif, isagoo lagu eedeeyay waxqabad la’aan, waxaana lagu xantaa inuusan shaqo badneyn, balse aanu ka liidan ra’iisal wasaare Saacid.

4. Dhismaha Dowlad goboleedyada iyo hirgelinta Federaalka

Hirgelinta Federaalka waxay u socotaa qaab aanay ogeyn natiijada ka dhalan doonta cid kasoo hartay madaxweynaha iyo saaxiibadiis oo xiriir adag iyo qorshe la wada laba ka mida maamulada dhismaya, mid socdana lug weyn ku leh, xitaa maamulkii uu dhinaciisa ka dhisay Cumar C/rashiid ee Jubba maanta wuxuu  isbaheysi la leeyahay madaxweynaha mana aha kii uu ogaa.! Waxaa kaloo xusid mudan in Maamulka loo sameynayo gobolada dhexe uu noqday dab hoos ka nool oo xilli waliba qarxi kara, iskuna diidan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh iyo Puntland, waana arrin weyn Cumar looga fadhiyo inuu wax ka qabto.

Xukuumada soo socota ee uu hogaankeedu hayo Cumar C/rashiid waxaa la saar doonaa culeys aan yareyn, waxayna dusha u ridan doontaa fashilkii soo bilowday tan iyo markii uu xilka qabtay Xasan Sheekh Maxamuud haddii aanay qorshe cad iyo waxqabad la imaan. Saadaasha ugu rajo fiican ee laga bixin karo fursada guusha xukuumadani waa mid shaki ku jiro, waxaase la arki doonaa sida arrimahaas oo dhan uu u wajaho Cumar C/rashiid oo shaki la’aan dhaxlay xafiiskii uu ka tegay 2010, kiiyoo ka culus shaqo iyo mas’uuliyadba.

Faallooyinka Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you