Monday, July 14, 2025

FAALLO: Dhacdadii Bariire Ma shil bay ahayd mise shirqool…?

-

Tacadigii Bariire waxay aheyd Khatar xambaarsan fariin ah kala daadsanaanta howlaha amaanka ku aadan badbaadinta Ummada Soomaaliyeed. Mudo dheer oo taariikh leh lama haayo siyaasad ku aadan badbaadinta iyo amaan gelinta qofka Soomaaliga ah ee dalka gudahiisa.

Dagaaladii sokeeye, waxaa meesha ka baxay xormada nafta aadamiga ah, maamuladii KMG ahna waxay tacadiyo badan ka geysteen xuquuqda dadka muwaadiniinta ah. maamul ku sheegii Mbaghati waxay madiidin u noqdeen ciidamo shisheeye ah, Itoobiyaankii shacbiga Soomaaliyeed ku xasuuqay dalka gudahiisa, taasoo noqotay taariikh lama ilaawaan ah.

Dowladihii rasmiga ah ee tii Xasan Sheekh iyo mida hadda joogto, weli kuma aysan guuleysan in la tixgeliyo sharafta iyo muwaadinka Soomaaliyeed.

Ciidamada shisheeye ee Somalia ku sugan, dil bareer ah iyo shilba waxay geystaan dib looma eego. Kuwa lagu tilmaamay ciidamada amaanka qaranka, askar iyo saraakiilba waxaa ka mid ah mooryaantii iyo gacan ku dhiiglayaal badan oo dhiig daadshay mudadii dagaaladii sokeeye.

Mida ka dhacday Bariire, ma ahan midii ugu horeysay, bal todobaadyadii ugu danbeeyay xataa waxaa Jilib lagu xasuuqay dad isku qoys ah oo aan waxba galabsan.

Soomaalida waxay noqdeen dhibane iyo aadami looma ooyaan ah. Dowladda Farmaajo waxqabadkeeda amaanka ah, waxay kusoo aruurtay dacaayado iyo been abuur ah, dhab ahaantii ah mid lagu dedaayo waxqabad la’aan iyo xirfad la’aanta haysata dadka madaxda ka ah howlgalada ciidamada.

Sambaloolshe wuxuu ugu horeeyaa taliyeyaasha turaanturada iyo guuldarada ku ah howlaha amaanka ee qaranka, aqoon la’aantiisa adeegyada amniga waxay u horseeday inuu kala saari waayay caddowga iyo muwaadiniinta ku hoos nool deegaanada ay xukumaan.

Arintii ka dhacday Bariire lama dhihi karo shil, bal waa shirqool. Dowladdii wey kala hadashay, iska war qab la’aan dhexdooda ah iyo xuuraanka NISA oo aan dowladda u fududeyn warsiin dhab ah.

Madaxweynihii iyo xukuumaddiisa siyaabo kala duwan oo khalad ah, sharaf dhacna ah ayey ugu hadleen dhacdadii Bariire, waxaa la xasuuqay shacab rayid ah, maatina ah, dowladdiina si jees jees ah iyo faan ayey ku tilmaamtay dadkii la laayay inay ahaayeen Shabaab iyo Argagixiso, shacbigii nawaaxiga Afgooye iyo Bariire iyo qeybo kaloo ka mid ah dalka waxay ka muujiyeen arrintaasi gadood iyo iyagoo dowladda ku tilmaamay mid aan mas’uuliyad iyo damaanad laheyn.

Meydadkii marxuumiinta oo isugu jiray dad waayeel ah, haween iyo caruur ilaa hadda lama aasin, sababtoo ah iyadoo dowladda ku guuldareysatay inay bannaanka soo dhigto canaasiirtii ku fadeexoowday xasuuqaaasi.

Nasiibdarada ugu weyn jirta waxaa waaye, ciidamada gudahooda ayaa waxaa laga dhex heli karaa saraakiil howlgalada u adeegsada aargoosi qabiil iyo isbaarooyin aan qaban mujtamaca la nool xaalada wadanka.

Farmaajo iyo xubnahiisa dowladda horaa loogu tilmaamay fudeyd, fudeydkaas ayaa wax walba ugu dhigay fidno ee lugaha lasii gelayaan, waayo aragnimo la’aan iyo aqoondaro xagga xirfadaha maamul ey dalka ku xukumayaan.

Dhacdadii Bariire haddii ay sii socoto noocyada dhacdadii Barrire oo kale ama kuwo kale oo meelo kala duwan ee dalka ka dhacay waxay horseedi karaan argagixisada caddowga ah inay soo jiitaan shacbiga u baahan inay dowlad caadil ah helaan, taasoo ah sawirka dhabta ah ee mushkilada amaanka khatarta ku ah jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.

Talada maanta taal waxay tahay dowladda iyo howlaheeda amaanka qaranka in istiraatiijada iyo siyaasadda ku saabsan badbaadada shacbiga meel kasta ay dalka ka joogaan in laga soo saaro shuruuc iyo go’aamo cad cad ee kafaalo qaad u noqon kara nolosha, daryeelka iyo amaanka muwaadinka Soomaaliyeed.

Faallada Warfaafiye.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you