Wednesday, July 16, 2025

Faankii Fahad iyo Fiyoonadii Za’iir (Ina Yaasiin waardiye uma aha Farmajo – Qormo Sirdoon)

-

Waxaan ka dhoofayaa Addis Ababa waxaana wattaa jaan tusyada xeryaha ciiddanka Itoobiya, hadday xabashidu igu arkaan waa qoor gooyo aan qiil lahayn , xafiiskii aan ka jaranayay tikitka ayaan ku arkay qof Haweeneey reer Za,iir ah ( Fiyona) oo gu’gii 40 aad aan is leeyahay waa dhaaftay ladnaanse ka muuqato , si indha adayg ah ayaan u bartay waxay u safraysaa Kinshaasa oo aan sii mari doono si aan Qaahira u gaaro, hotelkay ku jirtay ayaan u raacay waxaan hubsaday dharaarta ay baxayso , nasiib wanaag 7 casho ka dib ayay dhoofi doontaa , intaan haleel ugu laabtay xafiiskii tikidhada ayaan dharaarteedii ku aadistay, hotelkiina dhinac baan kasoo dagay.

Sagaal boqol iyo jajab dollar ah oo aan wattay iyo jaan tuskii ayaan boqshad ku ritay , Fiyoona ayaan subaxdii aanu bixi doono inta qolka ku garaacay iri waan iska joogayaa oo xoogaa Dollar ah ayaan ka baqayaa in la iga qaatto markaan xal u helaan soo dhoofiye iska nabad gal , waxay tiri ma dhacayso anigaa kuu qaadaya oo waxaan galin meel aan la baari karayn , si dhaga waddanaan leh ayaan uga yeelay si nabad ah ayaan Kinshaasa ku gaarnay xoolahaygiina kula wareegay sooryadii safarka markaan ka baxshay xaashiyahaygii muhiimka ahaa ayaan Qaahira la aaday oo aan xamar uga soo baxay Islaantaas maysan ogayn waxay waddo miisaanka iyo muhiimadda uu leeyahay.

Gu’yaashii uu Fahad Yaseen ahaa Taliyaha NISA , Taliskeeda waxaad mooddaa inaysan wax badan ka duwanayn Islaantii Xogta muhiimka ii wadday aanse ka warhayn waxay siddo qiimaha ay u leeyihiin Qaran Soomaaliya la yiraahdo, Hay’addu waxay qabatay oo ay ku faani karto waxay ila tahay inay adkeeyeen ammaanka xarumaha ay Madaxdu dagan tahay , jidadka loo maro iyo goobaha ay ku kulmaan , waxaa yaraaday dadkii la iska xiran jiray waxaase soo kordhay in Safaaradaha qaarkood aysan qof Soomaali ah siinin Dal ku gal ilaa uu NISA ka helo ogolaansho , helitaanka ogolaan shahaas shacab badan waxay u maraan dullaaliin dollar ka qaata.

Akhriso: Qormadii Fahad Yaasiin

NSS tii Soomaaliya sanidii hore waxaan ka shaqayn jirtay nabad galyada dalka iyo dadka soomaaliyeed hasa ahaatee nasiib xumadu waxay dhacday 80 aadkii markaan u xuub siibanay la dagaallanka shacabka Soomaaliyeed, xiligan haattan la joogo xoogga shaqada Hay’adda NISA waxaa laga dhigay dullaal Siyaasadeed waliba gurracan kulamadii ugu badnaa ee Taliyaha NISA Fahad sanadihii tagay wuxuu la qaatay Xildhiiban iyo cid doonaysa Xildhibaan xooggiisa wuxuu isugu geeyay inuu helo codadkii lagu dooran lahaa Madaxwaynaha xiga Farmaajo, Dadka badankii waxay u malaynayaan inuu Ina Yaseen waardiye u yahay Farmajo xogtuse sidaas way ka duwan tahay.

70% haddii shaqada Hay’adda loo leexin lahaa nabad gal yada Xamar siday tahay waa dhaami lahayd. Shacabkuna waa ka ducayn lahaayeen kalsoonida kala qaarana waa loo dhamays tiri lahaa Nabad iyo Nolosha dusha ka wada socota guntana ku kala tagsan .

Akhriso: Jawaabtii C/raxmaan C/shakuur ee Qormada Fahad Yaasiin

Inta Xuduudaheenu iska balaqan yihiin , inta badeeco dhacday lasoo waariyado , inta shilimaadka Khaliijka aan u hanqal taagayno NISA wax wanaagsan oo ay samaysay oo lagu faano inoogama muuqdaan. Xildhibaanada dooranna kama sugayno geed waaban inay geeyaan Qaranka maydkaa.

Sanadihii ugu dameebay NISA waxay yeelatay hanaan Dawladeed shacab iyo madaxba waa ka dhawr sanayeen waana loo soojoogsanayay hase yeeshee Taliska Hay’addu uma muuqan awoodda iyo sida loogu joogsanayo , Taliyuhu malaha sidii Fiyoona ayuusan ogayn qiimaha Qolka uu Qaranka furihiisa u hayay !!

W/Q F Xiirane (NSS 1976 – 1991)
Email: [email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you