Friday, August 8, 2025

FAAQIDAAD: Maxaa loo xiray, Maxaase loo heystaa Cabdi Maxamud Cumar..? [Hub laga helay Gurigiisa]

-

Guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa meel u dhow Hotel Atlas ayay ciidamada federaalka ka kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka, kaas oo muddo bilk u dhow ku jiray xabsi guri.

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed. Lama shaacin caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono.

Hase yeeshee Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay ka hadlayay shir jaraa’id ayaa sheegay in arrinka Cabdi Maxamuud Cumar uu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.

Cabdi Iley ayaa noqonaya qofkii ugu sareeyay oo lasoo xiro, maxkamadna lasoo taago marka laga hadlayo dadka kala duwan ee guud ahaan Itoobiya lagu eedeynayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Dr Abiy oo shalay sidoo kale ka hadlay xisbiga TPLF ee gobolka Rigrinya ayaa yiri “TPLF oo kaliya ma ahan dadka isbadalka kasoo horjeeda, ee dhammaan xisbiyada ku jira isbahaysiga tallada haya dad ka mid ah ayaa kasoo horjeeda isbadalka, waxna waan ka qaban doonaa” ayuu yiri Abiy oo u muuqda in markii ugu horeysay uu si toos ah uga hadlayo arrimo aanan shaaca usoo bixin wixii hadda ka horeeyay.

Cabdi oo kaliya ma ahan dadka caddaalada lala tiigsanayo, ee sidoo kale warbaahinta Itoobiya waxa ay sheegaysaa in sidoo kale ay booliiska soo xirayaan dad kale oo Cabdi ku xirnaa, kana mid ahaa xukuumadiisa.

Shalay ayay ahayd markii baarlamaanka dowlad deegaanka uu xasaanaddii ka xayuubiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo dhawr kale oo shaqsiyaad ah oo loo heysto dambiyo kala duwan.

Waxaa sidoo kale warbixin taas la mid ah soo saaray hay’addaha xuquuqda aadanaha oo iyagu ku baaqay in caddaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay xadgudubyada.

Sida uu soo bandhigay taleefishinka Itoobiya ee ETV, waxaa guriga laga heley hub tiro badan oo ka koobnaa qoryaha AK47, kuwaas oo ka badnaa 5 qori iyo rasaastooda, iyo waliba baastoolado, wuxuuna TVGa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu haystay.

Balse lama soo muujin ciidankii qoryahaas haystay, gurigana waxa kaliya kasoo baxay Cabdi Maxamuud Cumar oo kaliya. Arrinta hubka ayaa la sheegay in galka dacwadda ay ka mid tahay, lamase oga sida uu Cabdi ku heley hubka haddiiba muddo bil ah uu xabsi guri ku jiray.

Waxaa la fahamsanyahay in Cabdi uu u talinayay ciidamo kumanaan ah oo lagu magacaabo Liyuu Booliis, kuwaas oo weli aan taliyeyaashoodii la arag, lana ogayn xaalkooda meel u ku dambeyn doono.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you