Thursday, July 17, 2025

FAAQIDAAD: Wasiiro aan sharci noqon oo soo dhoweyn loo sameynayo & Warbaahinta Qaranka oo dhinac u socota

-

Kadib magacaabidii Golaha wasiirada cusub ee Cumar C/rashiid oo muranka badani ka taagan yahay ayaa waxaa soo korortay sharci darro aan hore loo arag oo ah in wasiiro aan sharci ahayn oo kaliya magacaaban, qorshahoodiina aan la geyn Baarlamaanka weli, lana siinin kalsooni loo sameeyo xaflado lagu soo dhoweynayo iyadoo warbaahintii Qaranka ay baahineyso dhacdooyinkaasi.

Wasiirada falalkan ku kacay waa kuwii dib ugu soo noqday wasaaradihii ay hore u joogeen, ilaa iyo hadda waxaa tallaabadaasi sharciga ka baxsan ku dhaqaaqay laba wasaaradood oo shaqaalahoodii shirar soo dhoweyn ah u qabtaan wasiiradii u soo laabtay laakiin aan sharci ahaan weli la ansixin.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa isla shalay shaqaalaheeda ay xaflad u sameeyeen wasiirka, wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka soo laabtay, laakiin waxaa xaflada ku sugnaa Wasiiru dowlaha Maxamed Cali Xagaa. Sidoo kale waxaa jidkaas khaladka ah maanta ku dhaqaaqay  shaqaalaha wasaaradda warfaafinta oo iyana xaflad weyn u sameeyay wasiirkooda iyo wasiir ku xigeenkooda dib loo magacaabay, waxaana nasiib darro xafladaas kasoo dhex muuqday wasiirkii iyo kuxigeenkiisa.

???????????????????????????????

Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale qeyb ka ah khaladaadka weyn ee ay ku dhaceen shaqaalaha iyo wasiiradooda degdeggu ku dhacay, waxaadna moodaa in khadkii Warbaahinta Qaranka looga bartay ee ah inay aragtiyada kala duwan ee dowlada dhexdeeda ay baahiso ay iminka meesha kasii baxeyso.

Warbaahinta Qaranka ayaa tan iyo markii uu wasiirka warfaafinta ahaa Daahir Maxamuud Geelle ku shaqeyneysay qaab xilkasnimo ah oo u dhaxeysay kala aragti duwanaanshaha dowladda dhexdeeda, waxayna khadkaas dimoqraadiyadda ku dhisan ku socotay ilaa khilaafkii ugu danbeeyay ee lagu riday xukuumadii C/weli Sheekh. Waxaase dhici jirtay in mararka qaarkood faragelin ku sameyso madaxtooyada sida in laga joojiyo wararka uu baahiyo guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Xilliyadan danbe sidii loo dhisay xukuumadda Cumar C/rashiid waxaa soo if baxeysa in Warbaahinta Qaranka ay u shaqeyn doonto qaab u dhow sidii warbaahintii Kacaanka, mana muuqato in ay dulqaad u leedahay baahinta xitaa wararka xildhibaanada ka horjeeda xukuumada cusub ee aan weli nuurka arkin.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you