Wednesday, July 23, 2025

Faarax Cabduqaadir lagama Guuleysane waa Guuleystey….!!

-

Odey saaxiibkey ah ayaa marki uu saakey waagu baryey igu qabtey Jidka Mak Al-Mukarama markaasuu I weydiiyey Su’aal igu adkaatey Jawaabteeda balse aan ka waayey in aan uga jawaabo,

waxaa uu I weydiiyey Labada Xildhibaan ee isugu soo harey Doorashada Xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad reeraha ay ka soo jeedaan ama qabiilkoda ? Markaas baa ku iri maxaa ku faleysaa reerahooda ama Qabiilkooda.

Inta ii soo dhawaadey ayuu yiri walaal fadlan ii sheeg Ciida ay yihiin “ markii aan muddo ka meer merayey ayaa waxaa markii dambe ku iri “ Waa laba nin Ilama adeer ah waana qabiilka reer Ow Xasan “ markii uu intaa iga maqaley ayuu hadana ii raaciyey “ Waayahay reer Ow Xasan yey galaan?.

Waa Su’aal kale oo aan aad ula yaabey markaas baan ku iri maxaa meeshaas u gaarsiineysaa “maya maya waxaan rabaa in aan ogaado Beesha ay ku saami qaataan “ waxaan ku iri “markii hore Hawiye ayey ahaayeen hase yeehee hadda waa qolada Isbaheysiga ama Shanaad “ inta qosley ayuu yiri “ Aleylahe waa Qolo aad u aqli badan waxay ogaayeen in aysan Hawiye waxba ka heleyn , midaasna waan ku taageersanahay”
Waxaa uu I weydiiyey adeer Dwladda Wasiiro ma ku lahayeen ?

Waa Su’aal kale oo hadan Jawaabteeda aan dhibsadey hadana waxaan Go’aansadey in aan uga jawaabo ma garanayo Ujeedka uu ka leeyahay Weydiimahaas “ waxaan ku iiri Ninka Faarax ka guuleystey ayaa Wasiir ahaa “inta yKore u boodey oo madax luxay ayuu yiri” ma Wasiir iyo Xilkaas miyey isku darsadeen “markaas baan ku iri “ Haa” waxaa dhab in ay yihiin qolo aqli badan oo Daanahooda yaqaan

Waxaa uu sii Hadley oo waxaa uu yiir “ Adeer qolooyinkii wadankaan dagaalka u horseedey maxay Aqaligaan ugu shaqeyn waayeen ,waa kuwaa iyaga oo aan qofna dagaal uga dhiman Xillalkaas Muhiimka ah heley marka waxay ahayd in sida ay u xisaabtameen Beeshaa in loo xisaabtamo,waxaana ku Tilmaami lahaa Reer ku dayasho Mudan.

Waan soo dhaqaaqyey nin kale oo odey ah ayaa isna I weydiiyey Su’aal ku saabsan maxaa kaaga baxay Loolankii Faarax iyo Muudeey markaas baan ku iri “ Adeer Faarax lagama Guuleysan ee waa uu Guuleystey “ inta uu ii soo dhawadey ayuu yri “ Iskoor baa looga adkaadey sidee ayuu ku guuleystey?.

Waxaan ku iri “ hadda ka hor ayaa Cayaaryahankii la oron jirey Maradoona ayaa inta aysan Bilaabay Ciyaar uu guul ku doonayey waxaa uu saaxiibadii ku yri  “Hadii aad Guul rabtaan aniga ma weerar tagayo oo kooxda iga soo horjeeda ayaa igu mashquuleysa marka adinka Shaqeysta sidii bay noqotey Maradoona ayaa kooxdii ku mshaquusey sidaa ayey Guul ku gaareen marka sow uma ega Sheekadii Muudey uu ku guuleystey oo Xildhibaanadii oo dhan ayaa waxay ku Mashqquuleen Faarax Shiikh Cabduqadir waayo Kor iyo Hoos waxaa Guuleystey ina adeerkii uu Kubadda u Salaxay.
Mida kale Faarax xaqiiqda ma rabin Xilkaas waayo Mashraxnimadiisa gadaal ayey ka timid waana mid ay Taageerayaasha Xasan Shiikh ay ku kala ogaanayeen Codowgooda Saaxiibkooda iyo in ay ka qiyaas qaataan Guusha Xasan sheikh Doorashada Madaxweynaha taana waxaa ka garenayesa Labadii wareeg ee Faarax waxaa uu heley 94 oo Xitaa intii lagu maqnaa Fasaxa ama Salaada Faarax iskuma deyin in uu Xotxoto Xildhibaanada marka 94 Cod ee uu heley Faarax waa Guul weyn oo u soo hotey Xasan Shiikh marka loo fiiriyey Tirada Musharxiinta ee u tartameysa Kursiga Madaxweyna kuwaa oo gaaraya 25 Xubnod bal adiga u qaybi inta soo hartey mid waliba waxa uu heli karo.

Xildhibaan Faarax Shiikh Cabduqaadir in uu guuleystey waxaa ka garaneysaa Khudbadiiisii uu jeediyey isagoo sheegey in Xilka uusan meel Dheer uusan ka aadin, marka waxaa kuu Cad in uu ahaa Faarax uu ahaa Maskaxdii ka dambeysey in uu Muudey Guuleysto ,dadka u kuurgala Siyaasada ayaa waxay leeyhiihin Hadii Faarax uu Guuleysan lahaa waa loo yaabi lahaa Xasan Shiikh waayo waxaa sii Kordhi lahaa Naceybka Taageerayaasha Xasan Shiikh marka Faarax lagama Guuleysan ee waa uu Guuleystey nin kale oo Taageersan Faarax Sh Cabduqaadir ayaa ku Tilmaamey Faarax “Hogaamiyaha Ruuuxiga”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you