Thursday, July 31, 2025

Fahad Yaasiin oo Qormo Baroordiiq ah ka qoray Geerida Jeneraal Farxaal Qaroole

-

FARXAANOOW; NAFTAADII DALKAAD U HIBEYSAY, GEERIDAADIINA QULUUBTII DADKAY MIDEYSAY

Kumuu ahaa Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole)?

Wiil dhalinyara ah oo gaaban, oo misana caata ah, oo hadana bar-yar, bashaash ah, sida magaciisa ka muuqato aad Farxaan u ah,fariid-nimana u dhashay, fiiro dheer, hadal yar, misana qorshe dajisan kara, qarankiisa iyo madaxdiisana daacad u ah, dhiigiisa iyo dhididkiisana u huray dalkiisa, godkii Jannadana u galay (Insha’allaah) isagoo difaacaya sharafta iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Magaciisa siduu u faafay, siduu u jin yaraa, iyo da’iisa siday u yarayd, intaas kaliya sabab uma noqon karin darajada uu gaaray ee wuxuu maqaam sare ku mutaystay daacadnimada, hawlkarnimada, wadaniyadda iyo qaran jacaylka qalbigiisa ku abuurnayd.

Wuxuu kamid ahaa dhawr dhalinyaro ah, aan ku bartay shaqada amniga iyagoo ah saraakiil dhexe, wuxuuna aad u jeclaa inuu mar walba waxbarto oo uu aqoon ciidan kororsado, wuxuu qayb ka ahaa ciidankii laga wareejiyey Nabadsugidda ee loo wareejiyey Booliska.

Ma uusan iska dhigin Sarkaal xil raadinaya ee wuxuu la xarooday askar tababar loo xaraynayey oo lagu aasaasay ciidankii Haramacad, wuxuuna galay dufcad tababar ku qaadatay Xamar iyo Turkiya.

Wuxuu soo laabatay isagoo helay aqoon Boolis, iyo tababarka hawlgallada gaarka ah, waxaana loo magacaabay Taliyaha ciidanka gaarka u tababaran ee Haramcad. Wuxuu lahaa sifo ay aad ugu yar tahay hoggaannada ciidanka, taasoo ah inuu saaxiib dhaw la ahaa ciidanka uu madaxda u yahay iyo inuu daacad u ahaa qarankiisa.

Dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray, intaba si daacad ah ayuu u gudanayey shaqada qaran, waana sababta dawladdii timaadaba ay u aamintay, oo uu mustaqbalkiisa mar walba horumar u gaarayey.

Saddex qolo ayaa mudan inaan uga tacsiyeeyo geerida xanuunka badan ee ku timid walaalkeen Halyeey Jeneraal Farxaan Maxamuud (Qaroole).

Qolada koowaad waa qoyskiisa oo ay ugu horreeyaan waalidkiisa, xaaskiisa iyo caruurtiisa. Waxaana leeyahay, geeridu waa xaq ee samir iyo iimaan Allaha idin ka siiyo, marxuumkana Jannadii Alle ha geeyo, ilmihiisa iyo qoyskiisana Allaha dhawro oo barakeeyo, waalidkiisana waxaan si gaar u leeyahay qadarta ilaahay raalli ku noqda, rabigii abuuray ee koonka keenay baa haddana naga ceshaday.

Qolada labaad waa Madaxweynaha iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne waxaan kula

qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsida geerida ku timid Jeneral Farxaan Qaroole, oo maanta Shahiiday isagoo gudanaya waajibka qaran ee aad fartay oo ah la dagaallanka Argagixisada.

Madaxweyne samir iyo Iimaan Allaha kaa siiyo, waxaana kuu rajaynayaa inaad ku guulaysato horumarinta tayada ciidanka iyo nabadayta qarankeena. Sidoo kale, ciidanka Booliska ee uu kamid ahaa Jeneraal Farxaan, waxaan kusii adkaynayaa in geerida Shahiidka qaranka Farxaan, ay ku dhaliso dhiiranaan iyo dhiigga iyo dhididka in loo huro dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Qolada Sadexaad waa Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan leeyahay, ogaada in dalkii ay u kaceen dhallinyaro waddaniyiin ah, leh xirfad iyo tababar ciidan oo sare, qarankoodana daacad u ah, kana mid ah qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida. Sidaas darteed, boqollaal Farxaan oo kale ah oo booskiisa buuxiya, shacabkoodana difaaca

waan leenahay, waxaana ilaahay ka baryeynaa in madaxda qaranka uu haleeshiiyo in ay soo saaraan awoodda iyo tayada dhallinyarada kor u qaadi kara rajada iyo niyada shacabka Soomaaliyeed.

Walaalkay Farxaanoow, waan ogahay inaysan ku soo gaaraynin fariintan, laakiin waan ku khasbanahay inaan kuu soo diro. Farxaanoow, inaad jid xaq ah ku dhimatay, inaad dalkan daacad u ahayd, inaad sarkaal qaran ahayd ood ka saraysay siyaasadda waxaan

ku gartay, madaxdii umadda Soomaaliyeed oo dhan, khilaaf kasta oo dhexdooda yaalay, intey gees isaga dhigeen.

Waxaa mideeyey iney kuu wada duceeyeen, kuwada amaaneen, iyagoo kuwada jecelna aad Shahiiday. Naftaadii dalkaad u hibaysay, geeridaadiina dadkay midaysay. Rabigay Jannada guri hakaaga yeelo, danbigaaga aduun xasanaad hakuugu baddalo, annagana gadaashaa Eebe nama fitneeyo.

W/Q: Fahad Yaasin Xaaji

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you