Saturday, August 13, 2022

Fahad Yasiin oo Qeylo-dhaan kasoo saaray weerarka Alshabaab ku qaaday Degaanka Somalida Itoobiya

-

- Advertisement -

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yasiin Xaaji Qeylo-dhaan kasoo saaray weerarka Alshabaab ku qaadeen Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyagoo ka gudbay xadka Soomaaliya.

Fahad Yaasiin ayaa markii ugu danbeeyay ku sugnaa dalka Turkiga, isago ka tegay magaalada Muqdisho ka hor xil wareejintii Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraal uu soo marsiiyey saaxiibadiisa kooxda CBB ayuu Fahad Yaasiin ku sheegay in arrintan ay tahay inaan la dhayalsan oo ay tahay halis, isla markaana wuxuu soo jeediyey qodobo dhowr ah in la qaado.

Hoos ka AKhriso Qoraalka

- Advertisement -

YAAN LA SAHLANIN SHABAABKA KA TALLAABAY XADKA 

  1. In Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay ka tallaabaan xadka, oo ay gudaha dal daris la ah Soomaaliya ay u gudbaan iyagoo cudud iyo ciidan wata, ayna geystaan weeraro ay dhul kula wareegayaan, oo aan ahayn ku dhufoo ka dhaqaaqii looga bartay iyo khasaare baaxad weyn, waa dhacdo halis ku ah gobolka oo dhan, waana tallaabo ugub ah oo khaldi karta qiyaasta laga qaadan karo dhacdooyinka ku xiga. 
  2. Waxaan ku talinayaa in madaxdu qaado qodobadan hoose oo aan ku arko inay muhiim u yihiin amniga qaranka dalkeenna iyo guud ahaan xasilloonida Gobolka Geeska Afrika: 
  3. In Dowladda Soomaaliya ay feejignaan muujiso, ayna iska dhaafto sahlashada dhibta dhacday, indhaha ay ku eegeysana ay noqdaan kuwa ka duwan wixii horay ay Argagixisadu u samayn jireen. Waxa dhacay waa wax taaban kara mustaqbalka Gobolka Geeska Afrika oo dhan. 
  4. In Golaha Wasiirada si dhakhso ah loo dhiso, si ay shaqadooda u guda galaan, wadankuna uga baxo firaaqa shaqo ee haatan taagan. 
  5. In Guddiga Amniga Qaranka uu shir degdeg ah ka yeesho xaaladda khatarta ah, soona saaro 

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dood ka dhalatay Deeqdii Imaaraadka iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo Dib u sixid sameeyay

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa dib u saxay tiro oo hore u shaaciyey oo ku saabsan Konteerada deeqda ee dowladda Imaaraadka Carabta ka...

Xeeladaha Muddo kororsiga ee Muuse Biixi kala mid yahay Maxamed Farmaajo (Qormo)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyay inuu doonayo muddo kororsi uu xafiiska kusii joogo kadib Novembar 2022 o ay ku egtahay middo...

Lafta-garen oo guddoomiyey Shir degdega oo ay ka qeybgaleen Saraakiil Ingiriis iyo Itoobiyaan ah.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo dhowaan kasoo laabtay dalka Itroobiya ayaa shir gudoomiyey Shir Amni degdeg ah. Shirkan oo ka dhacay...

Xog laga helay Ninka 24 sano jirka ah ee Tooreyda ku weerarray Salman Rushdi iyo xaalad halis ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Nin dhalinyarro ah oo shalay Weerar Toorey loo adeegsaday ku qaaday qoraaga Salman Rushdi oo Buug uu qoray...

Itoobiya oo Korontadii labaad ka dhalisay Biyo Xireenka GERD iyo Masar oo dacwad u gudbisay..

Itoobiya ayaa Khamiistii bilowday inay koronto kasoo saarto Qeybta labaad (Marwaxadaha labaad) ee biyo-xireenkeeda weyn ee Nile, iyadoo ay si weyn uga horjeedaan tallaabadan...

Qoraagii ku caan baxay Aflagaada Diinta Islaamka oo 15 Jeer lagu Mindiyeeyay magaalada New York

Qoraagii ku caan baxay Buugga uu ku aflagaadeeyay Diinta Islaamka ee Salman Rushdie ayaa maanta weerar lagu qaaday, iyadoo 15 jeer Mindi lagu dhugfay...

Natiijadii ugu danbeysay Doorashada Madaxweynaha Kenya oo Cabsi dhalisay iyo xog cusub

Dalka Kenya waxaa la wada sugayaa natiijada doorashada guud ee dalkaasi iyo cidda noqon doonta madaxweynaha cusub, iyadoo ay soo baxday eedeyn ka timid...

XOGAHA QARSOON

Ololaha socda ee Ansixinta Xukuumadda RW Xamza (Dhinacyada diidan iyo Rajada kaliya ee jirta)

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda dadaallo iska horjeeda oo ku saabsan ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra'iisal wasaare Xamza Cabdi Barre. Xubnaha...

5 Arrin oo ku cusub Golaha Wasiirada Xukuumadda Xamza Barre (Roobow, UPD iyo Wasaaradda..)

Golaha Wasiirada cusub ee maanta la shaacinayo ayaa waxaa soo baxaya arrimo cusub iyo isbedel lagu sameeyay qaab dhismeedka xukuumadii hore iyo shaqsiyaad aan...

Waa kuma Sheekh Muqtaar Roobow Cali..? (Wadaadka Xabsiga loogu bedelay xilka Wasiirnimo)

Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) oo muddo 3 sano u xirnaa dowladii Madaxweynihii hore ee Farmaajo ayaa maanta 2 Ogost 2022, loo magacaabay Wasiir...

Yaa noqonaya Ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub? (Wasiirada cusub oo looga yeeray)

Maanta ayaa ugu danbeyn la filayaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kadib dib u dhac shalay ku yimid xaflad loo diyaariyay. Liiska...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you