Friday, August 15, 2025

FALANQEYN: Maxaa ku xeeran ololaha Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed?

-

17-November 2014-kii, 396-(Saddex boqol, lixdan iyo sagaal)-Ergo ayaa codkooda dhiibtay si ay u doortaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u Shararaxnaa Xilka Madaxweynaha Sedex Gobolka ayaa xiligaa helay 373-Cod.

Federaaleynta dalka oo curdin ahayd iyo Aragtida Sedexda Gobol oo mucaarado xoogan wajaheysay ayaa loo sababeyay in ergo la soo xulay ay doortaan Madaxweynaha K/Galbeed.

Waxa uu ugu horreeyay ee loo baahnaa ayaa ahaa dib-u-heshiisiin, dhameystirka maamulka-oo loo sameeyo baarlamaan iyo gole-fulineed-iyo Amniga oo astaan ay u ahayd caasimadda oo uusan maamulka tegi Karin.

Afar sano kadib iyo KGS:

Afar Sano oo uu xilka hayay Shariif Xasan Sheekh Aadan, Koonfur Galbeed waxa ay ka mid noqotay Maamul Goboleedyada Dalka kajira,haba taag darnaado maamulka’e waxaa dhismay Baarlamaan ka kooban 149 Xildhibaan, Golihii Wasiirada iyo hay’adaha kala duwan ee Maamulkan, waloow howshii looga baahnaa aysan qabsoomin afartii sano ee ku jaango’nayd Muddo-xileedka Madaxweyne Shariif Xasan.

Dadka qaarse waa hubaal inay la dhacsan yihiin hannaanka maamulka hadda, oo aan xiriir la lahayn dowladda dhexe. Si kastase wali dadweynaha codkooda ma dhiibanayaan sabab guud awgeed taasoo ah duruufaha Amniga iyo wadiiqooyinkii wadan lagu gaari lahaa oo aan la soo diyaarin.

Maxaa ka socda Baydhaba?

Odayaasha Dhaqanka K/Galbeed

Markii Ugu horeysay Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa 17-Bishan November dooran doono Hogaamiyaha Cusub ee K/Galbeed, in kabadan 10 Musharax ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay inay u taagan yihiin xilka ugu sarreeya dowlad-goboleedka.

Afarta Murshax ee ugu hadalheynta badan ayaa kala ah:-

  1. Shariif Xasan Aadan- Madaxweynaha Waqtiga kasii dhamaanayo.
  2. Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur- Hoggaamiye ku-xigeenkii Al-shabab.
  3. C/casiis Lafta Gareen- Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumada Federalka.
  4. Xuseen Cismaan Cismaan- Taliyihii NISA.

Loolanka Doorashada Koonfur Galbeed waa mid adag,marka aad si hoose u eegtidna waxaa muuqanaya in tartanka doorashada uu u dhaxeeyo labo garab.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonaya in uu iska caabiyo Musharixiin la rumeysan yahay in ay baritaareyso ama ay garab taagan tahay Xukuumada Kheyre ayaa xulafo siyaasadeed la noqday Musharixiin saameyn weyn ku leh Koonfur Galbeed.

Shariifka ayaa isbaheysi la ah Musharixiin ay kamid yihiin:

Mukhtaar Rooboow, Ibraahim Fargeeti, Aadan Saransoor Ibraahim Macalin Nuur iyo kuwo kale.

Musharixiinta la aaminsan yahay in ay yihiin garabka gacanta ka helaya Muqdisho:

C/casiis lafta gareen.
Xuseen Cismaan Xuseen.
Aamina Mursal.

Hadalheynta shacabka baydhabo ayaa ah in Musharixiintan ay olole adag oo ay lacag culusna wehliso la soo galeen magaalada. Dhaqdhaqaadyada doorashadana wax weyn ayey ka badaleen inkastoo siyaasada Somali lacag qaadashadu ay dhaqan u tahay, hadane rajada Musharixiinta waa boqolkiiba konton iyaga oo cash isticmaalaya ayeysan kalsoonida xildhibaanka lagu qabi karo ahayn mid weyn.

kulamo gaar gaar ah ayey la qaateen xildhibaannada, kulankiina lacag badan ayaa lagu bixinayay taasoo ahayd ‘Billow iyo Isbarasho’.

Isku-dayga Xukuumada lagu eedeenayo ee faragalinta doorashada hadii ay sax tahay waxaa loo badaniyaa in musharixiinta taageerada Muqdisho heysto ay guuleystaan.

Mukhtaar Roobow:

Mukhtaar Rooboow

Marka aad Baydhabo joogto Mukhtaar Rooboow ayaa ah magaca carrabka dadweynaha ku soo noqnoqanaya, isagoo taageero mug leh ka heysta bulshada. Taageerada Roobow ayaa kaliya lagu mataali karaa mid uu 2009 heystay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee dowladdii KGM ahayd.

Mukhtaar oo ay dowladda dhexe mar shaki gelisay sugnaanta murashaxnimadiisa ayaa haddii uu guuleysto la rumeysan yahay inuu wax badan ka qaban doono dhinaca Amniga, wallow uusan waaya-aragnimo siyaasadeed uusan lahayn.

Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo:

Shariif Xasan Sheekh Aadan

Shariif Xasan Sheekh Aadan Hogaamiye mudo siyaasada Somalida ku soo jiray waliba nasiib u hela guusha, iminka waxa uu wajahayaa loollan loo arki karo kii ugu adkaa ee uu abid galo, balse odayaasha iyo xildhibaanada ayaa la aamini karaa in ay jaal la yihiin taas oo iyada keeni karta in mar kale kalsoonida uu helo.

Cabdi-casiis Lafta gareen :

Cabdi-casiis Lafta gareen

Cabdi-casiis Lafta gareen oo sannadkan uun ku guuldarreystay kursiga guddoomiyaha golaha shacabka ayaa olelihiisa diiradda ku saaray inuu soo jiito dhallinyarada.

Waxaana baraha bulshada lagu arkayay dhallinyaro aad ula dhacsan murashaxan, waxa uu yahay hoggaamiye haddii uu guleysto la aaminsan yahay inuu bah la noqonayo dowladda dhexe.

Xuseen Cismaan:

Xuseen Cismaan Xuseen
Agaasimihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus)

Taliyihii hore ee NISA-Hay’adda Sirdoonka iyo Amaanka Qaranka-oo dhawaantan xil culus uga tegay hanashada jagada madaxweynaha ayaa la filayaa inuu isbedel la yimaado.

Aamina Mursal:

Murashaxa kaliya ee dumarka ah ayaan loo badineyn inay wareegyada dambe soo gaarto, haddiiba ay tartanto, sida laga bartay saaxada siyaasadda Soomaliya oo aysan haweenku xattaa waligood u tartamin xil madaxweyne.

Waxa ayse astaan u tahay sida dumarka ugu diyaar garoobeen hoggaaminta wadanka.

Si kastaba ha ahaatee, Murashaxa ku guuleysta ayaa wajahaya Caqabado dhowr, waxaana kow ka ah Amni-darrada oo astaan u noqon karta halka maamulkiisa uu ku sii shaqeeyo maadaama magaalo-madaxda oo ah Baraawe uusan wali gaarin oo uu si KMG ah ugu shaqeeyo Baydhaba. Dhisidda kalsoonida shacabka, daadajinta maamulka dowliga ah, hagaajinta adeegyada guud iyo wax-ka-bedelidda xiriirka xun eek ala dhaxeeya dowladda federaalka ayaa ah guulaha loo baahan yahay.

W/Q: Saleymaan Raage
E-mail: [email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you