Saturday, July 19, 2025

FARIIN KU SOCOTA MADAXWEYNE FARMAAJO! [Qoraal tallooyin muhiim ah xambaarsan]

-

Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka, Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed waa tallaabo fiican oo aad hore u qaaday markii aad magacwday, Ra’isal Wasare Hassan Ali Kheyre. Waxaan idiinku duceynaya inaad ku guuleystaan xilka ummaddu labadiina idinku aamintay.

Mudane Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinaya in Ra’isal Wasaraha aan keligii kalsooni Barlamaanka loo weydiinin. Ra’isal Wasaraha waxaa laga raba inuu Barlamaanka hor geeyo kana hor aqriyo barnaamij kaamil ah ee taabana dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo nabadgelyada.

Dhinaca kale labada aqal ee Barlmaanka waa inay midmid u qortaan dhamaan qodobada uu RW hor keeni doono. Markii Xildhibaanadu ay dhuuxaan khudbada iyo barnaamijka uu rabo inuu hirgeliyo RW, waa inay su’aalo ka weydiiyaan wixii ay uga baahdaan oo faahfaahin iyo fasiraad dheeraad ah. Qoraal ku saabsan khudbada Ra’sal Wasaraha waa in loo qaybiyo xildhibaanada si ay u darsaan nuxurka ay khudbaddu xambaarsan tahay.

Haddii RW oo aan boorsada ku sida barnaamijka uu dalka ku hoggamin doono dalka ay Barlmaanku ay shaqsiyan keligiis ansixiyaan, hadhow Xildhibaanada waxaa ku adkaneysaan inay diidaan barnaamijka oo dib lagaga keeno. Shaqsiya la ansixiyo micno badan ma sammeyneyso laakinse waxaa shaqsiyada lagu dooran karaa maxaa barnaamij ah oo macquul ah oo dalka lagu samata-bixin kara.

C/qaadir Maxamuud Walaayo [Afhayeenkii hore ee xukuuumadda Soomaaliyam ruugcadaa saxaafadeed iyo Qoraa]
DHAQANKA SIDUU AHAAN JIRAY.

Alle ha u naxariisto, Mudane Abdirizaak Haji Hussein oo ka mid ahaa Ra’isal Wasaarayashi dalka soo maray 60yadii ayaa Barlamaanka berigaas wuxuu hor geeyay barnaamijka xukuumadiisa asagoo muddo 6 saac ka badan faahfaahin iyo fasiiraad bixinayay oo weliba idaacadda toos lagaga sii deynayay isla markaana samacadaha dibedda ee Barlmaanka ay dadweynuhu ka dhageysanyeen ayagoo tubna oo buux-dhaafshay barxadda loo yaqaan “Piazza della Solidarieta’ Africana” oo Barmaanka hortiisa ku taal.

Ugu dambeynta RW Abdirazak Haji Hussein wuxuu barlamaanka ka codsaday inay siiyaan kalsooniadooda buuxda. Ha yeeshe Xildhibaanadu waxay diideen inay kalsooni siiyaan sidaas dareedna uu la noqdo barnaamijkiisa.

Alle ha u naxariisto berigaas waxaa dalka Madaxweyne ka ahaa Mudane Aden Abdulle Osman oo xilkaas RW Abdirizak u magacaabay ayaa haddane Madaxweyne Aden mar kale ku celiay jagada Mudane Abdirizak. Markaan dambe Barlamaanka ayaa kalsoonida siiyay Ra’isal Wasaraha.

Marxuum Abdirazak Haji Hussein wuxuu dalka RW ka ahaa min 14th June 1964 ilaa 15th July 1967. Waxaa RW uu ku caan baxay markii boorka ka jafay maamulkii dawladda isagoo xaaqay dadki lagu yiqiinay musuqa. Wuxuu shaqada ka eray shaqaale badan oo ray’id ah oo ku eedeysanaya musumaasaq. Waagaas waxaa loo yaqaan maalmihii “Busto Rossa” oo macnaheedu yahay qofka waxaa u soo dhici jirtay boqasha casaan/guduud ah oo ay ku jirto waraaq shaqada looga fadhiisinayo.

Wuxuu abuuray maamul ku dhisan karti iyo hufnaan – karti wax qabasho oo ay lahaadaan dadka maamulka udub-dhexaadka u ah iyo hufnaan ay ka hufan musuqmaasaq iyo is-dabamarin.

AHUN Marxuum Aden Abdulle Osman oo dadka yaqaan ay ku sheegeen inuu ahaa nin ku adadag maba’diida uu aaminsan yahay waxaa laga haya oraah taariikhda gashay taasoo dad badan oo muwadiinta Soomaalida ka mid ah ay ka fajicisay oo ilaa maant la xusuusto.

Oraahdu waxay ahayd sidan: “Haddii aan xitaa idiin soo magacaabo *Habar Iisho* waa dooraneysaan”. Barlmaankow kalsoondi siisaan RW Abdirizak Haji Hussein. .

**Habar Iisho waxay ahayd islaan caan ka ahayd wadooyinka faras-magaalka Muqdisho. Waxay ka mid ahayd dadka ku dayacan wadooyinka gaar ahaan ciyaalka loo yaqaan “Parking boys/girls”

Mudane Madaxweyne waxaan kaa codsanaya inaad raacdo dhaqaanka oo aadan barlamaanka hor keenin shaqsi meesha ka muuqda laakinse aan la ogeyn qaabka uu dalka ku wadi doono muddada 4 sano ah ee soo socota oo ummaddu ay fileyso inay u dareeraan goobaha cod bixinta ayagoo sanduuq qarsoodi ah ku ridaya codkooda oo si xor ah u dooran doonaa shaqsiga ay iyagu rabaan.

W/Q: C/qaadir Walaayo

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you