Thursday, January 22, 2026

Farmaajo: Halkee ka doonay Ciidanka Difaaca Shacabka, halkeese ka jiraan…? [Qormo culus]

-

Madaxweyne Farmaajo wuxuu raadinaya wax loo magac daray “Ciidanka difaaca shacabka”, shalay wuxuu la kulmay dhalinyaro la rabo iney ku biiraan ciidankaas si mutadawacnimo ah, sidoo kale horaantii bishan ayuu ugu baaqay dhalinyaradda wax barata iney qalinka dhigaan oo ay qoryaha qaataan si dalka looga xoreeyo Al Shabaab.

In la dhiso ciidamo hor leh iyadoo kuwii hore aan xuquuq iyo nolol fiican loo heynin waa uun iska talo xumo iyo ciwaanka la yiraahdo “wax walba ku tijaabi” , laakiin hadiiba hogaanka sare ee dalku uu raadinayaan ciidamadda difaaca shacabka, waxaan qabaa in shaqaalaha wasaaradaha Dowladda laga qoro kuwa iska dhex fadhiya oo waxey qabtaan waayay, mushaarka fiican qaata, markii horana aan loo qorin baahi shaqaale oo wasaaradaha ka jirtay.

Mudane madaxweyne waxaan aragnay wasaarado degan 5 qol oo kaliya ayna u shaqeeyaan 200 ama 300 oo qof, wax ay wasaaradda u qabtaan Iska dhaafe wasaaraddu xitaa fadhi uma heyso iyo door ay ku shaqeeyaan, waxey qaataan mushaaraad u dhaxeeya $400,$700 ilaa $1200, cid walba ayaa og in aan baahi wasaaradaha ka jirta loo qorin laakiin hadda waxaa la joogaa xiligii laga faa’iideysan lahaa dadkaas.

Adigoo meel ku og 7000 (todobo kun ) oo qof, kuwaas oo 70% aan Dowladda shaqo saxan u heynin, oo mushaar ka qaata bil walba, oo Dowladda Facebook_yadda iyo fedhi ku diriradda ka caaya, inaad dhalinyaro hada wax baraneysa dagaal galiso sabab keeni karta ma muuqato , adna ilama ahan madaxweyne inaad sharaxaad u heyso midaas.

Shaqaalaha wasaaradaha ee 12kii sano ee lasoo dhaafay uu wasiir walba xoogaa ku heyb ah kusoo xaabiyay meesha fadlan qaranka uga faa’iidey ,mudo ayey lacag bilaa dhidid ah qaadanayeen, waxaa jira wasaaraddo shaqaalahoodu ku yimaadeen hanaanka 4.5.

Wasaarad walba hadii aad 100 shaqaale ah ka qaado, tababar ciidan oo deg deg ahna la siiyo lana jiheyo waxaad heli kartaa dhowr kun oo askari oo ah ciidanka difaaca shacabka, markii aad talaabadaas qaado dadku waxey kuu arki doonaan nin meel u socda, hadii aaney xitaa taasi macquul kuu aheyn mushaarkooda 60% hala dhimo oo ciidanka mushaarkiisa 60% kor u qaad si Askarinimadu qiimo u yeelato inta dalku ku jiro xaaladda dagaal.

Suurta gal ma’ahan madaxweyne inaad wiilal iyo gabdho wax baranaya kusoo lugooyso meel bilaa mushaar ah oo bilaa xuquuq ah ee fadlan kuwa aad bil walba lacagta akoonada ku siisaan uga faa’iideya dalka iyo dadka.

Talaabadan hadii aad qaado waxaan hubaa in intooda dhiiga shacabka dhuuqi jirtay ay qeyli doonaan ama ay Iska bixi doonaan , kadib waxaad heli doontaa wiilal iyo gabdho saacadna xafiisyadda ka shaqeeya, saacadna qorigoodu garabka ugu jiro oo dalka difaacaya.

Ilama ahan iney jiri doonaan dad badan oo kugu garab istaaga inaad iska indho tirto 7000 oo shaqaale ah oo lacag qaata bil walba wax muuqdna aan u qaban Dowladda, oo taa badalkeeda aad caruur wax baraneysa dagaal ugu yeerto, Dowladnimadu ma’ahan qudbo iyo hadal macaani ee waa arin u baahan fikir iyo fulin.

Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you