Thursday, January 20, 2022

Farmaajo oo Qoraal uu isku difaacayo ku qoray ‘Foreign policy’, Sidee u taageeray muddo kororsigii fashilmay?

-

- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal aragti ah oo uu isku difaacayo ku qoray Majallada Mareykanka kasoo baxda ee ‘Foreign policy’.

Qoraalka Farmaajo oo aan aragti cusub ku jirin ayaa ujeedkiisu ahaa inuu iska difaaco magac xumo iyo sharaf dhac ka raacay muddo kororsigii 2-da sano ahaa eeloo sameeyay, wuxuuna eeda oo dhan dusha ka saray dhinacyo kale, halka uu muddo kororsigaasi ku tilmaamay fariiqa kaliya ee looga gudbi lahaa doorashada xulashada ah ee ay afduubka ku heystaan odayaasha iyo madaxda maamul Goboleedyada oo shacabka ka hortagaan inay codkooda wax ku doortaan sida uu ku dooday.

Maxamed Farmaajo oo keligii isu gar dhigtay ayaa maqaalkiisa cinwaan uga dhigay: “Ha igu eedeyn aniga dib u dhaca Doorashada Soomaaliya”, wuxuuna sidii uu hore marar badan u sheegay inay Doorashadii tooska ahaa diideen qaar ka mida Maamul Goboleedyada o ah Puntland iyo Jubbaland.

Wuxuu eedeynta labaad u jeediyey Beesha Caalamka qaarkood oo muddo kororsiga si kale u fasiray, kana hor yimid, sida UN-ka, Mareykanka, UK iyo Midwga Yurub, isagoo u muuqda inuu doonayey inay ku taageeraan muddo kororsiga oo uu sheegay in Baarlamaan xor ah uu u aray danta dalka, laakiin si kale loo dhigay.

- Advertisement -

“Doorashada Soomaaliya dib uguma dhicin in aan doonayo sii haysashada xukunka, balse waxaa arinkaa sabab u ah khilaaf kala qeybiyay dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah,” ayuu Farmaajo ku qoray maqaalkiisa.

Wuxuu eedeyn kale jeediyey dad uu ku tilmaamay kuwo gaara ay u doonayaan inay afduub u qabsadaan shacabka oo ay afartii sanaba doorasho xulasho ah u taagan yihiin, wuxuuna is weydiiyay:

“Waxaa la joogaa xilligii ay Beesha Caalamka weydiin lahayd: Maxay tahay sababta ay odayaal beeleed kooban iyo madaxda maamul goboleedyada la haystayaal uga dhigtaan shacabka Soomaaliya afartii sanoba mar? Maxay tahay sababta ay dad kooban u aamusinayaan shacabka malaayiinta ah ee ay sheegaan inay metalaan?”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in hannaanka doorashada dadban uu yahay midka la haray dimuqraadiyadda Soomaaliya, isla markaana aan sii socon karin. “In heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya ayaa ka dhigan in laga qanciyo dhammaan saamileyda, xilli kasta iyo arrin kastaba” ayuu ku cataabay Farmaajo.

Wuxuu kaloo eed kala dul dhacay siyaasiyiin uu sheegay inay qalalaase ka abuureen caasimadda, isaguna uu Baarlamaanka ka codsaday in lagu noqdo Doorashadii dadbaneyd.

Farmaajo wuxuu rajo ka muujiyay shirka lagu wado in 20-ka bishan looga arrinsado doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono hannaanka doorashada.

Farmaajo sooma qaadin inuu dalka gaarsiin waayey, kuna fashilmay qabashada Doorasho aya ahayd inuu ka shaqeeyo afartii sano ee uu sharciyadda heystay iyo sida uu u kala qeybiyey maamul Goboleedyada, labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna maqaalkiisu u muuqday mid uu isaga fogeynayo guuldarro siyaasadeed oo uu hore u xambaartay markii uu isku dayey inuu kursiga kusii joogo si sharci darro ah sanado kale.

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Maxay ka wadahadleen Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo Musharax Prof. Jawaari..?

Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan la yeeshay guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari). War kasoo baxay xafiiska UNSOM...

Barro Xildhibaanka UK ee u ololeeya Somaliland: 2 Jeer ayaa xilal Wasiir looga qaaday fadeexado qabsaday

Xildhibaanka u dhashay dalka Ingiriiska ee Gavin Williamson ayaa muran badan ka dhaliyey Baraha bulshada, kadib markii uu mooshin geeyay Baarlamaanka Ingiriiska, kaasoo lagu...

5 Xildhibaan oo lagu doortay Baydhaba (Akhriso Magacyadooda iyo sida ay kusoo baxeen)

Waxaa maanta magaalada Baydhaba lagu doortay shan xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka. Kursiga koowaad oo ahaa HOP184 waxaa ku tartamay Wasiir Xasan Cabdinuur...

Wasiirka Qorsheynta oo Qoraal ku weeraray Xildhibaanka UK ee gudbiyey Mooshinka Somaliland

Qof si sharaf dhac ah looga ceyriyay dowladdiisa iinuu faafiyey xogta Amniga Qaranka ma aha inuu ka ganacsado faragelinta arrimaha gudaha Qaran kale. Wasiirka Qorsheynta...

Muxuu ka tanaasulay Jeneraal Abuukar Xuud, Muxuuse kula heshiinayaa Farmaajo..? (Akhriso)

Jeneraal Abuukar Warsame Xuud ayaa maanta ka degay magaalada Muqdisho, isagoo la socdo Taliyaha ciidmada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi, waxaana garoonka loogu diyaariyey...

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Rooble oo qeylo-dhaan kasoo saaray Kursiga Beeshiisa oo la boobayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda xilgaarsiinta Durraan Axmed Faarax ayaa qeylo-dhaan kasoo saaray kursiga beeshiisa oo uu sheegay in si sharci darro ah...

Muuse Biixi iyo wafdigiisa oo la geeyay magaalada Hawassa ee Maamul ka tirsan Itoobiya (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalintii ku usgan dalka Itoobiya ayaa la geeyay isaga iyo weftigiisa magaalada Hawassa ee dawlad deegaanka Sidama. Muuse Biixi...

XOGAHA QARSOON

XOG: Farmaajo oo Heshiis hoose la gelaya Jeneral Xuud & Kursigii uu sharaxnaa Fahad Yaasiin oo..

Waxaa magaalada Beledweyne ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo uu wado Taliyaha ciidamada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi, kaasoo xal loogu helayo gadoodka uu waday...

Sidee loo fuliyey Qarixii Is-miidaaminta ee lagu beegsaday Afhayeen Macalimuu? (Sheegashada Alshabaab)

Weerar is-miidaamin qorsheysan ah ayaa maanta lagu beegsaday afhayeenka xukuuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu. Qof iskusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa fuliyey weerarka, wuxuuna qofkaasi...

XOG: Maxaa lagu helay Wasiirka Ganacsiga? (Heshiis uu la wareegay iyo Baaritaan lagu bilaabay)

Qaar ka mida Wasiirada Xukuumadda xilgaarsiinta ah ayaa xilligan kala guurka qaaday tallaabooyin isugu jira musuq iyo ku takri fal awoodeed, waxaana wasiiradaasi ka...

Xaqiijin: Farmaajo oo iidheh ka dhigtay Tahriibayaal laga soo celiyey Liibiya (3 dhinac oo iska kaashaday)

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa iidheh iyo olole doorasho uga dhigtay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo soo celinta 97 dhalinyarro Soomaaliyeed oo ku xirnaa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!