Saturday, July 26, 2025

Farmaajo Waa Xargo Goostay ee Dalka iyo Dadka Halaga Badbaadiyo (Qormo: Xil. Mahad Salad)

-

Farmaajo wuxuu xalay si sharci daro ah oo dhuumaalaysi ah u saxiixay Todoba (7) ka mid ah Sagaalka (9) xubnood ee Golaha Addeegga Garsoorka. Kuwaas oo aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.

Ka sokow in xubnahaas markii horeba aysan soo buuxin shuruudaha xubinnimada ee ku cad Qod. 109A Dastuurka iyo Qod. 6aad ee Sharciga lagu asaasay Golaha Addeegga Garsoorka, haddana waxa sidoo kale la fogeeyay taariikhda xeerkan la saxiixay iyadoo laga dhigayo in muddo hore la saxiixay, maadaaba Farmaajo hada uusan lahayn sharciyad uu xeer ku saxiixi karo oo mudo xileedkiisu dhamaaday. Hadana xeerkani wuxuu ka soo horjeedaa qodobo badan oo Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla ah.

Tusaale ahaan:

1. Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 7aad ee Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka ee si cad u qeexaya Habraaca Magacaabista Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka. Qodobkan waxaa horay u soo jebiyay Xukuumadii xilgaarsiinta ee Mahdi Guuleed hoggaaminayay.

2. Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 112aad dastuurka ee si cad u qeexaya in Magacaabidda Guddiyada Madaxbannan Heer Federaal marka Golaha Wasiirrada ansixiyaan ay magacyadooda u gudbinayaan Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) si uu u ansixiyo, kadibna waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro. Iyadana ma dhicin oo Farmaajo ayaa mar kale ka tilaabsaday ansixinta Aqalka Sare!

3. Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 85aad Dastuurka ee Dhaqangelidda Sharciyada maadaaba uusan soo marin habraaca sharci-dejinta labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku xusan qodobkan.

4. Farmaajo wuxuu si bareer ah ugu tuntay Qod. 87aad (2), 90aad (f), 96aad Dastuurka ee xeerinaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu xilkiisa u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrayana Dastuurka Qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.Haddaba, Farmaajo waa soo xargagoostay ee ha loo istaago sidii dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa .

W/Q: Hon. Mahad Salad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you