Saturday, July 19, 2025

Faysal Samow Shaahidkii Shahiidka ahaa.!!!

-

Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada aadka u fir-fircoon ee dalka gudisiisa wax ku bartay, sidoo kalana ka shaqaynayay horumarinta iyo dhiiragalinta dhalinyarada iyo ardayda haatan ku jira waxbarashada.

Faysal wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan Sanadku markii uu ahaa 1988, wuxuu ka mid ahaa qoys ka kooban 14-ruux marka lagu daro Hooyo iyo Aabe.

Waxbarashadiisa aas-aasiga ah, sida hoose dhexe iyo sare wuxuu ku soo qaatay magaalada Baladwyne, sidoo kale 2016-kii ayuu ka baxay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) xarunteeda magaalada Muqdisho, kulyada maamulka iyo Ganacsiga. “SAWIRKA 1-AAD”

Faysal marka laga soo tago waxbarashadiisa wuxuu sidoo kale haatan wuu ka shaqaynayay Waxbarista Ubadka Soomaaliyeed ee soo baxaya.

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Wuxuu ahaa Macalin wuxuuna mid ahaa Macalimiintii ugu horeeyay ee loo qaatay Barnaamijka Aada dugsida (Go to School), wuxuuna macalin ka ahaa Afartii sano ee ugu dantaysay Dugsiga Yaasiin Cismaan ee ku yaala degmada Boondheere.

Xasan Jimcaale Cadaan oo ah maamulaha Dugsiga Yaasiin Cismaan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Faysal uu ahaa macalin fir-fircoon, oo dabeecad wanaagsan leh, sidoo kalana xiriir fiican la leh macalimiinta ay wadashaqaynayeen iyo ardayda iskuul-ka.
Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ahaa shaqsi markasta waqtigiisa ugu badan ku bixiya dhiiragalinta Dhalinyarada, isagoo ku dhiiragalinayay inay waxbartaan.

Wuxuu aas-aasay Xarunta Tababaratad iyo Horumarinta Ardayda Soomaaliyeed, taas oo ka shaqaysa kobcinta Aqoonta dhalinyarada.

2016-kii Allaha u naxariistee Faysal Aabihiis Salaad Samow iyo wiil ay walaalo yihiin ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay ku dileen magaalada Baladweyne, iyagoo sidoo kale halkaasi ku dhaawacay wiil kale oo ay wada dhasheen Faysal.

28-kii October 2017-kii wiil kale oo la dhashay Faysal oo lagu magacaabi jiray Bile Salaad Samow ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay ku dileen Qarax ay ka gaysteen Hotelka Naasahablood-2, ee magaalada Muqdisho. “SAWIRKA 2-AAD”

Bile Salaad Samow ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay ku dileen Qarax ay ka gaysteen Hotelka Naasahablood-2, ee magaalada Muqdisho
Bile Salaad Samow ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay ku dileen Qarax ay ka gaysteen Hotelka Naasahablood-2, ee magaalada Muqdisho

22-December 2018, oo shalay ahaydna Al-Shabaab waxay Qarax ku dileen Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow.

Ka hor inta uusan uusan geeriyoon Faysal wuxuu ka bad baaday Qaraxa Al-Shabaab ay ku qarxiyeen meel u dhow Tiyaayarka Qaranka, Ka dibna wuxuu tagay isagoo nabad qaba Dugsiga uu macalinka kahaa ee Yaasiin Cismaan, wuxuuna Bartiisa Facebook-ga ku soo qaray inuu ka bad baaday Qaraxa, laakiin wuxuu ku geeriyooday Qarax kale oo Al-Shabaab ay ka gaysteen meel u dhow Dugsiga uu ku sugnaa ee Yaasiin Cismaan.”SAWIRKA 3-AAD”

Ehelada Marxuumka iyo Maamulka Iskuulka uu ka shaqaynayay ayaa inoo sheegay in Allaha u naxariistee Faysal uu isku diyaarinayay Sanadka cusub inuu guursado, iyadoo loo doonay Gabadhii uu guursan lahaa.

W/D:- Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you