Tuesday, June 24, 2025

Galmudug Ma waxay ku heshiisay ineysan Heshiin..? (Maqaal muhiim ah).

-

Xiisadda Siyaasadeed ee kasoo korortay Maamul goboleedka Galmudug bilihii lasoo dhaafay, waxay salka ku haysaa ismaan-dhaaf siyaasadeed iyo herdan ka jira maamulka curdinka ee u baahan xasillooni Siyaasadeed.

Sida ay qirayaan khubaro badan oo kor joogto ka ah xiisadda Siyaasadeed eek a aloosan maamulkaas, waxaa isku haya talada maamulkaas tan iyo markii la asaasay ururka Damujadiid iyo Xisbiga Daljir oo labadooduba xusul-duub ugu jira sidii ay u maamuli lahaayeen Galmudug.

Sababaha ugu waaweyn ee dhalin karta isku qabsashadaas ayaa ah, labada kooxood waa Damujadiid iyo Daljir oo raba inay gacanta ku dhigaan Galmudug si ay siyaasadda dowladda federaalka ugu carqaladeeyaan. sidoo kalena ay ka dhigtaan Gole Siyaasadeed oo ay soo marsiin karaan rabitaankooda.

Markii la doortay Madaxweyne Xaaf, maamulka Galmudug wuxuu noqday mid fadhiid ah oo dhaafi waayey Cadaado, sidoo kalena la heshiin kari waayey Ahlu Suna Wal Jamaaca (ASWJ). Kadib markii Maamulkii Madaxweyne Xaaf ka talin jiray ka tanaasuli waayey waxyaabo badan oo dan ugu jirto midnimada Galmudug iyo xasilloonideeda, sidaas darteedna uu ku burburay wadahadalladii u dhexeeyey Maamulka Galmudug iyo ASWJ.

Xiisadda ka aloosan Galmudug, kama dhalan go’aankii maamulkaasi ku qaadacay Siyaasadda arrimaha dibedda dalka ay ka qaateen Xiisadda ka taagan Khaliiijka, balse waxaa jiray fashil weyn oo muddo soosocday kaasoo ahaa in Madaxweynihii Xaaf ku guuldarraystay inuu u dhaqaajiyo Galmudug waddada horumarka iyo Nabadda. Taas beddelkeeda waa isteerinka Siyaasadda Galmudug hayey koox ka hoos samaysmay mudane Xaaf oo aan waxba u uturayn , qadarin iyo kala dambaynna kula dhaqmin hayadaha iyo laamaha kala duwan ee maamulka.

Baarlamaanka Galmudug wuxuu dhawr mar ka codsaday Madaxweyne Xaaf, inuu waxbadan ka fiirsado marka uu wax magacaabayo si saamiga siyaasadeed loo dheeli tiro, balse taas kama soo bixin waxayna ka muuqatay golihii wasiirada uusoo dhisay isagoo lasoo daahay. Sidoo kale ciidamada Galmudug ma helin mushahar joogto ah iyo daryeel midna, dhammaan dhaqaalaha DFS ugu talo gashay ciidamadaas iyo maamulkaasba waa la musuqmaasuqay.

Sababahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa ku kalliftay Baarlamaanka Galmudug inay ka gaabsadaan la shaqeynta Madaxweynaha Galmudug Xaaf, iyadoo taasi jirto ayuu mudane Xaaf ku xadgudbay dastuurka Soomaaliya qodobkiisa __ kaasoo ka hadlayey in Siyaasadda arrimaha dibedda dalka ay masuul ka tahay DFS oo keliya. Wuxuu caddeeyey Mudane Xaaf in uu Imaaraatka Carabta Keligiis tegey uuna qaraab-doontay, sida uu u sheegay VOA qeybteeda Afsoomaaliga.

Sumcad xumo ayey usoo jeedday Galmudug hadalkaas iyo dhaqankaas aan hore loogu arag madaxda Maamul Goboleedada, taasina waxay kicisay kacdoon xildhibaanno oo xilkii ka qaaday Madaxweyne Xaaf. Waxaa taas xigtay in iyana ay xilkii waayeen Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanno iyo Senataro kasoo jeeda Galmudug oo ka kala tirsan Damujadiid iyo Daljir ayaa durbadiiba u kala dhuuntay Galmudug, si ay uga fushadaan danahooda Siyaasadeed oo ahaa in ay kusoo baxaan kursiga Madaxweynaha Galmudug.

Loolan adag ayaa bilowday, kadib markii Maxkamadda Sare ee Maamulkaas xaqiijiisay in ay sharci tahay in madaxda maamulkaas ay waayeen xilkii si waafaqsan sharciga u degsan Galmudug. Waxaa loolankaas oo ilaa iminka cadaado ka socda sheegayaa in Damujadiid iyo Daljir u arkaan ay xilka ku hayaan si sharci darro ah mudane Xaaf oo xildhibaanadii lasoo doortay ka qaadeen xilkii.

Khilaafka ka taagan Galmudug iyo heshiis la,aanta siyaasiyiintaas waxay sii durkinaysaa xaaladda Siyaasadeed ee Maamulkaas. Mudane Xaaf iyo Madaxdii kale ee xilka laga qaaday waxaa u fiican in ay u damqadaan maamulka curdinka ah oo loo daayo rabitaanka Shacabka oo ay metelayaan xildhibaanada Galmudug.

Haddaba dad wax falanqeeya waxay arkaan, in Xaaf iyo madaxdii kale oo xilkooda laga wada qaadayba ay banneeyaan , si Galmudug waa cusub ugu beryo oo dad la jecelyahay oo deegaankooda ka shaqeeya ay u yimaadaan, maadaama ay hawl culus u taalo hoggaanka cusub ee Galmudug imaan doona.

Ilaa hadda waxaa jira musharaxiin ay wataan shacabka Galmudug, iyagoo kasoo horjeensaday ururada iyo Xisbiyada musharaxiinta ay wataan, iyagoo aaminsan in ay maslxaddooda ka shaqeyn doonaam tan Galmudugna la ilaawi doono bilaha ugu horreeya.

Haddaba waxaa maslaxadda Shacabka iyo Maamulka Galmudugba ugu jirtaa in dhammaan khilaafaadka oo dhan la dhaafiyo, oo madax cusub oo isfahansan aayaha Galmudug xambaarsanna ay yimaadaan, si looga shaqeeyo danaha Galmudug ee waxbarasho, dhaqaale iyo amnigaba leh.

W/D: Cabdiraxmaan Xusee Ibraahim
[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you