Thursday, June 26, 2025

Geesigii Labada Goor Dhashay..!!(Xusuusta kulankii Duuliye Col. Axmed Dheere)

-

W/Q. Cabdi Yuusuf Faarax

Waa sanadkii 1995kii, goobtu waa Xaruntii golihii dib u heshiinta ee Muqdisho. Amin casar liqii ayaan soogalney aniga iyo saaxiibkeey Xalane iridda wayn ee xaruntaas oo inkastoo aan markaan doonno imaan jirney, shaqooyin badana aan ka qaban jirney, haddana maanta waxaan u soconaa wareysi.

Runtii ma anaan garaneyn inaan la kulmi doonno shaqsi sidaa u maqaam sarreeyey aniga agteyda. Intii anaan galin dhismihii weynaa ee xafiisyada golaha dib u heshiintu ku shaqeyn jirey, waxey isheeydu qabaneysey laban ruux oo kuraas cadcad ku fadhiya meel dhexe oo banaan oo dhir ku beereyd. Labada ruux mid waan garaneyey wuxuu ahaa Dr. C/raxmaan Macalin ( Baadiyoow), gudoomiyihii golaha aan joogno, laakiin ma aanan garan qofka uu yahey ninka kale ee la fadhiyey.

Dr. Baadiyoow ayaa noo gacanhaatiyey, wuxuuna nagu yiri ( kaalaya ninkaan idin baree). Is-gacan qaad iyo is-bariidin yar kadib, wuxuu na barey ninkii la joogey oo ahaa duuliye Axmed Maxamed Xasan, oo lagu xasuusan ogyahey (Col. Axmed Dheere) wuxuu ahaa sargaalkii dayuuradda milatari kala goostey Hargeysa ee ku dajiyey Jabouti sanadkii 1988kii, kolkaas oo dagaallo ba’ani ku dhexmarayeen ciidamadii milatariga ee taliskii Siyaad Barre iyo xoogaagii jabhaddii mucaaradka ee dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed (SNM).

Wuxuu ahaa, nin cas oo dheer, islamarkaasna ay ku joogto bidaar qurxoon. Aad ayaan ugu farxey lakulankiisa, salaan labaad ayaa ku celiyey. Kasakoow, inkasta oo aan ahaa suxufi jaanis gaad ah oo heley xog muhiim ah oo uu tabiyo, hadana waxaan si aad iyo aad ah u xiiseeynayey inaan xog ka helo dhacdadii isaga la xiriirtey oo aan idaacadaha ka maqley waagaas, hase ahaatee aanan wax war iyo wacaal ah midna dib uga helin wixii uu ku dambeeyey iyo sida barigaas wax u dheceen toona.

Sidoo kale, waxaan aad u xiiseynayey inaan la kulmo halyeey Soomaaliyeed oo qorey taariikh mudan in lagu dhiggo far Dahab ah.

Dr. Baadiyoow oo ahaa ninkii noo balamiyey oo iskaaya barey wuu noo kala dhexbaxay Axmed Dheer, aniga iyo saxiibkeey Cali Xalane, waxaana na dhex marey wada sheekeysi aad u dheer oo goor dambe oo habeenkii aanu isku gaarney.

Col. Axmed intii aanu wareysaneyney, wuu dhowr goor muujiyey tawaaduc iyo cudurdaar uu ku muujunayey inuusan wax wayn oo geesinimo oo sidaas loogu qadariyo uusan sameyn, taasna waxey muujineysey akhlaaqdiisa iyo shaqsiyadda macaan ee uu dhashey.

Duuliye Axmed, wuxuu xiligaas u ahaa, markii ugu horreysey ee u dalka dib ugu soo laabtey tan iyo markii uu goostey ciidankii u uka tirsanaa oo dalka ka cararey sanadkii 1988kii, wuxuuna markaas ka yimid dal yar oo Yurub ku yaal oo lagu magacaabo Luxembourg.

Wareysigii aan la yeelaney oo aad u dheeraa, waxaan kusoo daabacney wargeyskii Dadka ee kasoo bixi jirey Xaruntii Cilmi baarista iyo daraasaadka bulshada ee ( HACHS).

Tifatirihii wargeyska alaha u naxariistee C/Qaadir Maxamed Mursal ayaa markii uu wareysiga akhriyey aad ugu bogey aadna u ugu farxey, wuxuuna durba ka codsadey, allaha u naxariistee farshaxamiistihii weynaa Cabdulaahi Alif inuu ku farayaeesto sawir gacmeed cabbiraya dhacadaas iyo geesigeeda, waxaana bogga hore lagu soo dhajiyey wargeyska cadadkiisii todobaadleha ahaa ee soo bixi jirey Maalinta Isniinta ah.

Wareysigaasi dheeraa ee uu Col. Axmed nasiiyey oo ka koobnaa, nolashiisa oo dhan, dhalashadiisii, waxbarashadiisii, meelihii uu wax ku bartey iyo shaqooyinkii ciidan ee uu soo qabtey, ayaanan wada xasuusan, laakiin waxaan soo qaadan doonaa qaybtii la xiriirtey dhacdadii Hargeysa.

U yeeristii iyo safarkii Hargeysa

Duuliye Axmed Maxamed Xasan oo jooga goobtiisii shaqo oo aheyd xarunta ciidanka cirka ee Ballidoogle oo u ku yaal 90 km galbeedka Muqdisho, ayaa lasoo gaarsiyey farriin uga timid taliska dhexe ee ciidanka cirka ee Xamar, fariintaasuna waxeey aheyd inuu deg deg kusoo galo Muqdisho.

Ma jirin su’aal u furneyd waa amar ciidan, waxa uu durba usoo safrey Xamar, wuxuuna isla habeenkii intii aan la gaarin subixii oo ka ballansanaa xarunta dhexe ee ciidanka ee Afyooni, kulan la tashi ah ugu tagey saaxiibkiis Gaashaanle sare Cali Dhayaar oo ahaa sarkaal ay ka wada tirsanaayeen ciidanka cirka, hase ahaatee ka sarreyey kana khibrad badnaa, waxeyna iska wareysteen waxa uu noqon karo waxa loogu yeerey, wuxuuna xiligaas Axmed qabey tuhun ah in loo diri karo dagaalka goboladii Waqooyi Galbeed xiligaas ka socdey.

Markii ay kulmeen isaga iyo saaxiibkii, waxay wadajir isula fahmeen waxa uu yahey amarka sugaya barri subax oo ah inuu Hargeysa u baqoolo, hase ahaate waxaa walaac badan ay kala kulmeen oo ay xadidi waayeen sida uu ka yeelayo, waxa xiga safarka Hargeysa oo ah in la fuliyo duqeyn dayuuradeed oo uu khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo ba’an ka dhalan karo.
Col. Cali Dhayaar oo Axmed saaxiibkiis ahaa, walaac kadib wuxuu ugu soo gaabiyey warkii ( saaxiib dadkaaga inaad badbaadiso oo aadan layneynin ma aha mid laguu sheegayo, wixiisa kale oo aad yeeleyso adigaa yaqaan..).

Walwal iyo walbaar ayuu Axmed Dheere habeenkii oo dhan sariirta la gadgadoomayey, waxaana uuna iswaydiinayey tabaha iyo xeeladda u furan ee uu yeeli karo haddii barri subax lagu yiraahdo dayuuradaan Hargeysa u socota raac, maalinta xigtana lagula wareejiyo garoonka dayuuradaha diyaaraddii uu ku duqeyn kahaa isla magaaladaas.

Ogoow oo waxa uu laynayo waa dadkii loosoo tababarey inuu iyaga cadowga ka difaaco. Waa arin aad iyo aad u kharaar.

Waa sidii uu qiyaasayaye, markii uu subixii iska xaadiriyey Xaruntii ciidan ee looga yeerey, waxaa loo sheegey meesha uu u socdo iyo shaqada uu halkaas ka qabanayo labadaba.
Go’aankii kharaaraa!!

Subixii xigey maalinkii uu Hargeysa tagey, waxaa Axmed Maxamed Xasan lagu wareejiyey mid ka mid ah laba dayuuradood oo u diyaarsanaa iney duqeyn subaxaas fuliyaan, midda kalena waxaa la wareegey sargaalkii asaga ka sarreeyey oo duqeynta hogaamin lahaa.
Islamarkiiba waxaa garoonka Hargeysa oo magaalada duleedkeeda ku yaal ka duuley labadii dayuuradood oo midda dambe Axmed dheere ku duulayo, tan horena sargaalka hogaanku uu ku duulayo.

Axmed ilaa xiligaas ma qaadan wax go’aan ah waxa u uka yeelayo amarka la siiyey, wuxuuna dhex makhuuranaya walaac iyo walbahaar, waqti uu kaga sii fikiro waxa uu yeeli doonana uma harin, laakiin wuxuu meel ku guntadey inuusan marna waxyeello soo gaarsiin dadkiisa..
Labadii dayuuradood oo aad u dheereynaya ayaa durba kor marey magaalada, waxeeyna u jiheysteen dhinaca galbeed. Duuliye Axmed Waxeey ishiisu qabatey kumaan shacab ah oo magaalada kasii qaxaya iyo qaar kale oo dadsan geedaha hoostooda.

Islamarkiiba waxaa jiireysey dayuuraddii hore oo biloowdey duqeyntii, hase yeeshee dayuuraddii labaad masoo jiirey. ( geesi ilaahey ma xiro, fuleyna laba jeer buu dhintaa..) waa tii la dhihi jireye Axmed, wuxuu durba qaatey amar diido dadban wuxuuna ku marmarsiyoodey in ciladi haysato, markii uu sargaalkii ka horeey ku amrey inuu soo jiireeyo oo uu duqeynta ducadiisa ka bilaabo.

Islamarkiiba, hoos ayuu u daadajiyey, si uga dhuunto raadaarka ciidanka Farasiiska oo Jabouti fadhiyey oo u uka baqayey iney toogtaan, wuxuuna durba galey xuduudda Jabouti iyadoon cidna dareemin.

Badda dusheeda!
Durba duuliye Axmed wuxuu arkey isagoo dul heehaabaya badda dusheeda, wuxuuna gudaha usii galey oo uu kusii fogaadey badda, halkaas oo uu ku faarujiyey rasaastii iyo bambaanooyinkii uu sidey.

Markii uu muddo badda dul heehaabayey, ayuu nasiib wanaag si lama filaan ula kulmey meel banaan oo xeebta ah oo biyaha baddu ka durkeen habeenkii, halkaas oo uu inta xeeladeysan ugu soo dhawaadey tartiib si nabadgalyo ah ku fariisiyey dayuuraddii xeebta, wuxuuna ka dagey asagoo badqaba.

Waqti kooban markii uu ku lugeynayey xeebta ayaa waxaa arkey kaluumeysato reer Jabouti ah, kuwaas oo markii ay arkeen ninkaan qafilan ee duuliyaha ee meesha maraya la yaabey, waxeyna weydiiyeen wuxuu yahey iyo waxa halkan keeney, wuxuuna u sheegey inuu Soomaaliya kasoo goostey oo dayuurad wadey oo xeebta dhigey.

Duuliye Axmed waxaa durba loo gudbiyey magaalada Jabouti halkaas oo warkiisa wakaaladaha wararku kala boobeen, halkaas oo ay markii ugu horeeysey dowladda Soomaaliya ka warheshey inuu goostey oo uu bad qabo, waayo waxaa markii hore loo qaatey in ay dayuuraddii la burburtey, maadaama fariintii ugu dambeysey ee laga heley aheyd iney ciladi haysato.

Taliskii Siyaad Barre aad iyo aad ayeey arinkaas uga carootey, waxeeyna u aragtey in duuliyahaas oo aan gacanteeda kusoo noqon uu kashifaad ku yahey howsha milatari ee waqtigaas ka socotey gobolada waqooyi oo ay dowladdu aad u qarineysey.

Islamarkiiba, waxaa la joojiyey duqeeyntii dayuuradaha iyadoo laga shakiyey duuliyayaashii Soomaalida ahaa, waxeyna markii dambe sida la xaqiiyey ay dowladdu soo kireysatey calooshood u shaqeystayaal u dhashey dalka Koonfur Afrika oo la wareegey howlihii duqeynta.

Dhinaca kale waxa uu taliskii Soomaaliya ku cadaadiyey dowladda Jabouti in ay si deg deg ah ugu soo gacangaliso duuliyaha goostey, taas oo ay dowladda Jabouti ka dhago adeygtey, waxa uuna duuliye Axmed markii dambe galey xarun ay qaramada midoobey ku lahey magaalada Jabouti, wuxuuna halkaas ku jirey ilaa uu magangalyo ka heley dalka Luxembourg oo uu markii dambe dagey.

W/Q. Cabdi Yuusuf Faarax
Oslo. 22.10.2020.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you