Monday, February 2, 2026

Gen. Bashiir Goobe: Ma wuxuu eersaday Waxqabadkiisii…? [Khaladkii Farmaajo]

-

Xil qaadistii jumlada ahayd ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku dhawaaqay shalay ka sokow sharcinimadeeda iyo dariiqa loo maray waxaa markiiba la arki karaa inay lahayd astaamo degdeg ah oo aan loo meel dayin.

Inta badan saraakiisha la magacaabay waa kuwo hore xilalka u soo qabtay oo aan horumar badan lagu ogeyn, qaarkoodna ku caan baxay ku takri fal awoodeed iyo caajisnimo, lamana oga sababta looga door biday kuwii xilka hayay ee shaqadooda ku filnaa.

Waxay noqotay caadi in madaxweyne kasta isbedel sameeyo oo saraakiisha oo xilka ugu yimid wada xaaqo isagoo aan eegin waxqabad, laakiin micnaha ugu weyni yahay inuu adeegsado awooddiisa xil ka qaadis iyo la imaanshaha wejiyo cusub oo uu isagu keensaday.

Mas’uulka aan dooneyno inaan qormadan ku iftiimino waa taliyihii ciidamada asluuubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac, kaasoo intii uu xilka hayay muujiyay karti iyo shaqo la wada arkay isla markaana isbedel ku sameeyay xaaladda xabsiga dhexe ee sanad waliba Daacuun-calooleedka  ka dillaaci jiray.

Gen. Bashiir wuxuu mudnaa in lagu dalacsiiyo shaqadiisa, wuxuuna umadda tusay in xil lagu aamini karo, sidaasoo ay tahayna waxaa loogu abaal guday xil ka qaadis aan loo meel dayin oo xitaa loo quuri waayay in lagu wargeliyo.

Madaxweyne Farmaajo ma moogeyn horumarka ciidamada Asluubta iyo xabsiga Dhexe uu ka sameeyay Gen. Bashiir Goobe, waxayna ka mid ahayd meelihii ugu horeeyay ee uu booqday, laakiin waxaad moodaa in Madaxtooyada Soomaaliya uu yaallo sixir qofkii kursigeeda  kufariista ka dhigaya mid u shaqeeya si ka horjeeda danaha dalka iyo dadka.

Mas’uulka cusub ee xilkan loo magcaabay waa shaqsi isla xilkan hore u soo qabtay oo xilligii uu joogay xabssigu ahaa meel maxaabiista la isaga kala gudbiyo, waxayna u muuqataa in qof waliba oo dalkan soo jilaafeeyay la abaal marinayo, kii daacada ahaana la ciqaabayo.

Gen. Bashiir Goobe wuxuu u muuqda mas’uul eersaday waxqabadkiisi, waxaanse leenahay umadda Soomaaliyeed ayaa kuu og wixii aad u qabatay, kuguna abaal marin doonta. Waa la gaari doonaan dal waxqabadka la isku qiimeeyo oo wadaniyiinta la tixgeliyo. “Ninkii Timir beeriyo, kii Tiin Tallaalayba, Taariikhdu way qori..”

W/Q: Xasan Macallin [Goobjooge.com]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you