Monday, July 21, 2025

Golaha Maamul Goboleedyada Kismaayo iyo Go’aanka Madaxweyne Farmaajo [Warbixin]

-

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si taxadar leh loogaga hadlay shirkii ku soo idlaaday Kismaayo, kaa oo lagu dhisay gole ay ku mideysan yihiin madaxda shanta maamul goboleed ee Soomaaliya.

Waxaa qoraalka lagu billaabay: “Madaxweyne Farmaajo wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed, si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.”

Arrintaa ayaa lagu tilmaamay in ay ka muuqato diblumaasiyad iyo in madaxweyne Farmaajo uu ka fogaanayo in uu sii huriyo dhibaatada siyaasadeed ee hadda taagan, sida uu qabo Dr Axmed Cali Khayre oo ah cilmi-baare.

Ujeedada war saxaafadeedka

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu muujinayaa marka koobaad, in uu ku baaqayo in midnimo iyo wada shaqeyn lagu dadaalo, dhaliilahana lagu xalliyo hay’adaha dastuurka iyo nidhaamka dowliga ah,” ayuu yiri Dr Axmed Cali Khayre.

Warka ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo waxaa lagu sheegay “in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha, iyada oo la raacayo dastuurka iyo qawaaniinta dalka.”

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin la hadalka dowladda. “Anagoo dowladayadii dhexe iyo federaalka oo mid ah, meelna u wada jeedna oo aragti mideysan leh, oo wadatashi joogta ah la leh, in go’aano nawada metelaya gaarno waa intaa waxa aan ka hadlayno,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo BBC Somali la hadlay.

Hase yeeshee, Dr Axmed Khayre ayaa tilmaamay in madaxweyne Farmaajo u muuqdo in uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah “in uusan u noqon qof ka aamusay wixii ka soo baxay shirkii Kismaayo iyo in xaalka la dejiyo oo qaab diblumaasiyadeed lagu galo kaas oo muujinaya in dowladda diyaar u tahay wadahadal.”

Madaxweyne Farmaajo miyuu taageeray shirkii Kismayo?

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalayay xafladdii caleemo saarkii Xaaf, Bishii Maarso ee Sanadkan
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalayay xafladdii caleemo saarkii Xaaf, Bishii Maarso ee Sanadkan

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay “in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.”

Balse qoraalka loogama hadlin taageerada ama diidmada kullankii ay yeesheen madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ee Kismayo iyo go’aamadii ka soo baxay.

War saxaafadeed ka koobnaa seddax bog oo ka soo baxay shirkii Kismaayo ayaa lagu shaaciyay in ay samaysteen gole loogu magacdaray Golaha Dowlada Goboleedyada. Waxayna guddoomiye u doorteen madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, halka ku xigeen loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare.

Hadaba, Dr Axmed Khayre oo cilmi-baare ah wuxuu sheegay in qoraalka madaxweyne Farmaajo uusan muujineynin in uu taageeray go’aanka ay gaareen madaxda maamul goboleedyada.

“Marka uu leeyahay dastuurka halagu dhammeeyo khilaafka, wuxuu u muuqdaa in uusan marna taageersanayn wixii ka soo baxay Kismaayo,” ayuu yiri Khayre.

Balse Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo siyaasadda ka faallooda, wuxuu qabaa “in labada dhinacba uu ka muuqdo qalad badan oo sababaya in qarrannimada Soomaaliya dhibaato ku keeni kara.”

“Arrinta ay ka hadlayaan madaxda maamul goboleedyada, waxay ahayd in baarlamaanka uu ka hadlo, oo ay ayaga dowladda la xisaabtamaan,” ayuu yiri Dr Cabdiwahaab.

Laakiin madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shaqada la kala leeyahay, “Wixii ay si wanaagsan u qabtaan baarlamaanka waan taageereynaa, wixii shaki nooga jirana, xaq baan u leenahay in aan wax ka niraahno.”

Shirkii Kismaayo sax ma ahaa?

Sida uu qabo Dr Axmed Cali Khayre, dowladda federaalka waxay ahayd in ay isku daydo in ay baajiso shirkii ka dhacay Kismaayo ee lagu dhisay golaha maamul goboleedyada.

Sidoo kale, wuxuu u arkaa qalad “in dowladda dhexe ay farageliso maamulka Galmudug” oo weli uu khilaaf ka taagan yahay.

“Midda koobaad, sida aan dastuurka waafaqsanayn ee ah in dowladda ay isku dayday in maamulka Galmudug iyo maamulo kale madaxda ka bedesho, taas waxay fursad siisay in shirkan uu qabsoomo,” ayuu yiri Khayre.

Dr Cbdiwahaab ayaa dhankiisa sheegay in dowladda federaalka looga baahnaa in ayada ay gogosha dhigto oo maamullada aysan kulmin keligood. “Waxay ahayd in dowladda ay dhigto gogosha ayna dhageysato cabashada maamullada,” ayuu yiri.

Sikastaba, Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa BBC-da u sheegay in shirkii Kismaayo uu ahaa mid dastuuri ah. “Waa waxa aan sharciga u lahayn ee ma jiraan wax aan ku qabsanay dowladda federaalka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in dowladda ay xiriir la leeyihiin diyaarna u yihiin meel kasta oo ay ku shirayaan, balse ma uusan sheegin sababta aan dowladda dhexe loogu casuumin kullankii Kismaayo.

Isbarbardhigga Golaha Kismaayo iyo Madashii qaranka

Madashii Qaranka oo uu madax ka ahaa madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud
Madashii Qaranka oo uu madax ka ahaa madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud

Madashii Qaranka waxay ahayd mid ay ku mideysnaayeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo madaxdii dowladdii hore ee federaalka.

Madaxsdaas waxay kaalin wayn ku lahaayeen dhismaha baarlamaanka hadda jiro iyo qaabkii lagu soo doortay. Sidoo kale qaabkii doorashadii madaxwaynaha ay u dhacday iyo awood qeybsiga ayey go’aan ku lahaayeen.

Dadka qaar ayaa u arkay in madashaas ay la wareegtay howshii baarlamaankii hore, ayna qaateen dhammaan awoddihii dalka.

Golahan cusub ee shalay lagu dhisay Kismaayo waxaa ka mid ah, madaxda maamul goboleedyada oo keli ah, waxaana ka maqan dowladda dhexe.

Hadaba ma isku mid baa golahan iyo madashii qaranka? Dr Axmed Cali Khayre oo ka jawaabayay su’aash ayaa sheegay in golahan uu yahay mid “aan waafaqsanayn dastuurka Soomaaliya u yaalla.”

“Waxa ay maamul goboleeyada rabaan waa gole u dhigma madashii qaranka ee la wareegtay awoodii golihii fulinta iyo sharci dejinta, taasna waxay ila tahay in nidaam aan la aqbali karin uu yahay,” ayuu yiri Dr Khayre.

Sidoo kale Dr Cabdiwahaab ayaa yiri: “Arrintan waxay keeneysaa in geedi socodka nabadda Soomaaliya ay saamayn ku yeelato, waxay keeneysaa in ay hakiso hannaanka ay Soomaaliya ka guureyso.”

Madaxweynaha Puntland ayaa difaacay golaha uu yiri: “Golahan waa madal ka dhexeysa dowlad goboleedyada, waxaana jiro dano gaar ah oo ayaga ka dhexeeya, waxaa jiro masuuliyado saaran ayaga. Adduunka, meelkastoo federal ka jiro, golayaasha noocan ahna way jiraan. Shiddo iyo shaqaaqo lama damacsanin dowladda, mucaaradna ma ahin,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Gaas.

“Waa madaxweynayaashii maamul goboleedyada oo isu yimid oo ka wada hadlaya danta Soomaaliyeed iyo sidii ay dowladda federaalka ula shaqeyn lahaayeen. Waa intaa waxa aan hayno,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you