Monday, February 16, 2026

GOORMAA DOOFAAR XAJIYAY!? [Qormo ka timid Abwaan]

-

Mid ka mida Gobollada Soomaalida waxaa joogi jiray Nin Tuug ah oo Hooyadiis ku Magacaawday Cali deeq hase yaashee Dadkii Degaanku u bixiyeen Cali Doofaar.


Mudo kadib Cali oo Illaaheey Maal siiyay oo Ganacsade weyn ah, Dadka wax karabana ugu yeeraan Xaaji Cali waxaa arkay Nin Odaya oo yiqiin Caliyoo Tuug meriyay oo madoobeeyay ah, Hal mar ayeey ka soo fakatay Odaygii Goormaa Doofaar Xajiyay?

Haddaba maal maahaan waxaan arkaa Caliyaalo Ceynkiiyoo kale ah
Niman aan Duntoodiyo
Damiirkooda aqaanoo
Damacooda fahmaayoo
Diinta, Dadka iyo dalkaba
Midna aa dan ka laheyn
Ayaa durbaan tumayee
Kacdoonkeey dumayaan
War yaan daacad la moodin.

Waxaa la yiri Nin Hooyadiis ka Guuray Sodohdi uma Negaado,

Dhinaca kale xalay waxaan la kulmay laba Mudane oo ka Xanaaqsan Sida ay ii Sheegeen Warkii Golaha Wasiirada waxeeyna ku Hanjabayeen Sabti markii Galaha Shacabku Fariisto waa Rideynaa Dowladda.

Sababta ayaan weydiiyey?

Waxeey iigu jawaabeen Farmaajo iyo Kheyre Qalbidhagax waa Eedayaan,

Waxaan weydiiyey Ergadii idin Soo dooratay Meeqaa la dilay?

Wax badan ayeey iigu jawaabeen,

Weli ma maqal adinkoo ka hadlaya sow Muwaadiniin Qalbidhagax la mida maahan?

Waxeey iigu jawaabeen Guure dooda haku daalin waa Rideynaa tan,

Kolleey Baroortu Orgiga ka weyne haddaad ridaan yaad ku Bedeleysiin ayaan Su,aalay?

Anagaa Og ayeey iigu gaabiyeen Jawaabtii,

Waxaan iri Dumiya aan Daawanee Bal ninkeey u daran tahay,

Xisaabtana ku dara Marwadii aad Ninkeeda Dishay lama Dumaalo,

DIGNIIN: Dadweynaha yaan Dab lagu Shidin Danguud lama wadee.

W/Q: Abwaan Cismaan C/llaahi Guure

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you