Dhacdadii Afgembiga fashilmay ee Turkiga waxay mar kale soo shaac bixisay dabeecadda dadka Soomaaliyeed
ee ku dhisan caadifadda iyo qar iska tuurnimada aan lahayn miisaanka diblomaasiyadeed iyo garashada awoodooda.
Madaxweynihii ugu sareeyay dalka wuxuu cambaareyn soo saaray tiiyo aan madow iyo cad la kala garan weliba uu socdo Afgembiga.. Bal ka warrama haddii uu dhici lahaa inqilaabka oo suurageli lahaa?… Halkee dowladeena ilko la’aanta soo istaagi lahayd?.
Culimadeenii qaarkood waxayba si cad ugu baaqeen in dhiiga loo hurayo dowladda Turkiga?!!! Tolow Madaxweyne Ordogan miyaan u dagaalameynaa shaqsiyadiisa oo noqday DIIN?!!, Goormuu Ordogan noqday lama taabtaan dhiig loo daadiyo?.
Madaxdii dalka, wasiiradii iyo taliyeyaashii ciidamada waxay isku shubeen safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho iyagoo muujinaya taageero iyo is-garab taag.
Maamulkii Muqdisho wuxuu ku baaqay bannaanbax dadkii degmooyinka qaarkood la isu soo bixiyay intii aanay bannaanbaxyadu ka dhicin Istanbul iyo magaalooyinka Turkiga oo habeenkii xalay ahaa isu soo baxay!.
Dadka Soomaalida waxay buux dhaafiyeen baraha bulshada iyagoo aad moodo inay Turkiyiinta ka wadanisan yihiin, cid waliba calankii Turkiga ayay xiratay, qof kastana waaba Ordogan….!!
Waxay isoo xusuusisay aakhirkii 1990-kii markii dowladii Siyaad Barre ay sii liiceysay oo xaaladii ugu adkeyd ay ku jirtay dowladnimada Soomaalida, Soomaali fara badan ayaa saf ugu jiray Safaaradii Ciraaq ee Muqdisho oo doonaya in loo qaado dalka Ciraaq si ay uga difaacaan Mareykanka iyo xulafo kale oo doonayay inay Kuweyt ka xoreeyaan Sadaam Xuseen….!!!
Inaad aqoonsan weydo tabartaada, tixgelin weydo duruuftaada, iska ilowdo waaqica aad la nooshahay, waxay ka mid tahay axmaqnimo heerkii ugu sareeyay, waxaase ka sii daran inaan isla qumanahay oo isu heysano dad xaq ku taagan…. TIISA DARYEELAA TU KALE KU DARA..
Caadifadda intaas la eg maxaan dalkeena ugu dhisan weynay..?, Dadnimadan iyo wadaniyadan aan Turki isu bedelnay maxaan Soomaalinimo ugu muujin weynay oon wax uga baran weynay dadka tashaday ee aan iska meteleyno, Maxaan kaliya ugu fiicanahay inaan afka ka hadalno, isla qab weynaano duni aan qarniyaala ka harnay isku nabnabno, anagoo weliba hoos madow oo dal iyo dad aanay gacan noogu jirin…? Talow goormee khiyaaligan ka baxeynaa oo is aqoonsaneynaa?.
Jawaab celinta Soomaalida dowlad iyo shacab ee Inqilaabkii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay wuxuu mar kale muujinayaa riyo maalmeedka aan ku jirno, mase aha ceeb inaan taageerto si miyir ku jiro cidii abaal kuu gashay ama aad saaxiibo tihiin sida Turkiga iyo hogaankooda hadda xilka haya.
W/Q: Shariif Moalim