Wednesday, July 9, 2025

Goormee Sheekh Mukhtaar Roobow ka baxay Kooxda Al Shabaab..? [Qormo]

-

Goormee Muqtaar Rooboow ka baxay Al Shabaab ayaa noqotay dooda ugu xoogan 48-dii saac ee lasoo dhaafay kadib isu soo dhiibistiisii Dowladda Somalia ee maalintii shalay .

Kooxdda sidda daalibkan u sameysan ee Al Shabaab waxey baahiyeen inuu 7 sano ka hor kooxdda ka baxay kadib qilaaf soo kala dhex galay isaga iyo hogaamiyihii geeriyooday ee kooxdda Axmed Cabdi Godane.

Hadaba maxaa ka run ah arintaan?

Muqtaar Rooboow Cali oo gudaha Al Shabaab looga yaqaano Abuu Mansuur, waxaan la kulmay 2 jeer intii ahaan suxufi wardoon ah.

Waa wadaad aftahan ah oo meel fudud wax kaa tusin kara, mar walba waxaan aheyn kuwa hadalkiisa uu ku siiyo Teleefoon (Shir jaraa’id oo hawadda ah ) laakiin 2010-kii xili galab ah ayaan ka mid noqday 7 saxafi oo ay Al Shabaab ugu yeereen arin aanan mowduuceeda la aqoonin oo waliba u muuqatay mid kadis ah.

Saxafiyiin aan hadda ka xasuusto Ismaciil Istiila , Liibaan Cumar, Maxamed Ibraahim Raage oo dhintay (AUN) iyo Howl wadeenadda Al-Jazeera ayaa ka mid ahaa safkeena oo qaarkeen aan lug ku tagnay guri la ii sheegay markaas iney Al Shabaab ka qabsadeen C/wali Qanyare mise hubo in gurigga C/wali Qanyare lahaa, Ma aheyn markii koowaad ee aan gurigaas tago oo maalin ka horeysay ayaan tagnay inagoo baddan xili Shabaab ay soo bandhigayeen 2 askari oo Dowladda kasoo goosatay sida ay sheegeen.

Qofkeena ma fahmin ujeedada shirkaan qorax gaabka la abaabulay, markii aan meesha tagnay waxaa joogay Muqtaar Roobow, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere ) oo wajigiisa ay maalinkaas iigu horeysay iyo dad kale oo aan ka xusi karo Xasan Xanafi Xaaji oo Al Shabaab dhanka warbaahinta kala shaqeyn jiray kaas oo ay Dowladda Somalia toogasho ku fulisay, waxaan xasuusta inaan wariyaasheena maxaliga ah 30 daqiiqo sugeynin saaxibadda Al-Jazeera oo xoogaa soo daahay, inta aan xasuusto Al Shabaab mahadli jirin iyadoo aaney imaanin Al –Jazeera madaama loo arko TV buun buuniya xoogaga islaamiga ah ee dunidda oo dhan ku firirsan.

Roobow ayaa hadalka furay oo sheegay inuu rabo inuu wareejiyo afahayeenimadda Al Shabab uuna ku wareejiyo Cali Dheere oo markaas ahaa wakiilka Al Shabaab ee gobalka Gal-gaduud, saxafiyiinta waxa uu ku yiri waxaad fasax u tihiin inaad su’aasha rabtaan I weydiisan, Sidoo kale waxaan aad u xasuusta inuu yiri “Sidaad doontan ii sawirta maanta dib dambe iima sawiran doontaane “

Dadka su’aalaha dhiibtay oo aan ku jiray waxaan weydiiyay “Malaga yaaba inuu jiro qilaaf gudaha ah oo aad xilkan uga dagtay “ laakiin waxaa uu iigu jawaabay isagoo xiran dharka ciidanka qorina garabka ugu jiro,wiilal afafku u xiran yihiina hareeraha ka joogaan “Qilaaf ma jiro ee dhinac kale ayaan ka qabanaya shaqada jihaadka “.

Aadbaan u shakiyay maalinkaa ,markii aan soo baxnay saaxibadey iguma raacin inuu jiri karo qilaaf kooxdda iyo Rooboow ah waxaana ay badi qabeen madaama ay odayaasha beelaha Hawiye ku dhaleeceeyen Muqtaar Rooboow gumaadka dadka Muqdisho dagan in kooxdda Al Shabaab ay ciyaartay qadiyad kale oo ah in Hawiye iyaga la isku baneeyo wixii war ah taasina ay tahay sababta Cali dheere loo magacaabay.

Anoo wali shakigii qaba ayaan daarta Amal ee suuqa Bakaaraha 3 habeen kadib ku arkay Ibraahim Roobow oo la dhashay Muqtaar Rooboow oo isna kooxdda ka tirsana, Ibraahim oo uu iskeen baray nin la oran jiray Shiikh Maxamed Ibraahim Bilaal oo sheegan jiray inuu madax ka yahay Golaha Camalka Islaamka ayaan casho iyo wada shekeysi kadib weydiiyay tuhunkeygii ahaa inuu Muqtaar Roobow kooxdda ka carooday, wuxuu ii muujiyay inuu qilaaf jiro balse uusan rabin inuu ku dheeraado arinkaas.

Maalintaas ilaa hadda waxaan aaminsanaa inuu Roobow ka baxay Al Shabaab ama ka carooday kooxdda, waxaase ugu dambeyn shalay i shaki bixiyay Al Shabaab oo sheegay inuu 7 sano ka hor ka baxay balse ay siiyeen ciidan ilaaliya madaama uu Mareykanku ku raad joogay.

Waxaan halkaan ka fahmi karnaa inuusan Roobow waxba hadda kala socon hanaanka ay Al Shabaab u shaqeyso iyo halka ay wax marayaan madaama uusan 7 sano wax lug ah kulaheyn dhaq dhaqaaqa kooxdda, intii uu Rooboow ka maqnaa Al Shabaab waxaa dhacay is badalo badan oo kooxdda dhexdeeda ah ,inkastoo aan laga hor dhici karin hadana ma muuqato wax badan oo uu kusoo kordhin karo sirdoonka Dowladda Somalia sargaal 7 sano dibad joog ka ahaa Al Shabaab kuwasoo la aaminsan yahay iney mar walba falsafadooda wax ka badalaan.

Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax
Raafac22@gmail.com

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you