Friday, July 11, 2025

Guddiga La-dagaalanka Musuqa waa mid ku dhisan Sharci-darro, Musuq iyo rabitaanka Farmaajo (Qormo)

-

Sida aan hore uga hadlayba, Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo wuxuu marar badan isku dayay welina uu maagan yahay in uu Dalka ku xukumo wareegto/dikreeto isagoo doonaya in rabitaankiisa uu ka dhigo sharci loo hoggaansamo.

Nasiib wanaagse, dalku waxa uu leeyahay Dastuur ay Ummadda Soomaaliyeed heshiis ku yihiin saldhigna u ah maareynta arrimaha danta guud. Dastuurkaas wuxuu ku waajibanayaa dhammaan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hawlwadeenada hay’adaha dowlada in ay u hoggaansamaan kuna jaangooyaan hab dhaqankooda maamul iyo midkooda go’aanba.

Inkastoo uu Farmaajo ku dhaartay in Dastuurkaas ilaalinayo kuna dhaqmayo, hadana waxaa nasiibdarro noqotay in uu Dastuurkii ka dhigay wax kama jiraan isaga oo ku xadgudbay marar badan oo ay ugu dambeysay maanta.

Sida aad la socotaan, Farmaajo wuxuu dikreeto aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Sharcigaba ku magacaabay Guddi lagu sheegay Guddiga La-dagaalanka Musuqa, waxaanse doonayaa inaan halkaan idiin kugu sheego in Guddigaas uusan laheyn wax sharciyada, kuna dhisan yahay MUSUQMAASUQ SIYAASADEED iyo KU XADGUDUB DASTUUREED iyo MID SHARCI.

Bal ka tixraac Qod. 112aad ee Dastuurka KMG ah sida loo dhisayo Guddiyada Madaxbannaan oo uu Guddiga La-Dagaalanka Musuqmaasuqa ka mid yahay. Sidoo kale Qodobka 10aad ee Sharciga lagu dhisay Guddiga La-dagaalanka Musuqa wuxuu waajibinayaa in Guddiga helo ansixinta Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

Haddaba, guddiga uu Farmaajo daahfuray ma marin hannaanka sharcigaasi uu tilmaamayo iyo habraaca dastuuriga ah. Sidaa daraaddeed, ‘Guddiga La-dagaalanka Musuqa’ ma ahan mid ku dhisan sharci ee waa mid ku dhisan musuq siyaasadeed oo ku saleysan rabitaanka Farmaajo.

Farmaajo wuxuu si bareer ah u jebiyay qodobkaas kor ku xusan, wuxuu dikreeto ku soo saaray Guddiga uu maanta daahfurayo iyadoo xubnahaasi aysan helin ansixinta Aqalka Sare. Golaha Aqalka Sare wuxuu horay si cad uga hadlay dhismaha Guddiga iyo hay’adaha kale ee lagu sameeyay dikreetooyinka baalmarsan Dastuurka KMG ah.

Haddaba iyada oo la raacayo dastuurka KMG ah iyo xeerka ay labada Gole ansixyeen , waxaan uga digayaa mar kale in xubnaha lagu sheegay in yihiin Guddigaas ay ku dhiirradaan in ay ku howlgalaan dikreeto lagu jebiyay Dastuurka Dalka; xubnahaasna waxaa waajib ku ah in ay u hoggaansamaan shuruucda Dalka kana waantoobaan arrinkan dhaawacaya hufnaantooda iyo ammaanada Ummadda Soomaaliyeed. HAL BOOLLI AH MA DHASHO NIRIG XALAAL AH.

Sida oo kale, waxaa ku baraarujinayaa hoggaanka ururada Bulshada Rayidka ah in aysan qeyb ka noqon howlaha ka soo horjeeda Dastuurkeena, aysanna ku milmin siyaasadda. Waxaan kaloo ku baraarujinayaa inay qaataan kaalintooda la xisaabtanka Dowladda kana feejignaadaan dabinnada siyaasadeed ee loo dhigayo kuwaas oo ujeeddada ka dambeysa tahay in gacmaha loo geliyo howlo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo sharciyada dalka.

W/Q: Abshir Axmed Maxamed (Bukhaari)
Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you