Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo magacaabista Guddoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir oo muddo dheer laga sugayey.
Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in magacaabista Guddoomiye ku xigeenada maamulka Goboka Banaadir iyo Xoghayaha Gobolka la shaacin doono saacadaha soo socda.
Xubnaha xilalka Guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir loo magacaabay ayaa kala ah:
1- Guddoomiye Ku- xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, waxaa loo magacaabayaa Ciise Maxamed Guur
2- Gudoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir waxaa loo magcaabayaa Maxamed Axmed Diiriye
4- Guddoomiye Kuxigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir waxaa loo magcaaabayaa Xasan Sheekh Maxamuud Maxamed Jimcaale
3- Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada G/Banaadir waxaa loo magacaabayaa Cabdicasiis Cusmaan Maxamed.
