Sunday, July 13, 2025

Guulaha Madaxweyne Farmaajo iyo Miisaankii Shalay! [Qormo Xiiso leh]

-

Guul waqtiyeed oo uu madaxweynaha gaaray keliya looma fasirin; waxay noqotay faan loo sammeeyay hal-heys, “Kheyre ku arag, Farmaajo kuu aamus”. Guulaha laga hadlayo ma aha waxqabad ee waa in qof siyaasi la rabbaayadeeyo, markuu diidana sharci iyo sharci darraba hadduu xil hayayna looga qaado, ama la weeraro.

Waxaa guulo loo mashxaradeeyo noqday in Taabit, Jawaari, wasiiro, guddoomiyahaasha heerarka maxkamadaha, saraakiisha ciidanka iyo nabad sugidda xilalka laga qaado. Waxaa loo dabbaal dagay weerarkii sharci darrada ahaa ee lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, afduubkii Roobow, kala diristii guddiga maaliyadda ee baarlamaanka, cadaadintii Shariif Xasan iyo natiijadii doorashadii Koonfur Galbeed, ceyrintii Haysom iyo soo dhoweynta in isla qof ajnabi ah bankiga dhexe sidii loogu dhiibi lahaa shuruucda dalka loo beddelo.

Is qabqabsiga siyaasiyiinta iyo xil ka xayuubinta muddaba way taagneyd oo madaxweyne Farmaajo lama billaaban. Madaxweyne Cabdiqaasim waxay is qabteen guddoomiyihii Baarlamaanka Cabdalla Deerow AUN wuxuuna ku beddelay Mustaf Mukhtaar Guudow, waxay is qabteen RW Galeyr, wuxuu ku beddelay Xasan Abshir, oo markii ay is qabteen uu ku sii beddelay Maxamed Cabdi Yuusuf, wuxuu dhowr jeer magacaabay guddoomiyayaal gobolka Banaadir.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN wuxuu beddelay guddoomiyihii baarlamaanka Shariif Xasan oo uu weliba dalka ka saaray, wuxuu ku beddelay Sheekh Aadan Madoobe, wuxuu beddelay RW Cali Geedi, keenay Nuur Cadde, kaddib ku sii beddelay Gacma Dheere; wuxuu beddelay oo uu weliba xabsiga dhigay guddoomiyihii maxkamadda sare Haaruun, wuxuu xabsiga u taxaabay nabaddoonno ay ka mid yihiin AUN Axmed Diiriye.

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu beddelay guddoomiye baarlamaan; wuxuu beddelay laba RW. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu beddelay laba RW oo uu weliba si sharci ah baarlammaanka u hor geeyay codna loo qaaday, wuxuu gobolada qaar geystay siyaasiyiin asaga uu wato.

Is qabqabsiga iyo xil ka xayuubinta waqtigiyadii Cabdiqaasim, Cabdullaahi Yuusuf, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh waxaa loo arkayay ceeb iyo guul darro siyaasadeed; hadda waxaa loo sameystay halheys, waana wax lagu faanno in qof siyaasi ah oo xilka laga xayuubiyo ama la xiro ama la weeraro.

In wax muddo loo arkayay guul darro ay maanta madaxda Villa Soomaaliya iyo shacabka qaar ay ugu muuqdaan guulo waaweyn waxay leedahay laba fasiraad:

1- Qofka marka uu aaminsan yahay in uu awood leeyahay waxaa laga filanayaa inuu u turo inta ka tabar daran, hadduu awood isticmaalana wuu ku ceeboobaa. Qofka aaminsan in uu aad u tabar daran yahay, jug walba oo uu u geysto qofka ka soo horjeeda wuu u dabaaldegaa. Waa sababta Falastiiniyiinta marka ay qaraxyo geystaan ay Carabtu ugu dabaaldegaan, marka ay Israa’iil wax duqeysana adduunka u cambaareeyo. Siyaasiyiinta Villa Somalia joogta ayaa markaan aaminsan in ay aad u tabar darnaayeen, oo waxyeelo walba ay geystaan ugu fasirta guul.

2-Shacabkii is qabqabsiga necbaa, qaarkood waxaa maan rogay warbaahin lacag badan la geliyay iyo shaqsiyaad guul darrada u tarjuma guul la gaaray.

Xil xayuubin, xoog iyo sharci darro mar walba waa u guuldarro iyo curyaamin inta isku il ku eegta shalay iyo maanta.

Marka laga reebo Md. Cabdullaahi Yuusuf oo aanan waraysan, madaxdii kale waan waraystay. Inay madax xilka ka qaadaan uma heysan guul, waxay u heystaan waxay duruuftu ku kaliftay, oo ay ka fursan waayeen, waxyeelana lahayd.

Farmaajo waa mas’uulka keliya ee si bannaan-yaal ah ugu faana godobta iyo dhaawacyada uu geystay.

Ha moogaanina miisaankii shalay!

W/Q: Hassan Adan Hosow

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you