Tuesday, February 17, 2026

Guusha Jawaari ma iskaashi ayey ku timid Mise…?

-

 Maanta waxaa ku guuleystay guddoomiyaha baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waana u hambalyeynayaa, waa shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo isku darsaday kuna fiican hogaaminta baarlamaan wadan ka soo baxay dagaalo sokeeye.

Waxay dadka qaarkii saadaalinayaan in guusha uu gaaray Gudoomiye Jawaari ay horseed u tahay inuu ku guuleysan doono Xasan Sheekh tartanka madaxweynaha iyagoo aaminsan in intii xilka baarlamaankii hore uu hogaaminayey daacad u ahaa Madaxweynaha, hadana uu isaga u ololeeyey laakiin xaqiiqda intaasi waa ka fog tahay, guddoomiye Jawaari waa nin dowladnimada si fiican u yaqaan, dhowrana ku dhaqanka sharciga, kala dambeynta, ixtiraamana masuuliyiinta ay wada shaqeynta ka dhexeysa taasna macnaheedu ma ahan inuu taageersan yahay Xasan Sheekh, cid kasta oo musuuliyadaasi qabatana sidaas ayuu ula shaqeyn doonaa.
Guushani waxay ku timid kalsooni xildhibaanada qaarkood ku qabeen Guddoomiye Jawaari, taageero cod oo ka timid xildhibaano ka cabsi qabo in haddii Xildhibaan Xiddig soo baxo saami qeybsiga awoodda beeshooda ee xubnaha sare meel loogaga dhacayo iyo musharaxiin kale oo daneynayey.
Hadaba qiyaas, saami intee le’eg ayey taageerayaasha musharax Madaxweyne Xasan Sheekh ka noqon karaan inta u codeysay Gudoomiyaha, runtii ma badna mana la oran karo guushani waxay saadaal u noqon kartaa inuu guuleysto Madaxweyne Xasan oo culeys weyn ka heysto isbaheysiga musharaxiin madaxweynaha oo ay Ku jiraan rag miisaan culus Ku leh bulshada iyo baarlamaanka dhexdiisa oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali, Sh. Shariif, Farmaajo, Cumar Cabdirashiid, Shariif Xasan iyo rag kale oo badan.
Laakiin waxaan marna la inkiri karin saameynta dhabta ay ku yeelan doonto Musharax Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud doorashada guddoomiye Ku xigeenka1aad ee berri uu ka qeybgali doono jaalkiisa Xildhibaan Faarax Sh. Cabdiqaadir waana u laba-geeriyood guul iyo guuldaraba.
W/Q: Maxamed Goodir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you