Thursday, July 31, 2025

Guusha Jawaari ma iskaashi ayey ku timid Mise…?

-

 Maanta waxaa ku guuleystay guddoomiyaha baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waana u hambalyeynayaa, waa shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo isku darsaday kuna fiican hogaaminta baarlamaan wadan ka soo baxay dagaalo sokeeye.

Waxay dadka qaarkii saadaalinayaan in guusha uu gaaray Gudoomiye Jawaari ay horseed u tahay inuu ku guuleysan doono Xasan Sheekh tartanka madaxweynaha iyagoo aaminsan in intii xilka baarlamaankii hore uu hogaaminayey daacad u ahaa Madaxweynaha, hadana uu isaga u ololeeyey laakiin xaqiiqda intaasi waa ka fog tahay, guddoomiye Jawaari waa nin dowladnimada si fiican u yaqaan, dhowrana ku dhaqanka sharciga, kala dambeynta, ixtiraamana masuuliyiinta ay wada shaqeynta ka dhexeysa taasna macnaheedu ma ahan inuu taageersan yahay Xasan Sheekh, cid kasta oo musuuliyadaasi qabatana sidaas ayuu ula shaqeyn doonaa.
Guushani waxay ku timid kalsooni xildhibaanada qaarkood ku qabeen Guddoomiye Jawaari, taageero cod oo ka timid xildhibaano ka cabsi qabo in haddii Xildhibaan Xiddig soo baxo saami qeybsiga awoodda beeshooda ee xubnaha sare meel loogaga dhacayo iyo musharaxiin kale oo daneynayey.
Hadaba qiyaas, saami intee le’eg ayey taageerayaasha musharax Madaxweyne Xasan Sheekh ka noqon karaan inta u codeysay Gudoomiyaha, runtii ma badna mana la oran karo guushani waxay saadaal u noqon kartaa inuu guuleysto Madaxweyne Xasan oo culeys weyn ka heysto isbaheysiga musharaxiin madaxweynaha oo ay Ku jiraan rag miisaan culus Ku leh bulshada iyo baarlamaanka dhexdiisa oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali, Sh. Shariif, Farmaajo, Cumar Cabdirashiid, Shariif Xasan iyo rag kale oo badan.
Laakiin waxaan marna la inkiri karin saameynta dhabta ay ku yeelan doonto Musharax Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud doorashada guddoomiye Ku xigeenka1aad ee berri uu ka qeybgali doono jaalkiisa Xildhibaan Faarax Sh. Cabdiqaadir waana u laba-geeriyood guul iyo guuldaraba.
W/Q: Maxamed Goodir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you