Friday, April 19, 2024

Haddii ‘Deni’ u tartamayo madaxnimada Somaliya waa inuu sheegaa xilkana wareejiyaa (Qormo)

-

- Advertisement -

Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Puntland oo bandhigay wixii ka dhacay Doorashadii Dadbaneyd ee Puntland, soona jeediyay tallooyin xasaasi ah

W/Q: Guled Salah

Bismillaah.

Doorashadii xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matalayay Puntland way soo idlaalatay iyada oo ay ku xeeranyihiin tabashooyin badan. Waxa iiga baxay iyo talooyin kooban ayaan qodobada hoose kusoo koobay:

- Advertisement -

1. Doorashadu uma qabsoomin si furan oo hufan, kursi walba bannaanka hoolka doorashada ayaa lagusoo xulay iyadoo aan la ogolaan in lala tartamo qofka la xushay.

2. Doorashadu muddadii ay socotay waxay dawladdu ku bixisay malaayiin doollar iyada oo ay Puntland ka jirto abaaro ba’an, sicir barar, adeegyadii arrimaha bulshada oo hooseeya iyo mashaariicdii kaabayaasha dhaqaalaha ee iskutashiga lagu waday oo wada qabyo ah.

3. Xubnaha labada aqal ee soo baxay eed kuma leh hannaanka lagusoo doortay/xushay, waxaase horyaalla masuuliyad wayn sidii ay dadka Soomaaliyeed ugu adeegi lahaayeen matalaad dhab ahna ugu samaynlahaayeen Puntland. Reer Puntland waxay idin ku qiimayndoonaan sida aad ugu matashaan aqalada aad ka tirsantihiin.

4. Waxaa dhaawac soo gaaray wadajirkii bulsho maadaama koox kooban faramaroojisteen hannaankii doorasho, si ka baxsan sharciyadda iyo habraacyadii doorashada. Hurgumooyinka ka dhashay doorashada waxay ubaahanyihiin in laga dhayo hogaanka bulshada gaar ahaan dhaqanka laga hor-istaagay kaalintii ay ku lahaayeen hannaanka iyo aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta mudnaa in ay tartamaan ee laga xirtay.

5. Masuuliyiinta dawladda ee gacmahoodu ku wasaqoobin boobka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Kuxigeenku waxaa u furan kaalin ay hormuud unoqdaan dhaayidda hurgumooyinkaas ka dhashay doorashada si looga baaqsado inuu sii fido tararka galay wadajirka bulshada.

6. Masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda Puntland ayaa Madaxweynuhu u xushay inay ka mid noqdaan xubnaaha Baarlamaanka Federaalka, arrintaani waa ugub waxayna umuuqataa in la furfurtay hay’adihii dawlagi ahaa loona ekeysiiyay sallaan lagu fuulo jagooyinka federaalka.

7. Haddii Madaxweynuhu u tartamayo madaxnimada Soomaaliya waa in uu bulshada sidaas u sheegaa xilkana wareejiyaa si aysan u imaan firaaq dastuuri ah, shaqooyinka dawladuna uga baxaan hakadka haystay muddadii doorashadu socotay. Damaca gaarka ah iyo dawladnimada Puntland kalasaaris ayay u baahantahay.

- Advertisement -

8. Bulshada reer Puntland waxay soo mareen xaalado ka adag tan maanta taagan, waxaana looga soo gudbay dulqaad, tanaasul, iskuduubni iyo iskutashi. Tabasho kasta oo jirta waa muhiim in hoggaanka bulshada ee leh dhaqan, culimo, siyaasiyiin, ganacsato iyo aqoonyahanba ay u jiheeyaan bulshada sidii wadajirka iyo xasiloonida loo ilaashan lahaa.

Wabillaahi Tawfiiq.

W/Q: Guled Salah
Guddoomiyihii is-casilay ee Guddiga Doorashooyinka madaxa bannaan ee Puntland

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Howlgalkii xaafadda Dab-damiska oo la hakiyay iyo Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay

Howlgal la fuilayay in laga kiciyo xerada Dab-damiska ee Booliska magaalada Muqdisho ayaa la hakiyay, kadib markii uu soo faragliyey Madaxweynaha Galmudug.Axmed Cabdi Kaariye...

Yuhuudda oo weerartay Dalka Iran iyo Warar is khilaafsan oo kasoo baxaya..

Israa’iil ayaa Saaka waaberigii weerar ku qaaday Bartamaha dalka Iran, sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka iyo Yuhuudda, waxaana jira warar is khilaafsan oo...

Taliyihii Ciidamada Cirka Kenya iyo Saraakiil Sare oo ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed

Taliyihii ciidmada Cirka dalka Kenya ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday kadib markii ay burburtay Diyaarad Helikobatar ah oo uu saarnaa gudaha Kenya.Madaxweynaha dalka...

Ciidamada Amniga Dowladda Somaliya oo xiray Weriye caan ka ah Baraha Bulshada

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Weriye ka mida kuwa baraha bulshada oo si weyn uga hadla xaaladda ciidamada dowladda iyo dhibaatooyinka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir ugu yeeray Siciid Deni iyo madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan iskugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada, kadib casuumaad qoraal ah oo uu u kala diray.Madaxweynaha ayaa casuumaadda kulanka...

Askari laba Qof ku dilay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin laga helay Sababta

Nin hubeysan oo la sheegay inuu ka mid yahay askarta dowladda, isla markaana ku lebisnaa Dareyska ciidamada ayaa maanta xaalad ka tirsan degmada Dayniile...

Dagaal ka dhex qarxay Ciidamada Amxaarada iyo kuwa Tigreega ee dalka Itoobiya

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in inuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada kala taabacsan maamullada Amxaaradda iyo Tigreega.Dagaalka maleeshiyooyinka Amxaarada iyo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Qorsheyaasha uu xambaarsan yahay Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sodaal shaqo ku gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.Socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayey madaxtooyada Soomaaliya...

XOG: Qodobadda Madaxweyne Xasan Sheekh ka tanaasulay & Qodobka uu ku tiirsan yahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo olole ugu jiray dhammeystirka Dastuurka KMG ah ayaa ka tanaasulay laba Qodob oo xasaasi ahaa, kana mid ahaa...

XOG: Khilaaf ka dhashay Nuqulka ugu danbeeya ee la ansixinayo 4-ta cutub Dastuurka Cusub

Kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ee la filayay in maanta lagu ansixiyo 4 cusub oo ka mida Dastuurka KMG ah ayaa dib...

Tegista Farmajo ee Garowe iyo Isbaheysiga cusub ee Mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh

Iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee wax ka bedelak Dastuurka ayaa waxaa soo baxaya dadaaladii ugu danbeeyay ee dhinacyada iska horjeeda.Madaxweynihii hore Maxamed...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you