Tuesday, July 22, 2025

Hal-xiraalaha koowaad ee horyaalla Madaxweyne Farmaajo: Xulashada Wasiirka Koowaad (Faallo)

-

Looma kala harin soo dhoweyntiisa, muujinta jaceylka loo qabo iyo sida dadku guud ahaan u doonayeen inuu isbedel dhaco, siiba inuu madaxweyne noqdo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Damaashaadku wuxuu gaaray “AR FARMAAJO II GEEYA…” soo dhoweyntu waxay gaartay in sarifka Doolarku hoos u dhaco, shilinkii Soomaaliga ahaana u maleeyo inuu helay dowlad dib ula wareegta xanaaneyntiisa, Kalsooniduna waxay mareysaa in ciidan iyo shacab ay is dhex galaan.

Waxaas oo dhan waa caadi inay dhacaan, maxaa yeelay dadka uu madaxweynaha u noqday Farmaajo waa kuwo ka niyad jabay SIYAASI oo dhan, soona tijaabiyay Hogaamiye kooxeed, Wadaad, Askari iyo rayid oo kulligood ku fashilmay inay dalkan hore u wadaan oo halkii hiraalku ahaa geeyaan.

Damaashaadyadu ma dhammaan, dadka gudaha toddobaad gudihiis ayay ku daali doonaan, jaaliyaddaha dibadda ayaa kala wareegi doona oo bil iyo ka badan sii wadi doona xaflado iyo soo dhoweynta madaxweynaha la doortay laakiin xaqiiqadu aad ayay uga duwan tahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya uma sahlana sida loo wada raadinayo, dal xaaladiisu sida Soomaaliya oo kale tahayna laguma hogaamin karo shacbiyad iyo damaashaad qura. Villa Somalia waxay liqday rag badan oo iyagoo u hamuun qaba kursigan sii joogi waayay.

Farmaajo imtixaanka koowaad ee horyaala wuxuu la bilowday intuu musharax ahaa, wuxuuna socon doonaa muddo bil ah oo ka bilaabata markii la dhaariyay, haddii aanu waqti kale u baahan.

Hal-xiraalaha horyaala madaxweynaha la doortay wuxuu noqon doonaa sidii uu u magacaabi lahaa iyo qofka uu ka dhigi lahaa WASIIRKA KOOWAAD ee xukuumadda Soomaaliya. Waa halka dowladiisu ka toosi doonto ama u dhutin doonto.

Waa halka ay dowlado badan oo hore ka naafoobeen, waxqabadkooduna u noqday mid lagu hungoobay, waxaa la wada sugayaa go’aanka ugu horeeya ee masiiriga ah oo uu qaadan doono Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo shaqsiga uu u soo xulan doono inuu hogaamiyo waaxda fulinta ee dowladda cusub.

Musharaxiintu ka yara, beelaha is heysta ee wada doonaya ma aha kuwo la kala sooci karo, waxayna noqon doontaa mid madaxweynaha lagu qiimeyn doono halka ay gaarsiisan tahay qaangaarnimadiisa siyaasadeed iyo miisaankiisa qofnimo.

Marka aad eegto dhalinyarada ku wareegsan Farmaajo ee khibradoodu aadka u yar tahay waxaad u maleyneysaa in xilkani ka weyn yahay, mar kalena waa lagu doodi karaa inay mudan yihiin in fursad la siiyo meeshii ay la gaartaba.

Dadka faraha badan ee hor tuban xafiiska madaxweynaha cusub iyo kulamada aan dhammaadka lahayn ee habeen iyo maalin socda waxaa intooda badan lagu doonayaa xilal siyaasadeed, waxayna kuwa u ordaya u badan yihiin kuwii hore u rogay dowladihii isaga danbeeyay dalka ee raadkoodu sii muuqdo.

FAALLADDA GOOBJOOGE.COM

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you