Saturday, August 2, 2025

Hala Daawado Riwaayadda Farmajo iyo Jen. Biixi Allifeen oo ay rabaan in Jeneral Xuud Matalo (Qormo)

-

Shanta Ujeedo ee Farmaajo iyo Fahad ugu Gacan haatiyeen Jeneraal Xuud

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

Dad badan ayaa aad ula yaabay, uga carooday, madax xanuun ka qaaday Riwaayada “gacma is qabsiga korka loo taagay” ee dhexmaray Jeneral Abukar Xaaji Warsame, loo yaqaan Jeneral “Xuud,” Hoggaamiyaha Jabhadda Xoreynta Hiiraan (JXH) iyo Ergo Saraakiil Militeri ah, uu hoggaaminayo Jeneral Maxamed Tahlil Biixi, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya ee ka socota Maxamed Cabdullahi Farmajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, haseyeeshe inkiray.

Sababta JXH ka dhalatay waxay tahay in Magaalo Madaxda DG Hirshabelle Jowhar iyo Jagada Madaxweynaha isla qaadeen Beesha Mudullood, taaso khilaafsan awood qaybsiga lagu dhisay DG Hirshabelle oo ahaa in Jagada Madaxweynaha u tartanto Beesha Xawaadle. Sidaa darted, JXH waxay ka soo horjeesatay Maamulka DG Hirshabelle ay Madaxda ka yihiin Madaxweyne Cali Cabdullahi Xussein “Cali Guudlaawe,” iyo Madaxweyne Ku Xigeen Yusuf Ahmed Hagar, “Dabageed.”

Fidnada waxaa abuuray Farmajo iyo Fahad Yaasin oo qorsheeyay in DG Hirshabelle Madaxweyne uga dhigaan shakhsi daba dhilif u ah ee taagersan Xukun Boobkooka. Jeneral Xuud waxaa loo diiday inuu ka qayb galo tartanka doorashada Madaxweynaha asagoo aaminsanaa in reerkiisa u leeyahay qoondo, kaddibna wuxuu abaabulay JXH oo diiday in Madaxweyne Cali Guudlaawe tago, lagu caleemo saaro Beletweyne.

Farmajo iyo Fahad waa ku faraxsanaayeen in Madaxweyne Cali Guudlaawe loo diido Beletweyne, waxayna ku talagaleen in khilaafka Hirshabelle ku kallifo Cali Guudlaawe iyo Yusuf Dabageed inay daba dhilif u ahaadaan Farmajo iyo Fahad iyo in khilaafka Hirshabelle caqabad ku noqdo qabashada doorashada federaalka ama sahlo boobka kuraasta loo asteeyay DG Hirshabelle, hadba middii suuragal noqota.

Farmajo iyo Fahad waxay ku dadaaleen inay fashiliyaan iskuday kasta ee lagu xallinayo cabashada reer Hiiraan ay ula kaca u abureen. Siyaasiyiinta Mudullood oo ka carayaya in shakhsi aad u xun ee Mudullood u dhashay laga dhigo Madaxweynaha Hirshabelle, isla markaana ka cabbir qaatay hagardaamada Farmajo iyo Fahad wadaan, waxay taageeren Cali Guudlaawe, taaso aysan ku khasaarin ilaa hadda beel ahaan, haseyeeshe dhishay Karaamada iyo walaaltinnimada Shacabka Hirshabelle iyo taabbagalka dowladnimada Soomaaliya.

RW Maxamed Xussein Roble, Wasirka Arrimaha Gudaha Jeneral Mukhtar Xussein Afrax oo ka soo jeeda Hiiran, Madaxweyne Cali Gudlaawe, Madaxweyne ku Xigeen Dabageed iyo Waxgaradka Beesha Hawiye oo DG Hirshabelle deggan, waxay ku guuldareysteen inay si ka madaxbannaan Farmajo iyo Fahad uga taliyaan dhibaatada Hirshabelle.

Farmajo iyo Fahad waxay ku guuleysteen inaysan socon talo macquul ah ee lagu daaweynayo khilaafka DG Hirshabelle, taaso Jeneral Xuud ku qancisay in Madaxda Hawiye aysan haysan, heli karin fursad iyo awood iyo xeelad ay ku xalliyaan khilaafka Hirshabelle. Isla markaa, waqtiga la joogo ma muuqdo hab Farmajo iyo Fahad iyo Jeneral Biixi ku xallin karaan khilaafka gaamuray ee ay abuureen, laguna xaqiijin karo ujeedada bartilmaameedka u ah JXH iyo Jeneral Xuud.

Sidaa darted, waxaa muhiim ah in si miyir leh loo daawado riwaayada Farmajo iyo Jeneral Biixi allifeen oo ay rabaan in Jeneral Xuud matalo, lana horboodin ilaa laga gaarayo gunaanadka riwaayda.

Fashilka Farmajo iyo Fahad ku dhacay kaddib markay la dagaalameen RW Roble wuxuu ku kallifay inay maciin bidaan Jeneral Biixi oo xiriir la sameeyeen Jeneral Xuud oo gacan haatis suga ahaa.

Hadalka Jeneral Xuud siiyay warbaahinta waxaa ka muuqda in loo sheegay sheekooyin damac iyo dareen sare geliyay ama inuusan qiimeyn qoto dheer ku sameyn halgankiisa. Ujeedooyinka Farmajo iyo Fahad iyo Jeneral Biixi ugu gacan haatiyeen Jeneral Xuud waxay noqon karaan:

1. Karaamo ka qaaidda RW Roble, Wasiir Mukhtar, Cali Guudlaawe, iyo Yusuf Dabageed.

2. Ka faa’ideysigiisa si loo abuuro tuhun iyo khilaaf cusub oo carqaladeeya doorashada iyo sumcadda bulshada deegaanka Hirshabelle, gaar ahaan beelaha Mudullood iyo Xawaadle.

3. Ku qancinta Beesha Caalamka in Farmajo saameyn ballaaran ku leeyahay DG Hirshabelle.

4. Ku tumashada dastuurka iyo go’aanka Golaha Wadatashiga Qaranka oo faraya in Ciidammada Qalabka Sida aysan ka qayb gelin arrimo dowladeed ee ka baxsan xilkooda, sida ka qaybgalk siyaasadda.

5. Abuuritaanka ficilo iyo xamaasado qabiil madaama Farmajo u diray Hiiraan Jeneral Biixi oo ay isku jufo yihiin, isla markaana ah Taliyaha Ciidammada Lugta.

Waxaa aheyd dambi in Jeneral Biixi oo isticmaalaya hantida iyo waqtiga dadweynaha Soomaaliyeed lacagata ku siiyo ka sheegay BBC inuu iskiisa isu soo diray Beletweyne si uu u xalliyo arrinta JXH. Shacabka Soomaliyeed wuxuu hadalkaas u qaatay meel ka dhac weyn.

Dib u heshiisiinta shacabka soomaaliyeed waxaa mas’uul ka ah Wasiiirka Arrimaha Gudaha Jeneral Mukhtar. Jeneral Biixi wuxuu Jenaal Xuud u geeyay Farmajo, taaso caddeyneysa beenta iyo meel ka dhaca Jeneral Biixi.

Khilaafka Hirshabelle waxaa abuuray, isla markaana hortaagna xallintiisa Farmajo iyo Fahad. Waxay u badan tahay in Farmajo rabo in Hiiraan ka abuuro sheeka xariirtii uu ka abuuray Gobolka Benadir oo Farmajo yiri hala siiyo 13 kursi oo Aqalka Sare.

Waxaan qiyaasaya in Jeneral Abukar Xuud ka dheregsan yahay hagardaamada iyo daneysiga Farmajo macallimka ku yahay. Cagta ha loo dhigo gebidhacleynta iyo xishood la’aanta Farmajo oo xarga goosatay.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you