Sunday, May 29, 2022

Hala Daawado Riwaayadda Farmajo iyo Jen. Biixi Allifeen oo ay rabaan in Jeneral Xuud Matalo (Qormo)

-

- Advertisement -

Shanta Ujeedo ee Farmaajo iyo Fahad ugu Gacan haatiyeen Jeneraal Xuud

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

Dad badan ayaa aad ula yaabay, uga carooday, madax xanuun ka qaaday Riwaayada “gacma is qabsiga korka loo taagay” ee dhexmaray Jeneral Abukar Xaaji Warsame, loo yaqaan Jeneral “Xuud,” Hoggaamiyaha Jabhadda Xoreynta Hiiraan (JXH) iyo Ergo Saraakiil Militeri ah, uu hoggaaminayo Jeneral Maxamed Tahlil Biixi, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya ee ka socota Maxamed Cabdullahi Farmajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, haseyeeshe inkiray.

Sababta JXH ka dhalatay waxay tahay in Magaalo Madaxda DG Hirshabelle Jowhar iyo Jagada Madaxweynaha isla qaadeen Beesha Mudullood, taaso khilaafsan awood qaybsiga lagu dhisay DG Hirshabelle oo ahaa in Jagada Madaxweynaha u tartanto Beesha Xawaadle. Sidaa darted, JXH waxay ka soo horjeesatay Maamulka DG Hirshabelle ay Madaxda ka yihiin Madaxweyne Cali Cabdullahi Xussein “Cali Guudlaawe,” iyo Madaxweyne Ku Xigeen Yusuf Ahmed Hagar, “Dabageed.”

- Advertisement -

Fidnada waxaa abuuray Farmajo iyo Fahad Yaasin oo qorsheeyay in DG Hirshabelle Madaxweyne uga dhigaan shakhsi daba dhilif u ah ee taagersan Xukun Boobkooka. Jeneral Xuud waxaa loo diiday inuu ka qayb galo tartanka doorashada Madaxweynaha asagoo aaminsanaa in reerkiisa u leeyahay qoondo, kaddibna wuxuu abaabulay JXH oo diiday in Madaxweyne Cali Guudlaawe tago, lagu caleemo saaro Beletweyne.

Farmajo iyo Fahad waa ku faraxsanaayeen in Madaxweyne Cali Guudlaawe loo diido Beletweyne, waxayna ku talagaleen in khilaafka Hirshabelle ku kallifo Cali Guudlaawe iyo Yusuf Dabageed inay daba dhilif u ahaadaan Farmajo iyo Fahad iyo in khilaafka Hirshabelle caqabad ku noqdo qabashada doorashada federaalka ama sahlo boobka kuraasta loo asteeyay DG Hirshabelle, hadba middii suuragal noqota.

Farmajo iyo Fahad waxay ku dadaaleen inay fashiliyaan iskuday kasta ee lagu xallinayo cabashada reer Hiiraan ay ula kaca u abureen. Siyaasiyiinta Mudullood oo ka carayaya in shakhsi aad u xun ee Mudullood u dhashay laga dhigo Madaxweynaha Hirshabelle, isla markaana ka cabbir qaatay hagardaamada Farmajo iyo Fahad wadaan, waxay taageeren Cali Guudlaawe, taaso aysan ku khasaarin ilaa hadda beel ahaan, haseyeeshe dhishay Karaamada iyo walaaltinnimada Shacabka Hirshabelle iyo taabbagalka dowladnimada Soomaaliya.

RW Maxamed Xussein Roble, Wasirka Arrimaha Gudaha Jeneral Mukhtar Xussein Afrax oo ka soo jeeda Hiiran, Madaxweyne Cali Gudlaawe, Madaxweyne ku Xigeen Dabageed iyo Waxgaradka Beesha Hawiye oo DG Hirshabelle deggan, waxay ku guuldareysteen inay si ka madaxbannaan Farmajo iyo Fahad uga taliyaan dhibaatada Hirshabelle.

Farmajo iyo Fahad waxay ku guuleysteen inaysan socon talo macquul ah ee lagu daaweynayo khilaafka DG Hirshabelle, taaso Jeneral Xuud ku qancisay in Madaxda Hawiye aysan haysan, heli karin fursad iyo awood iyo xeelad ay ku xalliyaan khilaafka Hirshabelle. Isla markaa, waqtiga la joogo ma muuqdo hab Farmajo iyo Fahad iyo Jeneral Biixi ku xallin karaan khilaafka gaamuray ee ay abuureen, laguna xaqiijin karo ujeedada bartilmaameedka u ah JXH iyo Jeneral Xuud.

Sidaa darted, waxaa muhiim ah in si miyir leh loo daawado riwaayada Farmajo iyo Jeneral Biixi allifeen oo ay rabaan in Jeneral Xuud matalo, lana horboodin ilaa laga gaarayo gunaanadka riwaayda.

Fashilka Farmajo iyo Fahad ku dhacay kaddib markay la dagaalameen RW Roble wuxuu ku kallifay inay maciin bidaan Jeneral Biixi oo xiriir la sameeyeen Jeneral Xuud oo gacan haatis suga ahaa.

- Advertisement -

Hadalka Jeneral Xuud siiyay warbaahinta waxaa ka muuqda in loo sheegay sheekooyin damac iyo dareen sare geliyay ama inuusan qiimeyn qoto dheer ku sameyn halgankiisa. Ujeedooyinka Farmajo iyo Fahad iyo Jeneral Biixi ugu gacan haatiyeen Jeneral Xuud waxay noqon karaan:

1. Karaamo ka qaaidda RW Roble, Wasiir Mukhtar, Cali Guudlaawe, iyo Yusuf Dabageed.

2. Ka faa’ideysigiisa si loo abuuro tuhun iyo khilaaf cusub oo carqaladeeya doorashada iyo sumcadda bulshada deegaanka Hirshabelle, gaar ahaan beelaha Mudullood iyo Xawaadle.

3. Ku qancinta Beesha Caalamka in Farmajo saameyn ballaaran ku leeyahay DG Hirshabelle.

4. Ku tumashada dastuurka iyo go’aanka Golaha Wadatashiga Qaranka oo faraya in Ciidammada Qalabka Sida aysan ka qayb gelin arrimo dowladeed ee ka baxsan xilkooda, sida ka qaybgalk siyaasadda.

5. Abuuritaanka ficilo iyo xamaasado qabiil madaama Farmajo u diray Hiiraan Jeneral Biixi oo ay isku jufo yihiin, isla markaana ah Taliyaha Ciidammada Lugta.

- Advertisement -

Waxaa aheyd dambi in Jeneral Biixi oo isticmaalaya hantida iyo waqtiga dadweynaha Soomaaliyeed lacagata ku siiyo ka sheegay BBC inuu iskiisa isu soo diray Beletweyne si uu u xalliyo arrinta JXH. Shacabka Soomaliyeed wuxuu hadalkaas u qaatay meel ka dhac weyn.

Dib u heshiisiinta shacabka soomaaliyeed waxaa mas’uul ka ah Wasiiirka Arrimaha Gudaha Jeneral Mukhtar. Jeneral Biixi wuxuu Jenaal Xuud u geeyay Farmajo, taaso caddeyneysa beenta iyo meel ka dhaca Jeneral Biixi.

Khilaafka Hirshabelle waxaa abuuray, isla markaana hortaagna xallintiisa Farmajo iyo Fahad. Waxay u badan tahay in Farmajo rabo in Hiiraan ka abuuro sheeka xariirtii uu ka abuuray Gobolka Benadir oo Farmajo yiri hala siiyo 13 kursi oo Aqalka Sare.

Waxaan qiyaasaya in Jeneral Abukar Xuud ka dheregsan yahay hagardaamada iyo daneysiga Farmajo macallimka ku yahay. Cagta ha loo dhigo gebidhacleynta iyo xishood la’aanta Farmajo oo xarga goosatay.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Weriye shaaciyey in loo magacaabay Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya

Weriye iyo guddoomiye hore oo degmo C/kariin Cali Kaar ayaa shaaciyey inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacabaay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya. Qoraal uu soo saaray...

Hanti-dhowrka oo baaritaan ku bilaabay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee shaqada laga joojiyey

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ayaa baritaan ku bilaabay kiiska shaqada looga joojiyey wasiirka arrimaha dibadda ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdi-Saciid Muuse Cali. Wasiirka oo ka mid...

Askari ka mid ahaa ilaalada Gaarka ah ee Cumar Filish oo Muqdisho lagu dilay

Waxaa magaalada Muqdisho goor dhoweyd lagu dilay mid ka mida ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish). Waxa toogasho lagu...

24 ka mida Culimada Somaliland oo Baaq Culus kasoo saaray Xiisadda ka taagan Doorashada

Culimada Somaliland ayaa baaq culus kasoo saaray xaaladda khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliand iyo xiisadda kacsan ee ka dhalatay Doorashada maamukaasi. 24 ka mida...

Mas’uulkii fududeeyay Qarixii Diyaaradii Daallo Airlines oo Geeriyooday ( Sawirro)

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Madaxii hore ee Amniga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Cabdiweli Maxamed Macow, kadib xanuun soo wajahay xilli uu...

Caaalimkii weynaa Sheekh Cali Warsame oo Geeriyooday iyo Mas’uuliyiin Tacsi u diray

Waxaa dalka Jordan ku geeriyooday Allaha u naxariistee caalimkii Sheekh Cali Warsame oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed. Sheekha ayaa ka mid ahaa culimadii ugu...

Amniga Magaalada Beledweyne oo kasii daraya iyo Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay

Xaaladda Amniga magaalada Beledweyne ayaa sii xumaaneysa iyadoo ay muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhaceen falal lagu dilay waxgarad iyo saraakiil ka tirsa ciidamada. Koox...

XOGAHA QARSOON

Hanti-dhowrka oo baaritaan ku bilaabay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee shaqada laga joojiyey

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ayaa baritaan ku bilaabay kiiska shaqada looga joojiyey wasiirka arrimaha dibadda ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdi-Saciid Muuse Cali. Wasiirka oo ka mid...

Maxaa ka khaldan in Mahad Salaad loo ansixiyo Xilka Agaasimaha Hay’adda NISA..?

Golaha Wasiirada Xukuumadda Xilgaarsiinta ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ansixiyey soo jeedin la sheegay inay ka timid Wasiirka sii haya xilka Wasaaradda Amniga...

Muuse Biixi oo ku socda xeeladihii Muddo kororsiga ee Maxamed Farmaajo (Akhriso)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyay inuu doonayo muddo kororsi uu xafiiska kusii joogo kadib Novembar 2022 o ay ku egtahay middo...

XOG: Wasiirkii labaad ee saaxiib la ahaa Farmaajo oo lagu helay Musuqmaasuq iyo Su’aal taagan

Waxaa sii xoogeysanaya falalka ku taker-falka awoodda dowladda iyo musuqmaasuq ay ku kaceen wasiirada xukuumadda xilgaarsiinta xilligii kala guurka, iyagoo ka faa'iideysanaya xaaladdu dalku...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!