Monday, July 28, 2025

Halkee ku danbeysay xuquuqdi Shirkadda RAJO CONSTRUCTION uga maqneyd dowladda Federaalka?

-

MAXAY TAHAY SABABTA KEENTAY IN RAJO CONSTRUCTION XUQUUQDEEDA KU MAQAN DOWLADDA AY HELI WAYSO!?

LA SOCODSIIN ARRIMO MUHIIM AH SHACABKA IYO DOWLADDA CUSUB!

MADAXWEYNA FARMAAJO IYO GUDD. THAABIT MAXAY KA YIRAAHDEEN CADDAALAD-DARRADA KA JIRTA DALKA!?

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo wuxuu sheegay inuu la socdo inay jirto caddaalad-darro laga qabo dhanka Garsoorka, isagoo ballan qaaday in dowladdiisu ay wax badan ka qaban doonto.

“Dowladdaydu waxay culays weyn saari doontaa dib u soo noolaynta caddaaladda, waxaana cod dheer ku sheegayaa in ay jiraan qorshooyin lagu soo celinayo caddaaladdii luntay” ayuu yiri Madaxweynaha oo sheegay inay ka go’an tahay ka miro dhalinta caddaaladda waayo ayuu yiri dal iyo dad aan haysan caddaalad waxay ka dhigan yihiin wax aan jirin, “

Caddaalad-darrida ka jirta dalka waxaan kala xisaabtami doonaa shaqsiyaadka ka mas’uulka ah hay’ada khuseeya garsoorka dalka”

Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Thaabit oo ka hadlayay xaflad si weyn loogu taageerayay Guddoomiyanimadiisa ayaa sheegay in caddaaladda ay saldhig u tahay Ammaanka iyo horumarka dalkaba, wuxuuna caddeeyay in ay wax weyn ka qaban doonaan sidii caddaaladda loo soo celin lahaa.

HALKEE KU DAMBEYSAY DACWADDII BURBURKII WARSHADDII RAJO CONSTRUCTION AND TRANSPORTATION!?

LA YAABKA Video hoos ka daawo.

Waxaa Shirkadda Rajo Construction and Transportation Dhidibada loo taagey Bishii Abriil 10-keedii 2013, waxaana Munaasabadii lagu furayey oo ka dhacdey Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho ka qayb galey Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Xildhibaano, iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada , waxayna Warshadan noqotey Warshaddii ugu horreysey oo nooceeda ah lagana furo Dalka , waxayna ku soo beegantey Xilli Madaxweyne Xasan Shiikh uu Qurba Joogta u jeediyey Baaq ah in ay Dalkooda Maalgashadaan, waxayna Warshadaan Maalintii soo saareysey Kumanaan Kun oo Bulukeeti oo Casri ah iyo Dhagax loo yaqaan Inter-Lock ee Guryaha iyo Hareeraha Wadooyinka la dhigto iyo qaybaha kala duwan ee qalabka dhismaha guryaha iyo waddooyinka.

Hadaba Warsaxaafadeedkii ay soo saareen Masuliyiinta Shirkada uu u Qornaa Sidatan”

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM.

Annagoo ah Mas’uiuliyiinta Shirkadda Rajo Construction and Transportation waxaan halkan ku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah kuwii ugu muhiimsanaa Document rasmi ah oo caddaynaya heerarkii kala duwanaa oo ay soo martay dacwaddii ku saabsanayd dhulkii ay Shirkaddu degganayd, kuna shaqaynaysay ka hor inta aan la burburin dhammaan qalabkii shirkadda Rajo Construction iyo go’aannadii qaybaha Amniga iyo Caddaalladda ee dowladda.

“Waxa keenay in aan Warsaxaafadeedkii 3-aad ku soo beegno oo aan la sugno dowladda cusub inta ay 100 maalmood u buuxsamayso waxay tahay inay sal dhigato, hay’adaha dowladdana ay gaaraan xilli ay cabashooyinka iyo dhibaatooyinka faraha badan ee jira ay wax ka qaban karaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Shirkadda Abdiaziz Mohamed Hassan ahna maamulaha AYAAMAHA Press and Printing (APP) oo sheegay inuu rajo weyn ka qabo magdhowgooda inay si dhaqso leh u helaan.

“Sababta keentay in RAJO CONSTRUCTION ay xuquuqdeeda ku maqan dowladda muddo ku dhow 4 sanadood ay heli wayso, waa arrin is weydiin mudan oo runtii aad loola yaabo in la ogaadana ay muhiim tahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Shirkadda oo sheegay in baaritaannadii ay sameeyeen hay’adihii dowladda ee ku shaqada lahaa dhammaantood ay caddeeyeen in dowladda xaq loogu leeyahay inay magdhowga bixiso.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaba waxaan u caddaynaynaa haddii aan nahay Mas’uuliyiinta Shirkadda Rajo Construction in si qalad ah oo aan sharciga waafaqsanayn loo burburiyay Hantideenii waana kuwan qaybo ka mid ah caddaymihii;

CADDEYN DUKUMENTIYO MUHIIM AH!

FIIRO GAAR AH; Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Shirkadda Rajo Construction waxa aan aad uga xunnahay annagoo noqonay Shirkaddii ugu horreysay ee ka jawaabta baaqii Madaxweynaha iyo Dowladdaba ee ahaa in Qurbo-joogta ay maalgashadaan dalkooda, weliba shirkaddeena ay si gaar ah ugu hawlanayd dib u dhiska dalka maadaama qalabka iyo Warshaddaba ay ahayeen kuwa dib loogu dhisayo dalka, haddana ay dowladdii sababsato, si aan sharci ahayn u burburiso.

CODSI; Waxaan ka codsanaynaa dowladda, gaar ahaan Madaxweyne, Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, mag-dhowga xaqa loogu yeeshay dowladda in si dhaqso leh na loo siiyo, sababtoo ah way dheeraatay dacwaddeena wayna 4 jirsatay!

LA YAABKA Video hoos  ka daawo markii ay ay shaqeyneysey Warshad Rajo Construction and Transportation iyo markii la Burburiyey

https://www.youtube.com/watch?v=-M4FSBqRw5Q

Mahadsanidiin

Guddoomiyaha Shirkadda Rajo Construction 

Abdiaziz Mohamed Hassan

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you