Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu xusaayay Maalinta Caalamiga ah ee dhameynta la Xisaabtan la’aanta Xad gudubyada loo geysanayo Wariyaasha oo Maanta oo kale 2 November laga xuso Caalamka.
Munaasabada Waxaa soo agaasimay Hay’adda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, Waxaana ka qeyb galay Xildhibaano, Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya, qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha Dalka, Xubno ka socday SOSCENCA, qorayaal Soomaaliyeed, Madax iyo Wariyaal ka socday Xarumaha Warbaahineed ee Muqdisho.
Ugu horeyn waxaa Munaasabada ka hadlay Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ah Xoghayaha Guud ee Hay’adda SOMA, Waxa uuna ka sheekeeyay ahmiyada maalintaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan suurta gal ahayn in mar kasta la dhibaateeyo Wariyaasha gaar ahaan Wariyaasha Soomaaliyeed.
Sidoo kale Waxaa Munaasabada ka hadlay qaar ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed ee 25 sano ugu dambeysay ka shaqeynaayay soo saarista iyo qorida Wargeysyada dalka ka soo bixi jiray, waxayna dardaaran u jeediyay Wariyaasha Soomaaliyeed.
C/raxmaan Yuusuf Al Cadaala oo ka socday Wasaarada Warfaafinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la ogaado Cida cadowga ku ah Saxaafada ee mar walbo Wariyaasha dhibaatada u geysaneysa.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Wariyaasha Soomaaliyeed loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan hormarinta Dalka.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka soo xeray ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahmiyada Maalintaan.
Waxa uu dardaaran iyo talooyin siiyay Wariyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka howlgala Muqdisho, uguna baaqay iney Dowlad Wanaaga iyo Nabadeynta ka shaqeeyaan.
DAAWO SAWIRRO