Agaasimaha Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho Abwaan Cismaan C/llaahi Guure ayaa farriin qoraal ah ku weeraray saxafiyiin caana oo lagu tuhunsan yahay inay Alshabaab la shaqeeyaan.
Waxaa qoraalka ku lifaaqan sawirka weriye Hamza Mohamed oo u shaqeeya telefishanka Aljazeera oo la jooga afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere iyo Sarkaal kale oo wada qoslaya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA ABWAAN GUURE
Hello AMIIR!!!
Hello AMIIR,
Hhhh Haa Akhii Xayaa Ka laah ii waran?
Mashaa Allah Amiir waa fiicanahaye waa kuu soo socdaa inaan War kaa qaado ayaa la ii soo diray Amiir.
Waa la ii sheegay waa ku sugayaa Goormaad imaanee?
Amiir Sh Cali Mardhow ayaan LONDON ka soo baxayaa.
Waa gartay yaa ku soo raacaya?
Saaxiibadeey Fulaan iyo Ibnu Fulaan ayaa ila socda Amiir Sh Cali.
Hhhh Akhii igu Salaan Walaalaha waa idin Sugeynaa MUQDISHO markaad soo gaartaan isoo waca Akhii.
Haye Shiiqeygii waa isu imaaneynaa Laakiin Xagee Amiir.
Hhhhhhh Akhii waa ogtahay Telephone wax badan laguma sheego hhhh laakiin Aagii kama Fogi.
Haye waa runtaa Amiir Sh Cali haye!!!!
Waa yaabe Saxafiyiintaan Maxeey uga Duwanyihiin kuwa kale?!!!