Tuesday, July 29, 2025

Heshiiska Kaluumeysiga ee Shiinaha loo saxiixay: Mid Halis Badan leh [Qormo]

-

Waxaa Dhawaan Heshiis Kaluumeysiga Badeenna Wada galey Dowlada Soomaaliya iyo Shiinaha , waxaana uu heshiiskaan Shirkadaha Kaluumeysiga ee Dowlada Shiinaha u ogolaanaya in ay ka Jilaabtaan Badeena aadka u dheer oo aysan jirin Dowlad Ilaalin karta, iyadoo aan ognahay in maanta aysan jirin Ciidan Bad oo Ilaaliya Badeenna.

Hadaba Maxaa Faa’iido ah ama Khasaaro ah noogu jiraa Heshiiskaan, ma xuma in Heshiis lala galasho Shirkado Shisheeye balse lagama Fekerin Waxa Mustaqbalka ka imaan kara , waxaana ii suurta gashey in aan Xoga dhameystiran aan ka helo mid ka mid ah Dadka ku xeel dheer kaluumeysiga.
.
“Kaluunka waxaa Hoy u ah Jamalada Gunta Badda Hoosteeda halkaas ayuu ku Dhalaa islamarkaana uu ka helaa wixii Quud ee u ku noolaan karo, Balse hadii halkaas looga daba tago Kaluunka waxaa imaan kara Xaaluf iyo Dhibaatooyin kale “ ayuu yiri Khabiirkaas oo diidey in Magaciisa Warbaahinta loo isticmaalo wuxuu intaa uu ku darey.

“Shirkadaha Shiinaha hadii aad Dib u raacdo Dhaqankooda waxay soo Xaalufiyeen Wadamo badan oo ay ka kaluumeysan jireen oo ku yaal Qaarada Aasiya ka dib markii ay isticmaaleen Qalab ka mamnuuca Kaluumeysiga , Shirkadahaas marka ay Gunta Tagaan ayey waxay sameynayaan in ay Jamalada uu Kaluunka ku Hoydo ama ku Tarmo ayey ku xiraan Miinooyin , marka uu Kor u soo yaaco Kaluunka ayey Shabakadaha u dhigaan” Hadaba maxaa Dhacaya.

“Miinooyinkaas waxay Xaalufinayaan Kaluunkii halkaa ku dhalayey sidoo kale waxay ay keeneysa in ay Burburaan Jamalada oo uu ilaah halkaa ugu Diyaariyey Kaluunka Tarankiisa sidaa Darteed marka ay Burburaan Jamladaas waxaa Imaanaya Dhul Gariirka Badda oo inta badan uu ka dhaco Wadamada Aasiya ka dib markii Dhibaatooyin loogeystey Jamaladii Badda Gunteeda” ayuu yiri Khabiirkaas oo sheegey in maanta aysan jirin Dowlad Xoog badan oo ilaalineysa Badaheena waxaa uu intaa ku darey.

“Waa Shirkado lagu fasaxay Badaas Dhererka badan oo aysan jirin Ruux Soomaaliya oo la socda marka Waa Heshiis aan laga fakerin Waxa ka imaanaya Mustaqbalka marka waa heshiish aan laga fiirsan marka la fiiriyo Dhinaca Kaluumeysiga iyo Burburka Jamaladda sidoo kale waxaa kaloo Khatar ah in aan lala socon Karin Shirkadahaas waxa ay Gunta badda ay k sameyayaan Gaar haan Dhagaxaanta iyo Khayraadka kale ee Gunta Badeena Ceegaaga.

Shaqsiyan aniga waxaa Indhaheyga ku arkey Xiligii Dagaalada Sokeeye Kaluumeysato Soomaaliyeed oo Doomahooda Saaranaya Miinooyinka waaweyn ee Kaaraha lagula Dagaalamo , waxay Midda Khabiirka I soo Xasuusisey Markaan weydiiyey Kaluumeystada Soomaaliyeed in ay Miinooyinkaas u isticmalayaan in ay ku soo saaraan Kaluunka ku dhuumanaya Jamalada Hoostooda sidaa Darteed waxaa Dowlada Soomaaliyeed u soo jeedinayaa Bal in ay Dib u eegaan Heshiiskaas oo aan ogahay in uu halis ku yahay Gunta Badeena

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you