Thursday, January 29, 2026

Hogaamiyihii hore Alshabaab Zakariye Ismaciil: “Waxaan caddeynayaa maanta wixii ka danbeeya in aan xubin ka ahayn Ururka Al-shabaab”

-

Anigoo ah Zakriya Ismaaciil Xirsi – Zaki ku magac dheer, maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Jan 2015 (Talaado), Sidaad la socotaanba waxaan ahaan jiray xubin ka tirsan ururka Alshabaab oo aan masuuliyado kale duwan oo aan ka soo qabtay hogaanka sare ee ururka.

Waxaan rabaa inaan ka hadlo arimo dhowr ah oo in muddo ah soo jiitamayay, oo uu Ilaahay (Caza Wa Jalla) maanta na waafajiyay.

Hadaan dib ugu noqdo ujeedooyinkii hore ee ururku ku bilowday, oo ahaa kuwo dad badan oo niyad wanaagsan soo jiidan karay. Laakiin nasiib darro, waxaa dhacday in laga leexday ujeedooyinkaas oo ay majarahabaabiyeen shaqsiyaad watay dano gaar ah oo gurracan, faragalin iyo aragti shisheeyana aysan ka marnayn.

ZAKARIYE

Xaaladuna waxay ku danbaysay in:-
1- In laga beensheego ku dhaqankii shareecada laguna dhacay xadgudub diineed.
2- Midnimadii iyo wada tashigii ururka oo meesha ka baxay.
3- Xariirkii bulshada oo xumaaday loona turi waayay.
4- Dulmi iyo xadgudub badan oo loo geystay bulshada iyo dad badan oo ururka ka tirsanaaba.
5- In Jihaadkii la marin habaabiyay, loona rogay mid shacabkii lagu beegsado dhiigga muslimkana lagu xalaashaday.

Waxaa xaqiiqa ah in fikirkaas qaloocan uu ku koobanyahay rag fara kutiris ah oo hogaanka ururka kamid ah, waxaana jira dad badan oo an qabin arinkaas kuna qanacsanayn sida wax u socdaan.

Haddaba waxaan cadaynaayaa maanta wixii ka danbeeya in aan xubin ka ahayn Ururka Al-shabaab, mabaadiidayda iyo fikirkayga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo is-faham; oo aan ka tanaasulay inaan dagaal iyo colaad wax ku xaliyo.

Waxaan ugu baaqayaa kuna dhiiri galinayaa ragga saaxibaday ah in si wadahadal iyo nabadgalyo ah wax lagu xaliyo maadaama uu ururkii ku yimid burbur iyo kala tag, anigana halkan waxaan u imid sidii aan arinkaa uga howlgeli lahaa.

Ugu danbayn, waxaan u mahadcelinaayaa dawladda soomaaliyeed sida qadarinta iyo xushmada mudan ee ay noo soo dhaweeysay. Waxaa an aad ugu faraxsanahay in maanta ay jirto Dawlad Somaliyeed oo sharciya oo danaynaysa xuquuqda dhamaan bulshada Somaliyeed.

Waxaan halkan ka cadaynayaa in aan waxba ka jirin aragtida ay dad badan oo ururka ka mid ahi aaminsan yihiin in dawladu ku xadgudubto xuquuqda muwaadinka, iyo in loo gacan geliyo gacan shisheeye.

W?Q: Zakriya Ismaaciil Xersi

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you