Friday, September 5, 2025

“Ilaahow Farmaajo ummadda dhaafi oo haku soo celin Talada iyo Xukunka dalka (Qormo dareen leh)

-

Adiga waad i khayaantay, kitaab ayaad gacanta ii gelisay, waxaad ka baxday ballantii aad ila gashay.

Waxey aheyd bishii Ramadan ee 2017 markaanu xafiiskaaga ku yeelannay shir socday qiyaastii 2 saacadood, wada hadal dheer kaddibna waxaan wada hadalkeenii ku soo gunaanadnay “in la is aamino”, intaa kuma aadan ekaan ee waxaad jalleecday “kitaab quraan” oo miiska kuu dul saarnaa. Waad istaagtay waxaadna tiri “kitaabka Alle ayaan isku aamineynaa”.

Waxaad weliba soo jeedisay inaan annagoo isi salaameyna aan kitaabkana gacanta kale saarno. Waxaan labadeenaba ku dhaaranay inaan is kaalmeysanno, siyaasadda mid ka ahaanno, Inaan kugu garab istaago arrimaha guud ee dalka adigana aad iga saaciddo horumarinta degaanka. Dhaarta kaddib waxaad English ku tiri “I watch your back, you watch my back” anigana waxaan kuugu jawaabay “waa ballan”.

Afka markii la furay waxaan u safray B/weyne, waxaan ku sugnaa labaatameeyo maalmood, markaan ku soo laabtay Muqdisho waxaan kuu sheegay iney Jowhar ka jirto shaqaaqo laga abaabulay Muqdisho, rag kugu dhowna ay hormuud ka yihiin.

Maalintaan qorsheeyay inaan Jowhar tagno aniga iyo tiro isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayey Jowhar ka soo yeertay inuu baarlamaankii Hirshabeelle kalsoonidii igala laabtay taasoo ay ummadda oo idil marqaati ka tahay ineysan jirin. Waxaan gaaray Jowhar waxaana ka sii daray fowdadii ay muhandasiinteeda ku sugnaayeen Villa Somaliya. 48 saac kadib ayaad toos ii soo wacday waxaadna iga dalabtay inaan kuu imaado, warkaagana wuxuu ahaa “ii kaalay arrintaan waan dhameyneynaa”.

Mar labaad ayaan aaminay warkaaga waana kuu imid hase ahaatee waxaan kaala kulmay fajacii adduunka. Waxaad qirtay waxa Jowhar ka dhacay ineysan sharciga waafaqsaneyn, waxaadna ii raacisay “Waxaan ogaaday koox ila shaqeysa iney arrinkaan abaabuleen, kedisna ay kugu noqotay”.

Waxaan kuu soo jeediyay maadaama aad tahay madaxweynaha dalka waajibna kaa saaran yahay ilaalinta daatuurka, inaad caddeyso waxa Jowhar laga sameeyay ineysan waafaqsaneyn dastuurka. Waad diiday inaad tallaabtaa qaado, waana halka aan ku xaqiiqsaday inaad dulmiga wax ka ogeyd raalina ka aheyd. Kooxdii i dulmisay adaa ka haray, mid mid ayeyna daaqadda uga bexeen.

Adiga waad i khayaantay, kitaab ayaad gacanta ii gelisay, waxaad ka baxday ballantii aad ila gashay. Kuma aanan cafin, kumana cafin doono. Waa bil Ramadaan, waan soomanahay, waan weyso qabaa, kitaabka Allah ee aad ku dhaaratay ayaa horteyda yaalla, addoon Ilahey baan ahay, xaq ayaadna iga gashay. Waxaan Ilahey ka baryaa inuu ummaddaan ku hor dhaafiyo. Ilahow Farmaajo waa i dulmiyay sida uu dad badan oo kaleba u dulmiyay.

Kitaabkaaga ayuu igu khayaamay sida uu dad badan ugu khayaamay. Ilaahow Farmaajo ummadda hor dhaafi. Ilahow Islaamnimadeyda haddey wax ka jiraan iga aqbal baryadeyda oo Farmaajo ha ku soo celin talada iyo xukunka dalka. Ilahow adaa mujiibu dacawaad ah ee iga aqbal dacwadeyda. Yaa Rabbi.

W/Qoray: Cali C/llaahi Cosoble
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you