Wednesday, July 16, 2025

Imaaraadka Carabta: Ciidamo miyay noo tababarrayaan mise iyagaa tababarranaya…? (FAALLO)

-

Dowladda Imaaraadka Carabta waxay ka mid tahay dowladaha qaniga ah ee Khaliijka, waxayna saaxiib dhow la tahay Mareykanka oo milateri  ahaan difaaca, kuna leh dalkeeda saldhigyo milateri, iyadoo qeyb ka ah isbaheysi Mareykanku hogaamiyo la dagaaamaya Daacish.

Imaaraadka waxay muddooyinkan danbe si weyn uga dhex muuqataa arimaha Soomaaliya iyadoo mashaariic kala duwan iyo joogitaan aan caadi ahayn ku leh dhammaan gobolada iyo maamulada dalka. Dowladda federaalka iyo maamulada kale waxay ka taageertaa dhinacyo kala duwan, waxaana si mug leh xilliyadii danbe u soo shaac baxay doorkeeda milateriga.

Dad badan ayaa shaki ka muujinaya doorka Imaaraadka Carabta kadib markii taageero milateri siiyay maamulada dalka intooda badan, waxay kaloo Muqdish ka dhistay xero milateri oo lagu tababarro ciidamada dalka, waxaana ugu danbeyay askar maanta tababar loogu soo xiray  dugsiga ciidamada ee Muqdisho oo la kowsanaya dowladda cusub.

Warar badan ayaa laga faafiyay rabitaanka Imaaraadka  oo ah in ciidamada uu Muqdisho ku tababarayo ay yihiin kuwo hoostaga isaga oo uu doonayo inay ka dagaalamaan dalka Yeman iyo warar kale. Inkastoo  wararka noocaasi ah aan caddeyn loo heynin, haddana waxaa shaki badan ku  wareegsan yahay ciidamada ay Imaaraadka tababarayaan iyo halka ay ku danbeyn doonaan.

Safiirka Imaaraadka wuxuu Soomaaliya ku leeyahay awood aan hore loo arag, wuxuu isaga gooshaa min Hargeysa ilaa Kismaayo, wuxuuna leeyahay amar aanay lahayn wasiirada dowladda Federaalka, wuxuu si toos ah ugu xadgudbaa taliyeyaasha iyo mas’uuliyiinta qaranka, waana diblomaasi u dhaqma si ka baxsan xadkiisa.

Waxaa kaloo in la is weydiiyo mudan in ciidamada Imaaraadka tababarayo ay yihiin kuwo uu isagu tababaranayo iyo kuwa uu Sooamaaliya u tababarayo..? Xerada waxaa ka dhex muuqda sawirka madaxweynaha Imaaraadka Carabta,  waxaana meel kasta ka taagan calanka dalka Imaaraadka Carabta, tani waxay sii kordhin kartaa shakiga jira, tiiyoo UAE ay u baahan tahay ciidamo Imaaraad dhalad ah ahayn oo magaceeda ku dagaalama, kana qeyb gala doorkeeda sii kordhaya ee gobolk sida dagaalka Yeman.

Imaaraadka oo ah dalka Mareykanku difaaco oo saldhigyo siiyay  ciidamo Mareykan ah wxuu saldhig milateri ka sameysan doonaan magaalada Berbera, halka inta badan dekadaha Soomaalida uu doonayo inuu heshiisyo dib u habeyn kula wareego.

Waxaa la arki doonaan mudada dhow doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya inuu ku kooban yahay taageero walaalnimo iyo inay ka danbeyso dane kale oo qarsoon oo dad badan ay aaminsan yihiin.

Goobjooge.com

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you