Imaaraadka oo ku eedeeyay Diyaaradaha Dagaalka dalka Qatar inay sigeen Diyaarad rayid oo Imaaraadku leeyahay

0

Wakaalada Wararka dalka Imaaraadka ayaa baahisay goor dhoweyd in diyaarado dagaal oo ay leedahay dalka Qatar ay halis geliyeen amiga iyo nabadgelyada hawada, iyagoo duqeyn gaaray diyaarad nooca rakaabka ah oo Imaaraadku leeyahay.

Warka ayaa lagu sheegay in shilkan ka dhacay hawada ay maamusho dalka Baxreyn, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wakaalada wararka AUE oo intaas raaciyey in si aad u dhow ay diyaarad dagaal ugu soo dhowaatay diyaaradda Rakaabka Imaaraadka oo ay saarnaayeen 86 qof oo rakaab ah, haliska ay gelisay.

Hay’adda Duulista Imaaraadka ayaa arrintan ku tilmaantay in tallaabada Qatar ay qaaday halis ku tahay amniga iyo marista hawada isla markaana ay dacwad u gudbin doonto Hay’adda Caalamiga ah ee arrintan qaabilsan.

Imaaraadka ayaa hore looga gudbiyey dacwad ku saabsan inay ku xadgudubtay hawada dalka Qatar, waxayna markaas kadib bilowday inay sameyso kiisas jawaab u ah dacwadda Qatar.