Imaaraadka oo shaaciyey inay Dalka Yeman ku qabteen Diyaarad Iiraan leedahay oo Qaraxyo sida [Sawirro]

0

Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in ciidamadeeda ku sugan dalka Yemen ay gacanta ku dhigay diyaarad Iiraan lagu farsameeyay ay ka buuxeen waxyaabhaa qarxa.

Diyaaradda ayaa la sheegay in lagu qabtay Xeebaha Galbeed ee dalka Yeman, xilli ay fulin lahayd weerar ku socday ciidamada dowlada Yeman ee ay taageeraan isbaheysiga Sacuudiga iyo Yeman.

Milatariga Imaaraadka qeybta ku taqasusay Qaraxyada ayaa sheegay in Diyaaradda nooceedu yahay Qassef-1. Ciidanka Imaaraadka ee jooga Dalka Yemen ayaa waxaa ay sheegeen in Diyaaraddaas haddii ay qarxi lahayd ay saameyn badan yeelan lahayd, sidoo kalena ay khasaare nafeed u geysan lahayd boqolaal dad ah.

Dowladda Iraan ee lagu eedeeyay in ay leedahay diyaaraddan wali kama hadlin eedda loo jeediyay.