Monday, July 14, 2025

Isbeddelka Itoobiya & Is-muquuninta Qowmiydaha [Qormo ku saabsan xaaladda Itoobiya]

-

Isbeddel ku cusub Xukunka iyo dhaqan-siyaasadeedka Itoobiya, lagana yaabo in uu halistiisa yeesho ayaa hadda ku socda qaabkii ay Itoobiya u dhisnayd, kuna ahayd dowlad isl aweyn muddo dheer. Jabhadda xoreynta dadka Tigree oo la aasaasay sanadkii 1975-tii; iyo isbaheysigeeda EPRDF; oo xukumayey Itoobiya muddo ku dhow 30; sano, ayaa u muuqda kuwo ku jira maalmihii u dambeeyey ee noloshiisa siyaasadeed.

Madaxda sare ee EPRDF; jabhadda dimoqraadiga kacdoonka dadka Itoobiya; oo ka kooban afar xisbi qabiil ayaa wajahaya welwel iyo cabsi kaddib iscasilaadda Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe.

Isabaheysiga EPRDF; ayaa ka sameysmay isutag ay sameeyeen TPLF oo Tigree ah iyo SEPDM; oo metela dadka dega Koofurta Itoobiya, iyada oo 1989-kii, intii uu ku jiray jabhadeynta lagu soo daray OPDO; Ururka dimoqraadiyadda dadka Oromada iyo ANDM; dhaqdhaqaaqa waddaniga ah ee Amxaarada.

Ismaamul-goboleedyada Itoobiya ayaa qaarkood qorsheynaya in ay sameeyaan mid lamid ah kacdoonkii Wayane; oo sanadkii 1943; ka kacay gobolka Tigraay, Xayle Salaase iyo Abebe Arege; oo taliyeyaal ciidan ka ahaa kacdoonkaas billowgiisii ayaa sameystay waagaas halqabsiga ah “ Dowlad ma jirto ee aan ismaareyno isna xukuno”, wax u muuqda in ay ka turjumayaan sameysiga is xukun iyo in xukunka Adisababa laga hoos baxo ayaa ka hulaaqaya ismaamul gobleedyo ay Oramada iyo Amxaaradu ugu horreeyaan, kuwaas oo ay suurtagal tahay in ay jiheeyaan inta badan qowmiyadaha dalkaas.

Siraj Fegessa; Wasiirka gaashaan-dhigga Itoobiya

Siraj Fegessa; wasiirka gaashaankdhigga ee Ethiopia ayaa u sheegay warbaahinta kaddib iscasilaadii Raisalwasaare Desalegn Boshe; in Itoobiya geleyso xukun iyo xaalad degdeg ah muddo 6; bil ah, ujeedka xukunka degdegga ah ayaa ah in lagu xakameeyo deganaansho la’aanta, Bannaanbaxyada iyo mucaaradka ku dhexsameysmaya xasilooni la’aanta.

Dowladda ayaa dhowr mar iskudayday in ay sameyso wax u eg xaalad degdeg ah balse taasi waxa ay sababtay dhimasho iyo burbur hordhac u noqday xasilooni la’aanta laga cabsi qabo in ay sabab u noqoto dhalashadaItoobiya kala qaybsan

Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe; oo ka soo jeeda qomiyadda Waleyta oo kamid ah shucuubta koofurta Itoobiya kana mid ah Xisbiga SEPDM; oo kamid ah ururada sameeyey isbaheysiga EPRDF; ee xukuma Itoobiya ayaa halmar kawada tegey xilkii raisalwasaarenimo iyo hoggaamiyenimadii EPRDF; waxa uu ku sheegay sababta in muddo dheer dalku ku jiro bannaanbaxyo sababay dhimasho badan, iscasilaaddiisana waxa uu ku tilmaamay in ay tahay tallaabo suurtagal ka dhigi karta sameynta dib u habayn siyaasadeed.

Iyada oo aan looga baran ayuu si cad u muujiyey in xasilooni la’aanta siyaasadeed iyo deganaansho la’aantu ay sababeen dhimashada iyo barakaca dad badan oo Itoobiyaan ah.

Waxa uu xilka ka degay iyada oo uu taagan tahay kacdoonkii ugu weynaa uguna adkaa ee ka horyimaada xukunka itoobiya muddo 25; sano ah.

Hadda tirada ay sheegtay xukuumadda Itoobiya oo ah maxaabiis siyaasadeed ayaa gaartay 6500; oo qof, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, Suxufiyiin iyo dadka u ololeeya ballaaranta xukunka iyo talada Itoobiya oo sidii uu hirgalay 27; sano kahor xukunka TPLF ku jira gacan bir ah iyo xabsi neefdiid ah, kaas oo ku ad-adkaa dhammaan dadka dhalliila.

Oromada oo isu aragta in ay ka ooman tahay xukunka iyo talada Itoobiya iyo Amxaarada oo isu aragta in shan farood iyo calaacal looga faramaroojiyey xukunka dalka ayaa wada isusoo bax aad u weyn oo ay qurbajoogta labada qabiil ka teegarayaan dibadda.

Bannaanbaxayaal oromo ah, oo diiddan DowladdaItoobiya 2016. Isha Sawirka

Amxaarada iyo Oramadu haddii ay is garabsadaan waxa ay ka dhigan yihiin 61% dadka Itoobiya, balse iskaashiga Oroma iyoo Amxaarada waxa hortaagan Tigree oo isbaheysi bawdo qaawis u ah la leh Qabaail yaryar bale aad u tirabadan marka la isugeeyo.

Xukunka Itoobiya dhinacyada Ciidanka, Dhaqaalaha, Sirdoonka iyo Warbaahinta waxa gacanta ku haya kaadir aaminsan sarreynta Qabiilka Tigree, ama dad katirsan qowmiyadaha kale balse u tirsan kuna tirsan Tigree, sababta ugu weyn waa in Tigree dareensan yahay in haddii aanay xukunka hayn ay suurtagal tahay in si ba’an looga aarguto, waana taas mid kamid ah sababaha ay jabhadda xoreynta dadka Tigree; ugu ololeysay in Itoobiya noqoto Dowlad federal ah oo xukunku u kala qaybsan yahay Caasimadda iyo caasimadaha ismaamul goboleedyada.

Qowmiyadaha Aari, Afar, Agaw-Awi, Agaw-Hamyra, Alaba, Amhara, Anuak, Arbore, Argobba, Bacha, Basketo, Bench, Berta, Bodi, Brayle, Burji, Bena, Chara, Daasanach Dawro, Debase/ Gawwada,Dirashe,Dime, Dizi, Donga, Fedashe, Felasha,Gamo, Gebato, Gedeo, Gedicho,Gidole, Goffa, Gumuz, Gurage, Silt’e Hadiya, Hamar, Harari, Irob, Kafficho, Kambaata, Konta, Komo
Konso, Koore, Koyego, Kunama, Karo, Kusumie, Kwegu, Male Mao, Mareqo, Mashola, Mere, Me’en,Messengo, Majangir, Mossiye, Murle, Mursi,Nao, Nuer, Nyangatom, Oromo, Oyda Qebena, Qechem, Qewama, She, Shekecho, Sheko, Shinasha, Shita/Upo, Sidama, Somali, Surma, Tigray, Tembaro, Tsamai Welayta, Werji, Yem, Zeyese, Zelmam, iyo Dorze, intooda badan waxa ay gacansaar isgarabsi ah la leeyihiin TPLF, waxa ayna xubno ka yihiin Isbaheysiga EPRDF;

Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe; waa la aqbalay iscasilaaddiisa, guddiyada fulinnta ee xisbigiisa SEPDM iyo isbaheysiga EPRDF ; ayaa sidaas u sheegay warbaahinta dowladda.

Safaaradda Itoobiya ee Landhan oo soosaartay War kooban ayaa sheegtay in la aqbalay iscasilaadda raisalwasaaraha basle waxa uu sii wadi doonaa howsha inta laga helayo cid bedesha, taas oo ka soo bixi doonta shir weynaha soosocda ee isbaheysiga EPRDF.

Desalegn Boshe; waxa uu ahaa siyaasi aan muuqan, qunyar socod ah, kuna fiican maamulka iyo maareynta, waxa uu ka hoos shaqeynayey hoggaamiyihii Shuuciga ahaa ee Meles Zenawi Asres; oo geeriyooday Agosto 2012

WQ: Axmed Ciise Guutaale

Dersa Sharciga & Qaanuunka

Xigashada:

http://www.independent.co.uk; www.theguardian.com; http://www.aljazeera.com

Abdulahi Nur Colombo; magacyada qowmiyadaha ayaan ka soo xigtay qoraalkiisa

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you