Isbitaalka Ordogan (Digfeer) oo bil gudaheed lagu daweeyay bukaan ka badan 11 kun qof

0

Maamulka Isbitaalka Erdogan (Digfeer) ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay adeegyada caafimaad ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed.

Qoraal safaaradda Turkiga ay soo dhigtay barteed Twitter-ka ayay ku sheegtay in Isbitaalka sii wado adeegyadiisa caafimaad ee shacabka Soomaliyeed u hayo, kadib markii uu booqday safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheega inay isbitaalka ka shaqeeyaan dhaqaale iyo dhaqaatiir isugu jira 78 Turki Ah iyo 374 Shaqaale oo Soomaali ah. Wuxuuna Isbitaalku qaabilay tiro aad u badan oo bukaano ah loona fidiyay adeegyo caafimaad.

Bishii Janaayo kaliya ayaa la sheegat inyy Isbitaalku qaabilay adeegyo caafimaadna  u fidiyay 11,531 (Kow iyo Toban Kun Shan Boqol iyo Soddon iyo Kow) bukaan.

DAAWO SAWIRRO