Sunday, July 13, 2025

Ismari waaga ka dhex taagan labada Garab ee Baarlamaanka Soomaaliya [Warbixin]

-

Waxaan wali higrelin kulan uu Baarlamaanka Soomaaliya uu ka yeelan lahaa labo ajande oo iska soo horjeeda oo ay kala wateen guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa koowaad oo lagu waday in lagu qabto dhismaha guriga umadda ee magaalada Muqdisho.

Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyay hoolka ay ku shiraan xildhibaanada oo aroortii hore ay soo xaadireen tobannaan xildhibaan balse markii dambe la diiday in xildhibaano kale soo galaan. Labada dhinac ee Golaha Shacabka ee Baarlamanku u qaybsanyahay ayaa midba mid kale ku eedeynaya inuu wado awood maroorsi.

Waa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabdi Maxamad oo ku eedeynaya gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa koowaad Mahad Cabdalla Cawad inay ciidan lasoo galeen dhismaha baarlamanka.

Xildhibaanada taagersan codka kalsoonida ayaa ku edeeyay guddoomiyaha inuu is hortagay dadaallada dhameystirka dastuurka iyo eedeymo kale. Guddoomiyaha ayaa beeniyay eedeymahaasi.

Taageerayaasha Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa diidan in codkan la qaada iyagoo ku eedeeyay xukumadda inay gadaal ka riixeyso codkan oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah. Wali ma kala cadda in codkaasi uu qabsoomi doona iyo in kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Talaadadii sheegay in dadaalladii lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan baarlamaanka ay guul darreysteen.

Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho shalay ayaa sheegay inuu ku gacan seyray dalab loo soo jeediyay oo ahaa inuu is casilo.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu qeyb ka yahay khilaafka, qaadi doonana ”masuuliyadda haddii ay fowdo dhacdo”

”Aaad baa la iiga gar daran yahay in la i weydiiyo inaan is casilo, annigu sharci baan ku imid, sharci uun ayaana ku bixi karaa,” ayuu yiri Jawaari.

Sabtidii ayaa la baajiyay kulanka Golaha Shacabku oo ajandayaal iska soo horjeeda looga hadli lahaa balse hadda waxay u muuqataa in khilaafka labada dhinac ee goluhu u qaybsamay wali uu taagan yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wadahadalo la lahaa dhinacayda is haya tan iyo Sabtidii haseyeeshe waxa muuqata inaan lagu guuleysan waanwaanta. Xafiiska madaxweynaha wali kama uusan hadal eedeyntan u dambeysay ee ka soo yeertay Jawaari.

Mar sii horreysay gudoomiye kuxigeenka Koowaad Cabdiwali Ibrahim Sheekh Muudey waxa uu shaqo joojin ku soo rogay xogeeyaha guud ee Baarlamanka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, haseyeeshee isla shalay waxa warqadaasi ku gacan seyray gudoomiye Jawaari oo ku tilmaamay shaqo joojintaasi mid aan sharciyad haysan, wuxuna ku amray xogeeyaha guud inuu shaqadiisa sii wato.

Khilaafka ragaadiyay dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay Baarlamanka Soomaaliya waxa uu cuuryaamiyay hawlihii dawladda, iyadoo dhinacyada oo dhan isku dayayaan in midba midka kale uu ka guuleysto.

Guddoomiye Jawaari ayaa horay xukuumadda Kheyre ku eedeeyay inay duulaan ku soo qaaday Baarlamanka taasina ay khatar ku tahay habsami u wadashaqaynta hay’adaha dawladda. Illaa hadda wax jawaab ah oo ku saabsan eedeyntaasi lagama hayo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dalalka iyo hay’adaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosmay hay’adaha dawladda federaalka, waxayna ku baaqeen in loo hogaansamo dastuurka iyo sharciyada kale ee wadanka u yaala, laguna xaliyo khilaaf kasta oo jira.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you