Wednesday, July 9, 2025

Isteerinka Arrimaha Dibadda Soomaaliya [Akhriso Qormada Wasiir Yuusuf Garaad]

-

Dalka Soomaaliya waa mid ka soo kabanaya dagaal sokeeye.  Geeridii, dhaawacii, qaxii iyo burburkii dagaalka sokeeye dartood, konton iyo toddoba sano ka dib Dowladnimada Soomaaliya waa mid mar labaad socod-barad ah oo hadda la kabkabayo una baahan koolkoolin iyo in loo turo.

Sagaashanaadkii

Waxaan ka soo gudubnay xilligii Sagaashamaadkii oo aan ahayn Dowlad la’aan.  Waa xilligii abwaan Soomaaliyeed oo aan kula kulmay Baydhaba uu ka tiriyay tix aan ka xusuusto hooriskeeda oo ahaa:

“Wada Tuute noqannaye, 

nin waliba tabtuu rabo, 

ha u rido tumaatida”.

2000 iyo ka dib

Waxaa kale oo aan ka soo gudubnay tobankii sano ee xigay ee Hoggaamiye Kooxeedyo hub badan haysta, mararka qaarna degaan ka taliyaa ay Dowladda is hor taagi jireen amaba ay ridi jireen.

Hoggaamiye kooxeedyadaas oo uu mid waliba u duulo caasimad shisheeye tii uu doono iyo weliba mararka qaarkood gobollo shisheeye si uu heshiiska uu doono ula soo galo Dowlad ama sharikad iyada oo og in aanuu heshiiskaas fulin karin haddana dano gurracan dartood shaar ka weyn u toli jirtay Hoggaamiye kooxeedka.

2012

Waa laga soo gudbay xilligii ku meel gaarka, inkasta oo weli xagga dib u heshiinta iyo dib u dhiska hey’daha Dowladda siiba ciidanka ay wax badani ka dhimman yihiin.

Waxa la isku afgartay ee Dowladnimada Soomaaliya ay ku dhisan tahay, oo uu Madaxweyne ku noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida Madaxweynayaashii isaga ka horreeyayba ay ku noqdeen, waa Dastuurka dalka oo isaga laftiisu weli ku-meel-gaar ah ilaa afti laga qaadayo shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed

Dastuurku si cad ayuu u qeexayaa in Siyaasadda Dibadda ay u xilsaaran tahay KELIYA Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dastuurku wuxuu awood u siinayaa in Madaxweynuhu uu yahay mas’uulka dalka ugu sarreeya, fagaarayaasha caalamiga ahna uu isagu ama wakiilkiisu ku matalo Soomaaliya.

Dastuurku ma qorayo in Gobol waliba uu dalka uu doono la geli karo heshiis ama taageero siyaasadeed u fidin karo.  Sidoo kale, Dastuurku ma qorayo in Gobolkii doonaa uu Dowladda uu xiriirka u jari karo ama uu ku qaadi karo dagaal.

Madaxda Dowlad Goboleedyadu cod iyo mas’uuliyad heerkooda ah ayay ku leeyihiin talada Dalka. Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalkuna waa ay ku xushmeyneysaa.  Haddii ay la soo gudboonaato mar go’aan ay Xukuumaddu gaartay uu u cuntami waayo Madaxweyne Goboleed ama uu hayo talo ka wanaagsan go’aanka Xukuumadda, waxaa u furan in uu Dowladda Federaalka ah u soo jeediyo talo.

Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka dhexeysa wadashaqeyn fiican xagga siyaasadda iyo xagga amnigaba.  Khilaafna kama jiro Arrimaha Gudaha ee dalka.  Arrimaha Dibaddana go’aankeeda waxaa leh Madaxweynaha Jamhuriyadda iyo Xukuumadda Federaalka.

Madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya waa in aan dhammaanteen siinnaa qiimeynta ugu weyn.  Waa waxa keliya ee waaraya.  Xil uu qof mas’uul ahi hayo heerka uu doono ha noqdee waxaa ka weyn Qarankeenna. Manfac iyo damac kasta oo kale waxaa ka weyn wadajirkeenna iyo Madaxbannaanideenna.  Iyaga ayaa waaraya.

Sidaa darteed aan ka dhowrsanno in Hoggaamiyaha dalka ee maanta iyo berri lala qabsado isteerinka. Hoggaamiyaha maanta ee dalku waa Maxamed Cabdullaahi Maxamed.  Hoggaamiyaha berri imaan doona ama imaan doonta ma naqaan. Laakiin mid kasta oo Hoggaamiye noqda waxaa uu jeclaan lahaa, Soomaaliyana u roon, in uu la wareego Dowlad wax-ku-ool ah oo nidaam iyo kala dambeyn ku socota oo aan is-barbar-yaac lahayn.

Dastuurka Soomaaliya meelaha qaar ma cadda oo mugdi ayaa ku jira.  Meelaha qaarna waa mid aan dood geli karin waxa uu Dastuurku ka qabo.

Soohdinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada marka ay joogto Arrimaha Dibaddu uma baahna fasiraad badan marka aad akhriso Dastuurku sida uu u qeexayo.

Qofka ka dhowrsan waaya in uu si sharci darro ah isteerinka ula qabsado Hoggaamiyaha Dalku, ama aan si kale u dhigee ku kaca fal lid ku ah Dastuurka dalku ha ogaado in uu wiiqayo Dowladnimada Soomaaliya.

W/Q: Yusuf Garaad Omar
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you